Cilmi Boodhari

Cilmi Boodhari ama sida uu yahay
magaciisa oo buuxa Calmi Ismaaciil
Liibaan, dad badankiisu waxay
ku yaqaaniin qisada jacaylkii dhexmaray
isaga iyo Hodan Cabdulle
Walanwal. Run ahaatii, inkasta oo
ay jirto in Cilmi caashaqa iyo jacaylka
dhabta ah uu ku caan baxay,
hadda dhinaca suugaanta afka
soomaaliga wax weyn buu ku soo
kordhiyay, waxaana uu ku leeyahay
suugaan maqaam culus leh oo
ka mid ah oo ma hadhooyin iyo
halhaysyo badan ku reebay dadka
soomaaliyeed, islamarkaasna
gundhig iyo raadraac u noqoday
qof kasta oo dereenka jacaylku
iyo waayihiisu ay la soo dersaan.
Midda kale, waxay suugaantiisu sumad
u tahay iyo halbeeg dhaqanka
soomaalida, waxaana laga dhex milicsan
karaa marxaladdaha kala duwan
ee uu dhaqanku soo maray, laga
bilaabo wakhtiyadaas uu Cilmi noolaa
iyo xilligan aynu hadda joogno,
inta uu leeg yahay isbedlka dhacay.
Dadkii wakhtigaas Cilmi noolaa oo
ku beegan 1920-1940:aadkii, wax
badan ayaa gabayada Cilmi Boodhari
innaga tusayaan, gaar ahaan
fikirkooda iyo qaabka ay u arkayeen
jacayl iyo waxyaabaha la xidhiidha.
Qisadan Cilmi iyo Hodan, dadku
waxay uga sheekeeyaan siyaabo
kala duwan. Dad baa qaba in Cilmi
aanay wax badan oo xidhiidh
ah lahayn Hodan oo uu hal mar uu
arkay oo ay Foornadii Roodhida
ee uu ka shaqeyn jiray ugu
soo gashay, laakiin
anigu, kedib, markii aan milicsaday
suugaantiisa, islamrkaasna
aan u dhuuxay si mug leh,
waxay suugaantani i geyaysiisay,
in ninka waxan oo gabay
ah laabtiisa ka soo xaadhayaa,
aanu been ku hadlay, ee
arrimaha uu sifaynayo iyo humaagan
uu bixinayo ay yihiin
qaar wax ku ool ah oo uu u
soo joogay, lana soo dersay.
Waxaan odhan karaa: Soomaalidu
been way sheegtaa,
laakiin been ma gabaydo!
Bal haddaba, aynu dhex marno
hawlaha iyo hadimooyinka uu
Cilmi tirsaday ee kala soo gudboonaaday
dhinaca jacayl uu u
qaaday Hodan Cabdulle iyo silsiladda
taxannaha ahayd ee taariikh
nololleedka Cilmi oo kulli,
mid kasta oo u soo bandhigaaba,
sababta gabayga uu u tiriyay
iyo xaaladda ku hareeraysnayd
ee uu ka cabanayo, aynu si
muraad oo kale ah humaag aan
mugdi badan lahyn iyo muuqaal
is fasiraya u soo bandhigayay:
Cilmi Boodhari wuxuu ahaa
wiil ka dhashay reer sabool ah
oo reer miyi ah, sidaas awgeed,
ayuu isaga oo da’ yar uga soo
baqoolay dhinaca miyiga oo uu
u soo galay benderka iyo magaalo,
si uu uga shaqeysto. Nasiib
wanaag Waxaa uu deggey
magaalada marsada ah ee Berbera
oo markaas aad u camirnayd,
ahaydna magaallooyinka
Somaliland oo markaas loo
yaqaanay (British Somaliland
protectorate) magaalada ugu camiran.
Cilmi waxaa uu shaqo ka helay
foorno lagu dubo roodhida. Halkaasi
ayay Hodanna ka iibsan jirtay
Roodhida. Iyada oo iyana ka dhalatay
reer marka la eeego soomaalida
wakhtigaas joogtay reer ladan ahaa.
Caashaq baa uu Cilmi Boodhari la
bukooday. Culays baana saaramay
kedib markii uu muddo dareen jacaylka
dhex dabaashay, waxaa ku
batay xanuun ka dhashay rabitaan
xad dhaaf ah ee uu u qabay Hodan.
Cuntadii iyo hurdadiina way
ku yaraadeen Cilmi. Hodan reerkoodii
aad bay uga xeyraameen,
waxayna ku mareen dhaar in aanay
xidhiidh la yeelan karin
ninkaas, ay sheegayso ee Cilmi la
yidhaahdo, kedib markay ka war
heleen qisada jacaylka ee uu ku
andacoonayo Cilmi in uu u qabo
Hodan, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Iyagu waxayna ahayd sababta
ay u cuskadeen, inuu yahay
Cilmi wiil yar oo foorno roodhi
ah ka shaqeeya, oo aan kufkeedaba
ahayn, una qalmi inay isku quudho.
Islamarkaasna ka dhashay
reer sabool ah. Cilmi waxay u
sheegtay Hodan in xaajadu adag
tahay oo aanay suurtogal ahayn
in ay is guursadaa. Muddo kaddib
Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii
ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey
dhibaatadii la soo deristay:
Nimanyahow! dharaar iyo habeen,
waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xariiqaa, siday
dhiilo i timiye
Sidii qaalin dhugatoobayoo,
geeli laga reebay
Dhallinyaro ma raacee keligay
baan, dhaxanta meeraaye
Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii,
dhawac weyn qaba e
Read Résuméabuiyad

TAARIKH NOLOLEEDKII SAXAABIGII WAYNAA CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI qaybtii labaad

Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka". Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga"
Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.
La kulankii C/llaahi ee Qaysar:
Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.
Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo".
Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.
Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.
Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.

Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo. 

         ******DHAMAAD******
Read Résuméabuiyad

Loolan dhanka taleefonada gacanta ah oo ka dhaxeeya shirkadaha Samsung iyo Apple












shirkadaha Samsung iyo Apple ayaa ah labada shirkadood ee soo saara  teloofanada gacanta  sida wayn looga isticmaala
caalamka waqtigani ayaa maalmahani waxa muuqanayay in uu u dhaxeeyo loolan aad u balaaran kadib markii laba isbuuc ka hor ay shirkada APPLe soo saartay  telefoonada gacanta oo noocisa yahay (gold edition iPhone 5S) kaa soo ah dahab kalorkisa.
 in ka yar  laba isbuuc   aya shirkada SAMSUNG dhankeeda  waxa ay soo saartay   laba telefoon oo noocyadooda kala yihiin (gold pink and gold brown)  
(gold Samsung Galaxy S4) oo isaga  dhahab ah kolorkiisa ama (GoldEdition colours).
Hadaba labadani shirkadood ayaa  waxa ka muuqanaysa in uu loolankooda dhanka technologyida ay aad u sii xoogaysanayso 
kadib markii ay wax ka yar bil ay soo saartay mid waliba telefoono noocya cusub oo ku soo kasbanayaan macaamiishooda islamarkaana aad casri u ah iyadoo xiliyadani dambe dadwaynaha isticmaala teleefonada gacanta ay aad u iibsanayaan talefonada nooca (touch screen) ah ama nooca shaashada laga isticmaala.

Read Résuméabuiyad

QURBO IYO QOOMAMO JACAYL QEYBTA 6AAD Shalaay Ma Horeyee Waa Danbeyaa

Shalaay Ma Horeyee Waa Danbeyaa


fahad intuu xabsiga ku jiray, aad buu u ba ba’ay. Aragiisu waxa uu noqday mugdi, Isbedel weyn baa ku dhacay, waxa uu noqday madluum aan hadlin. Waxa uu ka go’ay cuntadii, aad buu u catoobay, heer dadkii eey garan wayeen muqaalkiisa. Fahad Maxkamad baa lasoo saaray. Qoyskii uu ka dhashay baa lacag badan ku bixiyay lowyar aad qaali u ah, si looga ...qafiifiyo danbiga uu galay. Qoyskii baa Filsan waxa ay ka codsadeen in ay Fahad samaaxdo oo iska cafiso. Sidoo kale maxkamada eeysan tagin. Filsan weey ka aqbashay codsigii qoyska usoo bandhigeen, maxaa yeelay waxa ay aheyd gabar taqaan rabigeed iyadoo qadrineysa caruurteda abahood. Hasa yeshee waxa ay ka codsatay in Fahad uusan usoo dhawaan. Halkaa markeey arintu mareyso, lowyarkii Fahad loo qabtay oo ahaa nin aad u caqli badan baa waxa uu ka shaqeeyay sida Fahad looga qafiifin lahaa danbigiisa. Dadaal badan kadib maxkamadii waxa ay go’aamisay in Fahad lagu xukumo 1 sano oo xarig iyo 3 sano oo la eegayay dhaqankiisa(probation). Sidoo kale in uu ka dheeraado Filsan iyo carurteeda xad dhan 100 meter. Hadii lagu arko agagaarkeeda xabsiga loo taxaabi doono su’aal la’aan. Fahad waxa uu dhamestay 1 sano oo xarig ah, oo aad u rafaad badan. 1dii Sano uu xernaaa Fahad wax xariir ah ma uusan la yeelan Filsan iyo caruurtiisa. Fahad markii uu xabsiga kasoo baxay kadib, waxa uu wareegay gobol kale o aanan aheyn gobolki Filsan ay ku nooleyd. Ayaan mar ka uu nastay waxa uu isku deyay in uu xariir la sameyo caruurtiisa iyo Filsan. Fahad waxuu wacay Filsan, hase yeshee Filsan marki ay maqashay codkiisa, Telefonka wa uu ka dhacay iyadoo dareemeyso xanuun gudaha qalbiga ah, wadnaha gariiray oo dhidid baa ka yimid, talefoonka wa ay ku damisay.{Nin aduunyo jogoow maxaa aragti ku laaban} waxeey is tiri oo muxuu iga soo wacayaa, wa ninkii sidaan ogaa ii galay. Markiiba waxeey la xariirtay qoladii talefoonka si eey u bedelato talefon numberkeeda. Fahad wa uu dereemay in Filsan ay wali iloobin waxa uu ku sameyay. Fahad Waxa uu is weydiyay side u raali gelisaa Filsan. Fahad wuu murugooday wuuna wel welay. Qof markaa arintaan qibrad u leh oo la tashto ma uusan helin. Fahad noloshii baa cariiri ku noqotay hurdo la’aan iyo nasasho la’aan. Fahad qalbigiisa mar walba waxaa kusoo dhacayay caruurtiisa iyo filsan aad, buu u shalaayey isagoo mar walba donayay in uu wanagii iyo walaalnimadii Filsan soo celiyo. Balse qalbi jabay sidee lo so celiyaa. Fahad waxa uu ogaaday in Filsan talefonka eey ka bedelata. Markaas kadib waxa uu direy ergo si uu ula hadlo kaliya. Ergadii baa Filsan u tagtay.

Read Résuméabuiyad

maxa ka jira in cuntooyinka fudud ay dhib u keento ragga (waa maxaay dhibaatooyinkaas ?)









Xarunta Ka hortagga iyo la dagaalanka Curudada ee Dalka Mareykanka ayaa Cilmi-baaristii ugu dambeeysay ee ay samaysay waxay ku sheegtay  in ku tarax-tagga Cunooyinka fudud, iyadoo laga tagayo Qudaarta iyo Miraha kaleba ay Ragga ku keento Niyad Jab iyo quus badan.

Qudaarta iyo Miraha kale ayaa iyaguna yareeya halista in Raggu ay Quusta iyo Niyad-jabka dareemaan sida Cilmi barista lagu xusay, iyadoo Ragga ay arrintan saameyneysana ay u badanyihiin kuwo Da’da Dhex dhexaadka ku jira.

Xog lagasoo uruuriyay Haween Da’doodu u dhexeyso 45 illaa 64 Sano ayaa lagu ogaaday inay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee Niyad jabku uu qabsado, waloow Raggana ay Habka Cunadooda ka dhaxlaan Xanuunadan oo kale.

Cilmi-baaristan oo lagu faafiyay Majaladda Daweeynta Cudurada Nafsiga iyo kuwa Jirka ka hadasha ayaa waxaa lagu cadeeyay in ku dadalista Cunista Qudaarta iyo Miraha kale ay si wayn Gacan uga geeysanayso yareeynta Saameynta daran ee ka dhalata ku tarax tagga Cunooyinka fudud.
Read Résuméabuiyad

taarikh nololeedkii saxaabigii waynaa CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI

 aqristayaasheena sharafta waxaan idinku soo gudbin doonaa bogga qisoouinka.blogspot.com maalin kasta oo jimca ah kala socon doontaan taarikh nololeedka saxaaba. maantana waxaan idin soo gudbinaynaa  taarikh nololeedkii saxaabigii waynaa CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI ka faaiidaysi wacan.

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI
Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.
Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.

Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo ku taalla Ciraaq). 
la soco qaybta xigta  maalinta  jimcaha  inshalaah.
Read Résuméabuiyad

AAqiro Ayaad Joogta abti sheeko ilo qosol ah (aqri adaa qosli doono)











AAqiro Ayaad Joogta abt

Waxaa Jiray Nnbaadiya dagan ee xamar uso qaatay QORYOO uu beeciyo waxey eheed waqtigi ugu horeeyay ee xamar uu yimaada, Tilmaanta suuqa AABIHI soo siiyay, lakiin Nasiib xumo BAABUUR ayaa Jug-siiyay loona soo qaday Hospital DIGFEER.
waxa jiray seeri ama xariif suuqa-ceelgaab lagu soo sakiimeeyay ee Hospitalka jifay asigana.
Sheekada sidaan ayey u dhacday:
BADDIYE: wuu soo naaxay(), wuxuuna bilaabay dhinacya fiir fiiris, wuu ama kaagay wuxuu is weydiiyay xagee joogta? wuxuu weydiiyay XARIIFKI dhinaciisa jiifay(Seeeriga suuqa ceelgaab laga keenay)

BAAIYE: walal meeshaan waa xagee?
XARIIFKA: wuxu arkay BAADIYA in uu warersanyahay.
XARIIIFKA: abti AAQIRO ayaa joogtaa.
BAADIYE: eebow aduunyo maka soo guuray?
XARIIF: haa
BAADIYO: dadkaan qeelinaayo eee taahayo maxa ku dhacay?
XARIIIF: naarta ayaa loo qoray oo loo wadaaa.
BAADIYE: kuwa iska hurda, ee amusana?
XARIIFKA; qaarkood janada ayaa loo qoray, qaarna weli meel looma qorin.
BAADIYE: kuwa dharka cad cad wata ee korsocda ee marba qaf utagaya waa maxay?
XARIIFKA: malaa-igti waaye.
BAADIYE: adiga iyo aniga xagee nagula qoray?
XARIIFKA : weli.
BAADIYE: dariishada fiiriyay. kadibna arkay amblaas, iyo geel qoryo wado.
BAADIYE: baabuurka iyo geela qoryaha wada maxaa AAQIRO keenay?
XARIIRF: qoryaha naarta ayaa lagu shidayaa, baabuurka qafti ordo ayaa lagu so qabanayaa.
BAADIYE: miyaa la fakan karaa?
XARIIFA: orod maleedahay?
BAADIYE: marka aduunyo jogay nin weligey ima qaban, aniga ayaa ugu orod badnaa meesha aan degenaay, ee addunyo orod maku tegi karaa waa is hubaaaye.

XARIIF: haa duqa maxaa sugee dhinac walba waad kafan kartaa..cagaha furo..
BAADIYE: orodka aduunka..
Read Résuméabuiyad

QURBO IYO QOOMAMO JACAYL QEYBTA SHANAAD.Jaceylkii ma Mugdi buu isku Bedelay?

Qeybta Shanaad

Jaceylkii ma Mugdi buu isku Bedelay?


Habeenkaa waxeey aheyd habeen mugdi ah oo taarikh ku leh Nolasha Filsan. Fahad waxaa uu hoydey Xabsiga dhexee. Filsan waxaa la seexiyey Cisbitaal. Caruurtii waxa eey la seexdeen gabadhii dariska la aheyd, will yar uu fahad dhaley baa gabdha waxa uu ku yiri HABARYAR waan gaajoonayaa? Inta eey si caro leh ula hadashey bey tiri, waryaa aniguu habaryartaa ma ahi! ee mar dambe ha igu oran habar-yar iyadoo qeylineysa. Wilka yaraa wa uu iska amuusay’ wa uu garan waayey waxa uu ka sameyay habaryarti, -War la iskuma hayo, Gabdha qabilkeeda beey difaaceysaa-.Habeenkaas Filsan hurdo waa ka soo go’i weydey, aad bey u wal-washey, fikir aad uu dheer bey gasheey, Ilaa markii danbe gabar nurse ka ah cisbitaalka eey ku tiri, wax walba okey bey noqonyaan ee ha wal-welin iyadoo dhoolo cadeyneysa, War la iskuma hayo, Filsan waxaa mar walba Qalbigeeda ku dhacayey dar-daranki Aabaheed oo ahaa Aabo iska ilaali Ajiida ( Ajii oo macnaheedu yahay dadka wax heybsoca) si kasta Arintu ha ahaate fikirkeeda waxa u dheraa caruurteeda oo aad uu jecleyd. Wel wel noolaleed beey gashay. Su,aalo badan ayeey nafteyda weydineysay. Su’alaha eey is weydineysay waxaa ka mid ahaa; Noloshaada sidee noqon dontaa, yaase wehel ku noqonaayo. Caruurteyda sideesa kaligeey u bar-bariyaa. Waxey kale oo laheyd Allow imtixaanka aduun I fududeey. Filsan Cisbitaalki waa laga soo saary , gurigeedi baa lagu celiyey iydoo laga kabey kalxanta iyo gacanta oo jabaneyd. Filsan markii eey guriga ku laabatey waxey eey ka war heshay caruurteedii oo dayacan, dugsi iyo school midna eeynan aadin. Waxaa arintii ka war heley Filsan walalkeed oo London ku noola, waxa uu uu soo direy lacag kaafisay Filsan iyo caruurteda. Fahad laftisu xanuun badan buu qalbiga ka dareemayay; waxaa helay taah iyo wal-bahaar. Wuxuu naftiisa weydiyey xagee wax ka qabtaa, maxaan sameyaa oo caruurteydii sidaan ula nooladaa? Filsan sideey ii arki doontaa,? Maalmo kadib qoyskii uu ka dhashey baa lowyar uu qabtey dacwadiisa baa bilabatey. Reerka arinkoodi Magaalada oo dhan baa ka war heshey, waxey noqdeen in shaaha lagu cabo. Maalintii danbe Filsan waxaa soo boqdey Imaamka masjidka xaafadda oo u sharaxey diinta iyo waxey ka qabto dadka heybsoca. Waxa uu ka samir siyey wixii ku dhacey. wuxuu yiri adeer wixii kugu dhacay waa wax xaga Rabbi ka qornaa. Allena ma moogna xaq darada laguugu sameyay. Alle adoomadiisa wa uu imtixaanaa, Allena waxa uu jecelyahay adoonka ku sabra imtixaankiisa. Noqo gabar sabarta oo waxii kugu dhacey Alle dartii u iloow. Sidoo kale Alle xagii waxaan kaaga rajenayaa bedel kheir khaba. Intaa kadib Fahad waxa lasoo saaray maxkamad.

Read Résuméabuiyad

Fariin ku socota aqristayaasheena Boga Qisooyinka.blogspot.com gaar ahaan aqristayaashii ku texnaa sheekooyinka

Ugu horeyntii waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa dhamaan aqristyaasha Bogga Qisooyinka.blogspot.com gaar ahaan aqristayaashii ku taxnaa sheekooyinka webka ka baxa oo ay ugu Dambeysay QURBO IYO QOOMAMO JACAYL   in ay sababo farsamo awgeed ay u istaagtay 
howshii webka   mudo bil ah waxaan ka raali gelinaynaa aqritayaasheena sharafta leh mudadaasi aan kala maqneen  waxaynu jecelnahay in aan  dib u bilaabanayso howshii webka iyo sheekadii inoo socotay.MAHADSANIDIIN.
Read Résuméabuiyad

QURBO IYO QOOMAMO JACAYL Qeybta Afaraad. Jaceylkii Sidaa Buu Ku Danbeeyay.


Qeybta Afaraad.

Jaceylkii Sidaa Buu Ku Danbeeyay.

Fahad waxa uu bilaabay in uu hadal la qeybsan waayo Filsan. Mar walba wa uu fikiraa, farxadii iyo reyn-reyn tii guriga waxeey isu bedeshay mugdi iyo amusnaan. Filsan wax xal ah gacan kuma eeysan heeyn, waxeey go’aan satay in eey Fahad ka sugto waxii xal ah oo eey ku wada noolaan lahayen. Fahad waxa uu la xariiray qosykisii asigoo leh, waad run shegteen oo gabadhaan qabay ma ahan reerka aan mooday. Waxa eey ku jawabeen’ reerkaa isma geyno, gabdhaheynana ha ceybeyn. Adeerkiis oo nin weyn ahaa, dhaqanka somalida aad u kala yaqaan baa yiri, hadii nin oo u bareero arin falkaan oo kale ah, oo noqoto in uu guursado gabar la heybsooco wa aan ka samri jirnay oo waxa aan kasoo qadin jirnay nin aan xabaalnay. Sidoo kale waxa uu dhahay adeer sooma ogid magaca aad hugantahay sharafta uu leeyahay. Ma gabar aad geeydo baad weeyday marka aad guursaneyso gabar aadan geyn. Adeer maxaad nolosha isugu xabaaleysaa. Fahad asigoon is ogeyn baa ilmo ka daadatay. Adeerkii waxa kale uu yiri, ma waxaad doneysaa in dadku eey nala hadli wayaan oo la guursan waayo gabadhaheena. Ileen ceyb looma dhinto, war maxaa ku helay adeeroow. Gabadhan fur waa hadii aad doneysid in aad sharafteena iyo sumacadeena kor u qaado. Fahad hadal ma uusan oran qaracan aawgeed. Intaa kadib Fahad aad buu u cishooday. Sawir uu la sawirnaa Filsan oo marka wallet-ka ama boors jeeb ku siday buu lasoo baxay oo je-jeexay. Muda yar kadib Fahad waxaa soo wacday gabadhii deriska la aheyd oo dumineysay reerka quruxda badnaa. Waxeey ku tiri gabadha aad qabto wa eey ku qiyaameysey. Jaceylkeedi haduu run ahaa ma eeysan kaa qarin laheyn qabiilkeda. Waxa eey rabtay kaliya waa hantidaada,yaa guursadda gabdhaan oo kale, waxey ogeyd in aa tahay nin wax bartay oo ka dhashay reer ladan. Inta eey goor hore tahay oo dadku aqlin ina adeer gabadhan isaga tag oo ka fogoow. Intaa kadib Fahad cilkii iyo caradii waxa uu kula dhacay Filsan asigoo leh qabilkaaga waxaad iiga qarisay in aad aniga I hesho aawgeed. Filsan waxa eey ku dhahday ma aanan ogeyn in aad tahay qabileyste(Qof qabiil ka danbeya). Fahad baa caradii ku weynatay waxa uu bilaabay in uu gacan u qaado Filsan. Wuu garaacay, waxa uu jibiyay kalxanta. Filsan weey xanuunsatay , waxeey u wacday Police. Poliskii baa yimid, waxeey isku dayeen in eey fahad ay qabtaan. Fahad aad buu qeyliyay, asigoo ku cel celinayo ma garaneysaan gabadhaan waxa eey igu sameysay. Fahad waxa uu isku deyay in uu ka fakado poliiska asigo isticmalaayo xoog, balse poliski baa si xoog ah u qabteen oo wa eey xir xireen. Fahad waxa lo kaxeeyay xabsiga.

Read Résuméabuiyad

QURBO IYO QOOMAMO JACAYL Qeybta Sadexaad. Bur-burkii Qoyskii Quruxda Badnaa.

Qeybta Sadexaad.

Bur-burkii Qoyskii Quruxda Badnaa

 


Gabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Filsan iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Filsan ka dhalatay qabiilada Somalidu ay heybsocaan. Sidoo kale waxa ay isugu warameen in Filsan ay qiyameeysay Fahad. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo ay isu guursadeen iyo jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxa ay ka masereen sida lamanahaan ay isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah Fahad aad beey uga xumaatay arintii, waxa ayse dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Filsan  ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay qoyskii uu Fahad ka dhashay oo markaa ku nolaa UK iyo Canada. Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxa ay is waydiiyeen  side ay  ku suurtoobi kartaa arintaan, isla markaana u fahmay  mid  been abuur ah. Balse gabadhii reerka dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan baarayay mudo dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco, ehelkeedina sifican loo yaqaan. Qoyskii ayagoo fajacsan ayaa  markale isweeydiyay, Gabadhani miyeey sixirtay Fahad, waxeeysa dhaheen Fahad lagama yaabo in uu guursado qabilkaa asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Fahad, ayagoo waydiiyay , Gabdha aad  guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Fahad waxa uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Fahad waxuu wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Fahad marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jacayl baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Fahad wuxuu ahaa nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen, war gabadhaa guursatay waxa ay ka dhalatay qabiil laheybsooco. Miyaad walatay Fahadoow. Fahad baa dhahay, waxaad shegeysaan suurta gal ma ahan. Waxa ay ku adkeeyeen  in uu  wareeysto filsan oo ah gacalisadisa qaaliga ah mana uu rumaysan arintaasi. Fahad gurigiisa marka uu aaday kadib, waxa uu  u yeeray Filsan waxuusa dhahay, Filsan waxaan maqlay in aadan aheyn qabiilkii aan kugu bartay oo aad tahay qabiil laheybsooco. Filsan weey naxday, hadalkii ayaa ku dhegay, markiiba waxa ay ogaatay in gabdhihi deriska la ahaa eey Fahad u warameen. Kadib baa waxa ay dhahday, “Hadii aad qabiil igu guursatay, anigu qabiil ay Somalidu heeybsocaan baan ka dhashay, Balse hadii aad Jaceyl igu guursatay waxaan ahay Filsan tii aad shaley jeceyld”. Feysal baa fajacay wuxuu xasuustay hadalkii ay qoyskisii ay ku lahayeen in uu run yahay. Intaa kadib Fahad talaa ku cadaatay, fakar buu bilaabay. Filsan na weey calool xumaatay oo weey ilmeeysay ilaa indhaheedu casaan noqdeen, oo hadal baa kasoo bixi waayay. Weey isku yar- yaraatey, waxaa qalbigeedi kusoo noq noqday dardarankii aabaheed.

Read Résuméabuiyad

QURBO IYO QOOMAMO JACAYL Qeybta Labaad. Maalmaha Aduun Midba waa Ceyn


QURBO IYO QOOMAMO JACAYL

Qeybta Labaad.

Maalmaha Aduun Midba waa Ceyn

 

Filsan aad beey uga fikirtay go’aanka eey ka gaari laheyd guurka uu fahad usoo ban dhigay. Waxeey tukatay salaatul  istiqaaro, Rabigeed waxa eey weydisatay guurka haduu kheir u yahay in uu u  sahlo, hadusan u aheyna in uu rabbi ka leexiyo. Fahad ma uusan ka daalin in u weydiyo goaanka ay qadatay. Filsan ma eeysan laheyn qof saxib ah oo ay la tashato, Alle kaliya bay u dhibatay arinteeda. Waxa ayna ku calaacashay sida tan.  

Ø   alloo adigaa taladayda kuu dhiibtay

Ø   tajiroow adiga turxaanbixiya amuuraha

Ø   ee allow ii sahal arintayda.

Filsan waxaa  xasuustayda  ku soo dhacayay markasta dar daaranka aabaheed oo ahaa, “Aabe guurso qof kugu raaco diintaada iyo akhlaaqdada, marna ha guursan qof danenaayo qabiil amaba qurux”. Dar daranka aabaheed aad beey uga fikirtay mana jecleyn in ehelkeeda sameyeso go’aan eey qadatay darteed. Intaa kadib Filsan malin khamiis ah, waxeey soo toostay subax hore, waxeey dukatay salad subax, waxeeysa aqrisatay qur’aan iyo adkaar, kadibna waxey go’aansatay in eey aqbasho guurka Fahad.  Durbadiiba waxa ay u dhaqaaqday sidii ay fahad ugu sheegi lahayd goaankii u ka sugayay. Filsan ayaa xiriir dhanka talefoonka aha la samaysay fahad maadama ay ahayda goor aroor ah islamarkaana ay suura gal ahayn kulan fool ka fool ah  waxeyna u sheegtay in eey aqbashay arinta u usoo bandhigay. Fahad aad buu u farxay maxaa yeelay wuxuu ka wal walayay in uu waayo gabdhaan wanaagsan. Intaa kadib waxa eey ka wada hadleen gurkoodii iyo sida uu ula xiriiri lahaa ehelkeeda. Filsan waxeey u sheegtay in uu Fahad la hadlo aabaheed oo xiligaa ku sugnaa Garisa. Fahad wuxuu la xariiray abaheed. Fahad baa abihii uu ula hadlay si wanaagsan, wuxuuna u sheegay xaladiisa iyo heerka wax barashadiisa. Aabihii wuu ku qancay hadalkii Fahad wuxuuna  ku dhahay, hadey gabadhaydi ku ogolaatay anigana waan ku siin, lakin wilkeeygiyoow gabadheeda waa kaligeed marna ha dayicin oo qadari sida aan kuu soo dhaweyay. Fahad baa dhahay aabe waa igu balan oo ma dayaci doono. Filsan iyo Fahad waxey go’aan sadeen guurkoodi in uu dhaco 3 bil kadib. Intaa kadib Filsan waxey u dhaxeysay guriga iyo masaajidka. Filsan ma eeysan la hadli jirin qofna maxaa yeelay waxa eey aheyd gabar xishood badan. Filsan ma eeysan dalban aroos weyn maxaa yelay ehelkeedi baa meesha ku yaraa. Intii mudadaa lagu jiray, Fahad waxa uu isu diyaariyay guur. Waxa uu dalbaday alaab fican, waxa u kireestay guri weyn. Fahad reerkisa buu arintii la socodsiyay, weyna ugu duceyeen. Intaa kadib Fahad waxa uu yarad u diray Filsan aabaheed. Abihii aad buu ugu qancay yaradkii laga siyay gabadhiisa. Abihii gabadha walayadeeda waxa uu dhibay sheikh' sidaasina ayuu sheikhii ku mehriyay. Meherkoodi waxaa kasoo qeyb galay dad badan goobtiina ayaa loogu wada duceyay. Filsan iyo Fahad waxa eey galeen nolol raxmad badan oo midkood midka kale ku qancay. Fahad jeceylkiisa in uu ziyaado ma ahee ma uusan nusqaamin. Filsan waxeey ku dadaleeysay in eey aadeecdo ninkeeda. Had iyo ajeer waxa eey ka shaqeneysay farxada qoyska. Waxa eey noqdeen lawa qof tusaale loo soo qaato sida eey isu jecelyihiin. Muda kadib filsan iyo fahad Alle wuxuu siyay 3 wiil iyo 1 gabar. Caruur qurxoon oo caafimaad qaba. Caruurtoodi aad beey u jaclayeen. filsan caruurtedii beey uga hartay wax barasho iyo shaqo. Fahad na waxa uu noqday aabe wanaagsan oo kaafiya bahidooda. Filsan waxeey ku dadaashay tarbiyada caruurteda. Sidoo kale fahad waxa uu aad uga qeyb qaatay tarbiyada caruurtisa (Waxa eey noqdeen qoys lagu deydo). Fahad mar walba uu waqti helo qoyskiisa bu farxada ula wadaagi jiray. Inteey wada nolayeen waligood waxba isku ma qaban oo waxaa ka dhaxeyay xushmad iyo wanaag.Intaa kadib waxaa xafadoodi soo degay gabdho Somaliyeed oo qaraaba la ah fahad. Gabdhihii waxey sheeko wadageen Filsan. Waxeey ka wareEsteen ehelkedii iyo qabiilkeeda (Ileen somali qabyaalad kama dhamatee). Intaa kadib filsan ba arintii waxeey la noqtay lama filaan maxa yeelay ma eysan ka filaneyn su alaha ey weydinayaan. Waxa eey ku jawaabto ayeey garan weyday. Gabdhihi waxa eey galeen baritan oo waxa eey radiyeen sida eey u ogaan lahayeen qabilkeeda iyo ehelkeeda. toloow yaa u dirsday arintaa, maxeeysa ka radinayaan qabiilkeedi.

Read Résuméabuiyad

Juxa iyo Xaskiisa Maxaa kala qabsaday (Aqriso Sheeko qosol Badan)


QOF WALBA U MUUQO ,ANIGASE ISKA KAY QARI




Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo , Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin doonto ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.
Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo ku goobatay. Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri ” juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale” Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay “ Dadka oo dhan u muuqo , laakin aniga iska kay astur”.
Read Résuméabuiyad

Xanaaqa dadka uu hayo oo loo helay Daawo ay ku farxad heli karaan (DAAWO SAWIRADA)


Daraasad la sameeyey waxa la sheegay in dadka xanaaqa badan ay dawo utahay oo ay ku dagayaan farxadna ka helayaan cabitaanada kuwooda khudaarta la shiido ah.
Daawo Sawirada Sawirada Cabitaanada lasoo bandhigay ee farxada keeni kara.






Read Résuméabuiyad

Gabar dooneysay inay is disho sida la sheegay oo la bad-baadiyey (DAAWO SAWIRADA)



Sida  lagu daabacay qaar ka mid ah Warbaahinta Shiinaha ciidamada Booliska dalka Shiinaha ayaa ka hortagay gabar dooneysay inay nafteeda khaarajiso (dal-dasho).
Sargaal uhadlay ciidamada Booliska ee howlgalkaasi fuliyey waxa uu sheegay inay ciidamadooda ku guuleysteen inay bad baadiyaan gabadhaasi xilli ay iska tuuri rabtay dabaq dheer oo ay ka deggeneyd magaalada Beijing.
Ilaa hadda lama cadeyn sababta ka dambeysa inay gabadhaasi isku daydo nafteeda inay disho walaw laga hor tagay falkaasi inay ku dhaqaaqdo.
Halkaan ka daawo Qaabka loo bad baadiyey gabadhaasi iyo Ciidamada oo gurmad sameeyey






Read Résuméabuiyad

QURBO IYO QOOMAMO JACAYL Qeybta Koowaad. Xanuunka Jaceylka Qurbaha

QURBO IYO QOOMAMO JACAYL

Qeybta Koowaad.

Xanuunka Jaceylka Qurbaha

 


Filsan waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Filsan reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya. Filsan Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Filsan markeey jirtay 18sano waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga saaray kaarka ehelkeedi ay kula jirtay. Walalaheedii waxa ay aadeen Yurub. Mudo yar kadib Filsan waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu ay ku yartahay. Marka ay mudo yar marekanka joogtay baa Filsan waxaa ka helay wiil magaciisa la yiraahdo Fahad. Filsan waxa ay aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin iyo dabeecadba Alle u dhameyay. Filsan Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabeecada wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo kale Fahad wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan. Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Fahad muda badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa, ilaa heer uu go'ansaday in uu wadamo kale u doonto gabar. Balse nasiib wanaag Fahad marka uu arkay Filsan wuxuu la dhacay degnashaheeda iyo quruxdeeda. Fahad si wanagsan buu waxa uga codsaday Filsan in uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Filsan xilgaa waxa ay la degneyd qoys ay isku barteen kenya. Hase yeshee Fahad baa waxa uu u qaatay filsan in ay qoyskaa ka dhalatay. Filsan marna uma aysan shegin Fahad ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay fisan waxa ay ka Soo jeeday qabiil la heebsooco. Intaa kadib Fahad gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer wuxuu gaaray in uu seexan waayo asigoon codkeedi maqlin. Fahad mar walba uu tukado waxa uu ku duceyn jiray Filsan, Allena waxa uu ka barin jiray in u calaf ugu daro. Sidoo kale wuxuu u gadi jiray hadiyado, hadiyadaha u ugaday waxaa ka mid ahaa  Gaari Nooca Loo Yaqaano Toyota Camry iyo silsilad dahab oo uga dalbay Dubai. Fahad mar walba waxa donayay inuu arko farxadeeda iyo qosolkeeda. Wuxuu Filsan ka ilaalin jiray in ay marna murugooto maxaa yeelay jeceylka uu u qabay baa aad u weynaa.( Alle jaceyl Xanuun badanaa).Hadey xanuunsato ma uusan sexan jirin ilaa u ka hubsado xaladeeda. Sidoo kale Filsan iyana dhankeeda waxaa saameeyay  jacaylkii  Fahad uu u Qaaday ,  Filsan Jaceylkeedu wax uu ahaa mid si  xad dhaf ah u saameeyay nolasheeda isla markasna waligeed aan so marin jacayl noocaan ah ,hase ahaatee Fahad ayaa  waxa uu filsan  darensiyay naxriis kalgaceel, sidoo kale waxa uu tusay kalsooni weyn. Filsan baahida reerkedi waxaa tiray oo  waqti walba iyo wax walba ay u baahato Fahad beey ka heli jirtay. Intaa kadib  Ninkii Fahad ahaa ayaa jacaylkii isla hayn waayay Durbadiina waxa uu goaansaday  in uu Filsan u jeediyo codsi guur ah amaba uu ka codsado in uu guursanayo Fahad ayaa islamarkiiba ku dhaqaaqay Goaankii una Sheegay filsan in uu guursanayo. Filsan baa arintii waxeey ku noqtay lama filaan, kadib baa waxa ay dhahday waqti aan uga soo fikiro isii. Maalmo kadib waxa eey ku fikirtay in eey u sheegto ehelka eey kasoo jeedo inta eeysan ogalaan guurkiisa ka hor, balse jaceylkeedi baa ka tan badiyay. Intaa kadib Filsan waxa eey go'aansatay in eeysan u sheegin qabiilkeedi iyadoo ka carareyso in uu dhaawac soo gaaro jaceylkoodii. Fahad mar walba waxa uu kula kaftami jiray qabiilka uu u qaatay in eey tahay Filsan. Qalbiilkaas waxa ahaa qoyskii eey la deganeyd, ee ayadu ma eeysan aheyn Qabiilkaasi.

Read Résuméabuiyad