Qeybta
Afaraad.
Jaceylkii
Sidaa Buu Ku Danbeeyay.
Fahad waxa uu bilaabay in uu hadal la
qeybsan waayo Filsan. Mar walba wa uu fikiraa, farxadii iyo reyn-reyn tii
guriga waxeey isu bedeshay mugdi iyo amusnaan. Filsan wax xal ah gacan kuma eeysan
heeyn, waxeey go’aan satay in eey Fahad ka sugto waxii xal ah oo eey ku wada
noolaan lahayen. Fahad waxa uu la xariiray qosykisii asigoo leh, waad run
shegteen oo gabadhaan qabay ma ahan reerka aan mooday. Waxa eey ku jawabeen’
reerkaa isma geyno, gabdhaheynana ha ceybeyn. Adeerkiis oo nin weyn ahaa,
dhaqanka somalida aad u kala yaqaan baa yiri, hadii nin oo u bareero arin
falkaan oo kale ah, oo noqoto in uu guursado gabar la heybsooco wa aan ka samri
jirnay oo waxa aan kasoo qadin jirnay nin aan xabaalnay. Sidoo kale waxa uu
dhahay adeer sooma ogid magaca aad hugantahay sharafta uu leeyahay. Ma gabar
aad geeydo baad weeyday marka aad guursaneyso gabar aadan geyn. Adeer maxaad nolosha
isugu xabaaleysaa. Fahad asigoon is ogeyn baa ilmo ka daadatay. Adeerkii waxa
kale uu yiri, ma waxaad doneysaa in dadku eey nala hadli wayaan oo la guursan
waayo gabadhaheena. Ileen ceyb looma dhinto, war maxaa ku helay adeeroow.
Gabadhan fur waa hadii aad doneysid in aad sharafteena iyo sumacadeena kor u
qaado. Fahad hadal ma uusan oran
qaracan aawgeed. Intaa kadib Fahad aad buu u cishooday. Sawir uu la sawirnaa
Filsan oo marka wallet-ka ama boors jeeb ku siday buu lasoo baxay oo je-jeexay.
Muda yar kadib Fahad waxaa soo wacday gabadhii deriska la aheyd oo dumineysay
reerka quruxda badnaa. Waxeey ku tiri gabadha aad qabto wa eey ku qiyaameysey.
Jaceylkeedi haduu run ahaa ma eeysan kaa qarin laheyn qabiilkeda. Waxa eey
rabtay kaliya waa hantidaada,yaa guursadda gabdhaan oo kale, waxey ogeyd in aa
tahay nin wax bartay oo ka dhashay reer ladan. Inta eey goor hore tahay oo
dadku aqlin ina adeer gabadhan isaga tag oo ka fogoow. Intaa kadib Fahad cilkii
iyo caradii waxa uu kula dhacay Filsan asigoo leh qabilkaaga waxaad iiga
qarisay in aad aniga I hesho aawgeed. Filsan waxa eey ku dhahday ma aanan ogeyn
in aad tahay qabileyste(Qof qabiil ka danbeya). Fahad baa caradii ku weynatay
waxa uu bilaabay in uu gacan u qaado Filsan. Wuu garaacay, waxa uu jibiyay
kalxanta. Filsan weey xanuunsatay , waxeey u wacday Police. Poliskii baa yimid,
waxeey isku dayeen in eey fahad ay qabtaan. Fahad aad buu qeyliyay, asigoo ku
cel celinayo ma garaneysaan gabadhaan waxa eey igu sameysay. Fahad waxa uu isku
deyay in uu ka fakado poliiska asigo isticmalaayo xoog, balse poliski baa si
xoog ah u qabteen oo wa eey xir xireen. Fahad waxa lo kaxeeyay xabsiga.
شاركها !
No comments:
Post a Comment