SHEEKO
Xusuus:-
Buugan Sheekada ahi waxaa qoray M. X. Cismaan, iyadoo uu qeyb ka ahaa buugani waxyaalihii ay qabatay hayaddii Akademiyadii Cilmaga Fanka iyo Suugaanta ee Dawladii Soomaaliya. Waxaana buugan lagu daabacay Wakaaladii Madbacada Qaranka 1983. Xuquuqda waxay u dhowran tahay qoraha.

ARAR
Waa mid jirta in dadku nolosha ku kala
duwanaado, waa ma dhacdo in si isku mid ah dhammaan dadku u wada noolaado, ha
yeeshee waxaa iyana jirta in fiiro loo yeeshaana ay tahay arrin lama huraan ah
in loo qiro loona ogaado qof kastiba kaalinta uu bulshada kaga jiro xagga wax
qabadka iyo xag wax qabisba. Arrintani maaha mid loo dhasho ama la iska dhaxlo
ee waa mid ku xiran hadba qofku siduu wax u qabanayo.
Qofku waxa uu qabanayo waa in loo ogaado, laguna xaq mariyaa. Haddii taa la waayo dulmi baa dhacaya, mana aha dulmigaasi mid Ioo baahan yahay.
Adeegto (BOOYEESO) waa qiso ku saabsan gabar markii hore ahayd reer baadiye, markii xigayna magaalo soo gashay. Qisadu waa nolosha gabadhaa, mar kastaba way dulmaneyd aan ahayn markii ugu dambaysay ama qaybtii dambe ee nolosheeda taasoo cid alla baxshay, nin ay mahadisaynà haleeshay ugu dambayn.
Waa mid aynu wada og nahay nolosha gabar raja ah oo baadiye ari aayadeed madax ugu tahay raacda, waxaynu kaloo ogsoon nahay qofka adeegto, Booyeeso ama jaariyad la yiraahdaana sida ay u nooshahay, midda kaloon sida fiican u wada naqaannaa waa dhaqammada xun ee aynu Ieenahay ee la xiriira dhanka guurka ama waxa lagu magacaabo is-gayidda. Dhammaan tilmaamahan waxaad ka heli doontaa qisadan. Waa mid jirta in dhaqan xumada dad rabey faraha kaga guban doono,siday u filayeenna ay noqon weydo.

*****
Waxay ahayd goor barqo dheer ahoo dabayl aad
u xoog badan ciid badanna qufaysaa, maadaama ayan magaaladu dhisnayn wadaciid
iyo qashin tahay, firada, siigada, boorka iyo qashinka ay wadato, markii goob
Maxkamad degmo ah dacwo ka aloosantay. Dacweddaas oo ka dhex oogneyd dad dhawr
qaybood ah iyo gabar aan sidaa u da’weyneyn. xaamilo ah, si u itaal daran.
dhiig yaraanta. caatada iyo baqdinta ka’muuqataana tilmaan la’yihiin.
Dacwadda dad kalaa maamulaya, dadkaas ood moodidba ama ahaaba dad iyada u hadlaya badidoodu, inkasta oo uu jiray garyeqaan guud iyo kaaliyayaashii kuwaasoo iyagu u dhex ahaa qolada dacwaddu ku socotee gabadha iyo kooxdeedu ku maran yihiin iyo iyaga.
Qolyaha dacwadda loo haystaa waa niman dhawr ahoo si u arag iyo dhar xun meel gaar ahna soo fadhiya, nin takhtar ah oo isagoo si walba u yaabban isna meel kaloo gaar ah soo fadhiya, iyo nin kaloo isna sidoo kale indhaha taagaya oo isna meel u gaar ah soo fadhiya. Saddex meelood oo kala gaar ah baa lagu kale hayaa. Mid mid la hadli kara may lahayn, inkasta oy jeclaan lahaayeen inay intaa isla hadlaan isla tashadaan, si ayan dambiga u wade tiimban.
Dhanka kale waxaa ka soo Jeeda dadweyne dhegeystayaal ah iyo garyaqaanka guudiyo kaaliyayaashiisa maahee, gabadha dacwadda leh, iyo laba ninoo iyada u mudacaya. Mid waa abukaate midna waa gaashaanle labbisan.
Mar uun baa garyaqaankii ku dhawaaqay in Maxkamaddu furan tahay, “ha la aamuso, hadalka ha la daayo, maanta oy taarlikhdu tahay 24.4.82 waxaa si rasmi ah Maxkamaddan looga furay dacwadda loo haysto dadka kale ah Cabdi Cali Gacal, Takhtar Dacar Xasan Cawil iyo kooxda kale dhankaa ka soo jeedda ee magacyadoodu yihiin, Maxamuud, Meygaag, Dhunkaal, Yuusuf, Faarax iyo Abxado. Taasi waa dhanka dacwadda Ioo haysto. Dhanka kalee wax dacweynaya waa gabadha dhankaa ka soo jeeddee la yiraahdo Maryan Armed waxaana Wakiil u ah una dacwa galaya Abukaate Xasan Maxamed Faarax waxaa kaloo kaalinaya Gaashaanle Cabdi Cartan.
Maxkamaddii waa furan tahay iyadoo aynu sugeyno waxay qolyaha wax soo dacweeyay goobta keenaan”.
Garyaqaanka guud maruu hadlayey qof kasta oo gobtaa hawshaa u yimid markuu magaciisa sheegayeyba wuxuu ku amray inuu isasara taago si dadweynuhu wajigiisa u arko.
Abukaatihii oo waraaqo dhawr ah gacanta ku haysta ayaa meel dhexoo loogu tala galay isa soo taagay oo yidhi. “Horta Maxkamadda iyo dadweynaha dhegeysiga iyo dacwadda u joogaba waa la salaaman yahay. Sida garyaqaanku u sheegay Maxkamaddii haddii la furay, waxaannu soo qaddimeynaa dacwaddayadii aan ku so oogney dadka sharcigu soo qabtay kaddib markii ay ku xad gudbeen. Waxaan ku bilaabaynaa, waa siday u kala sahlan yihiin, kuwa kooxda ah oo iyagu noo caddaatay inay qoftan miskiinta ah dili maageen iyagoo dhacaya waxay sidatay labo toorey bay sureen, si ay uga hartoo u siideyso waxay ku maageen iyagoo raba.
Marka garyaqaan, annagoo maraggii hayna nala arag horta arrintaa’.
“Keen maraggilna,” garyaqaankii. baa yin.
Waxaa soo boodey afartii askariye qabtay tuugta, waxayna qireen wixii jiray. Waxaa kaloo iyana qirtay tuugtii dambigaa gashay. Ka hor intaan kuwii kale loo gudbin baa iyagii la xukumay.
Waxaa soo haray labadii kalee midba meesha fadhiyey, oo aad iyo aad u yaabban. Waxay yiraahdaan bay garan la’yihiin. Way cabbursan yihiin.
Kuwii la xukumay xabsigaaba loo taxaabay maadaama ay si sahlan u qirteen.
Intii baa biririf la qaatay. Cabbaar markii meelaha la taagtaagnaa baa mar dambe la isu soo noqday. Sidii oo kale ayaa dib meeshiisii waxaa isu soo taagay Abukaatihii oo awal wuu yare gaabinayeye hadda isagood mooddo inuu nimankan ilkaha iyo ciddiyaha ku cuni rabo yiri “Garyaqaan, Innagoo mar labaad bilaabayna maanta hawsheennii waxaa soo bandhigayna in labadan nin ee hadda dacwaddu ku jeeddo ay yihiin labo dambiile. Aad iyo aad bay u galabsadeen in lagu qaado dambigay galeen oo ah: Horta ugu horreyn ninka Cabdi la yiraahdee kufsaday iyadoo u shaqaysana rimiyey markuu kufsaday iyadu inan bay ahayd awoodna wuu u waayey uu ku naageysto taasoo uu inta middi la galay qalay qoftaa miskiinta ah.

“isla maalintaa ayuu cisbitaal geeyey si uu
u daaweeyo. Wuxuu u geeyey ninkan takhtarka lagu sheegayee isna meesha soo
fadhiya. Dabadeed rnarkay arkeen siday qoftani u dilan tahay bay goosteen inay
cisbatalka ka saaraan oy guriga ku daaweeyaan, ileen hadday cisbataalka u
daayaan arrintu way soo shaacbaxaysaaye way is af garteen oo waxay wadaagsadeen
dambigaa isaga ah.
Teeda kale, kaddib markii Cabdi arkay inay XaamiI tahaye ay ceeb isaga ku tahay in la maqlo adeegtadiisii buu rimiyey buu iska eryey.
Gabadhii iyadoon cid aqoon ciirsina lahayn bay galabtii dambe magaalada isku soo qaadday ilaa tuugadaan hadda xirxirtay ay dilaan. Dhaawaceedii baa cisbital uu takhtarkii horey iyada u dulmay joogo la geeyey isna mar alla markuu buu wax tuhmey, wuu baqay oo is yidhi malaha inay dhimataa roone faraha ka qaadoo waxba ha daaweyn.
“Run ahaantii way dhiman lahayd haddayan hesheen oday meeshaa ka shaqaynayey ee fahmay isku-ladka Takhtarka.
“Marka qoftani sidaa ayaa horta loo waxyeelleeyey. Anoo su’aálla kale ii hareen, warbixintii waa iga intaa”.
“Wax markhaati ah ma haysaan?” Garyaqaankii baa yir “Waxaannu haynaa iyada iyo kaaIiyihii badbaadiyey.” Abukaatihii baa yiri, Gartay laakiin waxaan doonayaa inaan dambi baaris buuxda helo, maxaa yeelay, sida muuqata arrintani mid sahlan ma aha, iyaguna waa inay is daafacaan waxay qabanna la helaa, midda kale idinka idin garannaye maxaad gabadha isu tihiin? Aaway dadkeedii?
Arnintani waá in sal iyo baarba Ioo baaraa, la soo lafa guraa, gunteeda la soo taabtaa oo runteeda la helaa dabadeed siday tahay loogu tillaabsadaa”, garyaqaankii baa hadalkaa yiri.
“Waxba kama qabnoo, annagayba dan noo tahay tani waxaannu heli doonaa warar kaloo naga sii daahan maanta. Taadse nagu tiri, maxaad gabadha u tihiin, waxaan kaa leenahay, wax aan aadaminimo ahayn oon ka leenahay ma jirto, inay miskiin la dulmay tahay uun baan aragnay dabadeeda anagaa hawshaa isu diray”gaashaanlihii baa inta istaagay yiri.
“Waxaan filayaa in Maxkamaddii aan dib u dhignay ilaa la soo helayo warbixinno iyo dembi baaritaankan
ka tifaf tiran si qofkii dambe leh loogu qaado dambigiisa isagoon isagana lagu
xad gudbin”. Garyaqaankii intuu miiskii labo saddex jeer tumay buu istaagna u
hinqaday hadalkaa ka sii tagay.
Maxkamaddii baa dib u dhacday ilaa waqti, su’aasha meesha tiilna waxay ahayd maxaa dhab ah, sideebaase wax u dheceen?
Sheekadii baa dib u bilaabatay si raadkeeda dhabta ah loo soo helo loogana baaraan dego ilaa dhammaadkeeda la tagayo.
Teeda kale, kaddib markii Cabdi arkay inay XaamiI tahaye ay ceeb isaga ku tahay in la maqlo adeegtadiisii buu rimiyey buu iska eryey.
Gabadhii iyadoon cid aqoon ciirsina lahayn bay galabtii dambe magaalada isku soo qaadday ilaa tuugadaan hadda xirxirtay ay dilaan. Dhaawaceedii baa cisbital uu takhtarkii horey iyada u dulmay joogo la geeyey isna mar alla markuu buu wax tuhmey, wuu baqay oo is yidhi malaha inay dhimataa roone faraha ka qaadoo waxba ha daaweyn.
“Run ahaantii way dhiman lahayd haddayan hesheen oday meeshaa ka shaqaynayey ee fahmay isku-ladka Takhtarka.
“Marka qoftani sidaa ayaa horta loo waxyeelleeyey. Anoo su’aálla kale ii hareen, warbixintii waa iga intaa”.
“Wax markhaati ah ma haysaan?” Garyaqaankii baa yir “Waxaannu haynaa iyada iyo kaaIiyihii badbaadiyey.” Abukaatihii baa yiri, Gartay laakiin waxaan doonayaa inaan dambi baaris buuxda helo, maxaa yeelay, sida muuqata arrintani mid sahlan ma aha, iyaguna waa inay is daafacaan waxay qabanna la helaa, midda kale idinka idin garannaye maxaad gabadha isu tihiin? Aaway dadkeedii?
Arnintani waá in sal iyo baarba Ioo baaraa, la soo lafa guraa, gunteeda la soo taabtaa oo runteeda la helaa dabadeed siday tahay loogu tillaabsadaa”, garyaqaankii baa hadalkaa yiri.
“Waxba kama qabnoo, annagayba dan noo tahay tani waxaannu heli doonaa warar kaloo naga sii daahan maanta. Taadse nagu tiri, maxaad gabadha u tihiin, waxaan kaa leenahay, wax aan aadaminimo ahayn oon ka leenahay ma jirto, inay miskiin la dulmay tahay uun baan aragnay dabadeeda anagaa hawshaa isu diray”gaashaanlihii baa inta istaagay yiri.
“Waxaan filayaa in Maxkamaddii aan dib u dhignay ilaa la soo helayo warbixinno iyo dembi baaritaan
Maxkamaddii baa dib u dhacday ilaa waqti, su’aasha meesha tiilna waxay ahayd maxaa dhab ah, sideebaase wax u dheceen?
Sheekadii baa dib u bilaabatay si raadkeeda dhabta ah loo soo helo loogana baaraan dego ilaa dhammaadkeeda la tagayo.
*****
Waxay ahayd barqo dheer, qorraxduna aad u
kulushahay. Kulaylka qorraxda waxaa u sabab ahaa waqtiga markaa la joogaa ahaa
kaliil cirku aad u kacaansan yahay. Meesha markaa la joogo dhawr iyo toban beri
ka hor ayaa hogol aan sidaa u weyneyni qabatay. Iyadoy kala jaban ahayd darteed
ayaa cido badani isugu yimaadeen hogoshaa yar.
Ciduhu waxay meesha degeen ka hor intaan naqba soo bixin taasoo inta wixii soo bixi lahaaba cagta la mariyey lagu tuntay.

Cuudkii isugu yimid aad buu u tira badnaa
isagoo nugul la marraa. Coodkaasi aad buu u hawl iyo baxsad badnaa. Dadku
dhaqaa dhib iyo shiddo dheeraad ah bay ku qabeen coodkaas, iyagoo weliba ay u
dheerayd kulka, hanfiga, caqashada iyo cunto yaraanta. Markaa weli lama gaarin
gamashigii guga oo ah marka inta geeduhu aad u baxaan coodka oo dhalay caano
badiyaan, naaxaan, hawl yaraadaan. dadkuna inta badan iska baruura daacsadaan.
Gamashigu waa marka dhallinyaradu inta qooqdo cayaar gud, xodxodasho, haasaawe, isla bixid, aqal gal, ama aroos. ardaagal iyo wax la midah ka bixi weydo. Welise lama gaarin gamashigii. waana la sugayey, inkastoo xilligu u muuqday mid inta kala jaban dhigay la wada ciirsan yahay. Raggii ka xiddigin jireyna ay quus ka taagan yihiin.

Waxaa intaa dheeraa iyadoo la soo maray
jiilaal aad u dheer, dad iyo duunyana la wada duukhayo markaa iyada ah. Wixii
hanti mood la haystana waxaa la shitay intii jiilaalka ahayd. Caano majiri
karaan oo coodku doon, duqo qaad iyo solog luu u batay. Sida badan waxaa loo
habeen dhaxaa in la caataysto ariga doonka ah taasoy weliba sii dheerayd iyadoo
biyaha laga dheeraa omosna dadka culays ku hayey. Jirrooyin badan oo calool
xanuun, shuban ah ayaa dadku badiba la kulmaa, hilibkaa caatada ah darti.
Magaalooyinka sidaa looguma degdego lacag la’aan darteed.
Si kale uma garatide dhankii la eegaba dadka
dab ayaa kaga shidnaa. Waa lays wada naçay. waxaana tiradii ka batay xoolaha
iska baqtiyaya jirro iyo caataba ee meel walba aad ku arkaysid neef fuuray, mid
lafa ah ee kol hore dugaag iyo haadi feeriteen.
Dugaaggii ayaa isna ku mabay coodkaas
qubanaya wuxuu geystay faro dheeraad ah. Dugaagga waxay u ahayd naq-deg iyo
barwaaqo ama kala guran waa. Coodka oo keliya inuu cuno kuma ekayne dadkii ayuu
u soo dhigtay. Dad badan ayaa libaax qaatay oon lays weydiin meelay mareen
welina soo cad. Kuwo badan ayaa inta laga dhigay iyagoo si xun u dhaawacan la
dhaydhayaa. Goobo badan yaa rag hub sita iyo libaaxyo dad qaad ahi isku
haleeleen, markii libaaxdu ku gacan sarreysay inkastoo dhaawac lagu kala
dheelmaday.
Ma dhacday ahayd in neef dibbooday caawo
baryo, qof dibad baryeyna libaax ka nabad galo.
Iyadoo dhan dugaaggaas laga fiigsan yahay dhammaan dadkaná harga waraabe alla u tuuray, dhan kale baahidii, oonkii iyo hawshii xooluhu tiradii iyo culayskii ka bateen ayaa haddana dadku waa is-dhaamaye Maryan waxay ahayd inan aan da’deedu sidaa u weyneyn, markaas qurdatay, muuqaalka ama hanaqaadkeeduna uusan falfalacsanayn, noloshay ku kortey oo adkayd darted. Waxaanoran karaynaa hagaas bay ahayd sababta nolol
xumada darteed.
Maryan waxay la noolayd aabbeheed iyo aayadeed oon iyada sinaba u jeclayn, Maryan hooyadeed waqti ka hor ayaa aabbaheed furay kaddib markay iyada oo keliya dhashay ilaa iyo markaasna Maryan may aqoon meel hooyadeed adduunyada kaga nooshahay iyo iyada naf ahaanteedaba.
Iyadoo dhan dugaaggaas laga fiigsan yahay dhammaan dadkaná harga waraabe alla u tuuray, dhan kale baahidii, oonkii iyo hawshii xooluhu tiradii iyo culayskii ka bateen ayaa haddana dadku waa is-dhaamaye Maryan waxay ahayd inan aan da’deedu sidaa u weyneyn, markaas qurdatay, muuqaalka ama hanaqaadkeeduna uusan falfalacsanayn, noloshay ku kortey oo adkayd darted. Waxaan
Maryan waxay la noolayd aabbeheed iyo aayadeed oon iyada sinaba u jeclayn, Maryan hooyadeed waqti ka hor ayaa aabbaheed furay kaddib markay iyada oo keliya dhashay ilaa iyo markaasna Maryan may aqoon meel hooyadeed adduunyada kaga nooshahay iyo iyada naf ahaanteedaba.
Maryan waxay u go’nayd o raaci jirtay ari
aan tira yarayn oo ido iyo riyaba leh. Wax dhiiqa ma lahayn arigaasi, hadduu
yeeshana iyadu awood umay lahayn inay maasho nafteedana uga faa’iideysato.
Hawsha ariga iyadaa iska lahayd manaaficaadkiisana aayadeed iyo ilmahay
dhashaye iyagu aan war hayn ee hadba wixii la siiyo iska cuna.
Laga yaabe in Maryan ariga caano ka
dhadhamiso, waase hal mar oo keliya. markii dadka intiisa kale sanka ka soo
celiyaan. Waxaa intaa dheeraa waqtigii markaa la joogay arigu wax irmaan ma
lahayn waxa uu lahá oo kaliya hawl dheeraad ah. hilib caata ah iyo harag aan
ninna rabin.
Maryan iyadoo waxaas oo dhibaato ahi
haystaan ayayan haddana ku nabad geli jirine, cawo iyo maalin waxay ahayd mid
dil, xaarxaaro, habaar, hiif iyo dibindaabyo joogto ah kala kulanta aayadeed oo
iyadu iyadoon waxba dhiqin xoolana aan war u hayn had iyo goorba gurigeeda
dhexdiisa ilmaheeda ku ciyaarsata.
Maryan dhibaatadaa culus ee joogtada ah
darteed ayay inta baydadday ama fiigtay, wixii la hadlaba waxay moodaysaa inay
dilayaan. Masruuf ama biil ayey dilistu u ahayd. oogadeeda nabarrada ku yiil
way tiro beeleen.
Aabbaheed waa iska dheg weyn aan sidaa wax u
danayn. Mar mar ayaa laga yaabaa inuu naagtiisa oo si xun u rifaysa arkoo
xaarxaariyo kana qabto, inta badanse wuxuu u qaataa dilista Maryan la dilayaa
inay tahay lexjeclo iyo coodkoo la rabo in si fiican loo dhaqo.
Maryan ama ha la dilayo ama ha lala hadlayee
ma hadasho, maxaa yeelay cid ka guraysaan jirinba. Degaankey ku noolayde aadka
cadowga ugu ahaa darteed ayayba noqotay qof mucaqad ahee aan sidaa wax u galin,
aan nixin, qoslin, farxin, hadallada dadku kala wada hadlayana aan sidaa u
danayn, maxaa yeelay dadkoo dhan cadow ayay u haysatay.
Aayadeed waxay aad u tiqiin tirada iyo
suuradinta ariga taasooy mar alla markay ogaato in wax maqan yihiin sidii
Shabeel ceesaan arkay ugu soo haliisho iyadoon waba weydiin.
Galabtii dambe ayaa waxaa dhacday in goorey
makhrib ahayd arigiina soo xeroonayo aayadii ay towday orgi kali ahaayé ariga
ku jiray. Aayadii dhawr jeer ayay aad ugu noqnoqotay indha-indhayntiisii, waxay
ogaatay in orgigaasi maqan yahay. Mid shaki ku jirta ma ahayn in, marba neef
isha sidaa loogu hayey hadduu maqan yahay, la xaday.
Maryan oo horayba u tawsanayd orgigaas;
halgaadaha ku imaan doonana horey ugu soo talo gashay. ayaa aragtay in aayadeed
tawday orgigii. waqtigu markaa waa habeen, makhrib himhimow ah, aryowgii
xeroodeen. geelashiina soodheelmad habqamayaan. Waxaa iyana cidaha kuurka u
wada fadhiya libaaxyadii dad qaadka ahaaye meelahaas wax ka jeeqaaqaya.
Aabbaheed ama odaygii reerku wuxuu weli ku
maqnaa soo dheelanka halo dhawr ah iyo gaadiidkii cidda.
Maryan aragtay in lagu soo socdo, aayadeedna
iyadoo tib weyn sidata ay soo melebsanayso. Way tallantay oy is tiri maxaad
yeeshaa, labada dhanba u daran oo hadday sugtana tibtaas ayaa ka meel waayeysa.
hadday carartana waxa ka horreeya waa libaax iyo dugaag aan u daahayne haddiiba
kala jabsanaya.
Waa markii ugu horreysay oo hadal nooli
Maryan afkeeda ka soo yeero, iyadoo tiri, “Wallee caawa mindhaa ima dishid saan
kuma sugayee. Dilkaagana in haddaba libaax i cunaan ka doortay, maxaa yeelay
haddaan mar horaba libaax isa siin lahaa intii horay naftaydu dhibaato u
aragtay uma aragteen. Mar keliya dhimoo nolosha baasu ha ku daysaa dhaanta,
noolow oo silic ku noolow”.
Maryan hadalkaa markay lahayd way sii ordaysay iyadoo aayadeed tib ka daba sidato. Labada Maryan ayaa dheereysay haddiibana intay ka go’day bay libirtayba. Aayadu intii horoo dhan ma rumaysan ilaa ay dhaqdhaqaaq dambeba ka weydey.

Tibteedii bay inta dib ula soo laabetay
iyadoo well hiif iyo habaarkii wadda arigii dibadda joogay xeraysay. Goobtaas
waxaa isugu soo haray aayadii. arigii iyo dhawr carruuray dhashay. Cabbaar ayay
sugtay ayadoo aad uga rajo qabtay Maryan soo noqoshadeeda. Saacado ayaa tegay.
wax sharqan ah ma leh. Mar dambe ayaa waxaa soo yeeray geela jawaabtiisii
waxaana waday odaygii will uu naag kale ka dhalaye Maryan ka yar, hooyadiina la
furay isagoon dhalan.
Aayadii intay faraxday bay is tiri malaha
Maryan geela ayay la imaan doontaa. Geelii soo xeroo, Aayadii waa
indha-indhaysay ma ayse arag Manyan.
Odaygii markuu geelli xerada ku hubsaday
ayuu xirxiriddeedii wiilkii u dhaafay. isagoo kab ka go’day laadlaadsanaya,
sina u dhutinaya, wuxuu isku soo tuuray ardaagii aqalka oon sidaa u gogol iyo
kashkaash wacnayne galgalin u eg. Aah — waaba daalaye sidee loo degey’ Naa bal
wax igu soo qabo haddaad haysid,” ayuu hadal ka yiri.
Reerku biyo sidaasa ma haysto. Waxaa u sii
daba leh qarroor haan gunteed ku jira. Biyaha aad baa loo tashiishaa, sida
badanna waa laga soomaa iyadoo loo baahan yahay, iyadoo lays leeyahay mar marka
la joogo ka daran baa iman doonee haloo toog hayo. Sababtu waa meesha la joogu
oo iyadu oomane ah ceelashuna aad uga dheer yihiin. Dhaanku afar ama shan ayuu
dhaxaa. Biyaha sida badani waxaa la cabbaa markay nafcelis ama dhuuni yihiin
mar mar si jidiin qoys ah ayaa la isugu jilaa. Wax si toos ah uga haqab la’
waxaa jira aayada iyo ilmeheeda yar yar oo iyagu gurigooda aan ka bixin.
Aayadii oo dhan orgigii ka ciil qabta, dhan
Maryan cararkeeda ka ciil qabta sina u qaadan la’, dhan kalena ka yamxeerineysa
biyo la’aanta ayaa inta si kulul hadal tufayo ku jirto waxay u tiri, “Wallee
ama daal ama daayoo orgigii keli ahaaye reerku lahaa caawa waa maqan yahay,
biyona u malayn maayo in gorgor ku harey haanbaasta — inay daadisaan u malaynayaa.
lntii hadalkii la hayey ayaa inankii reerkuna ardaagii soo fariistay. Aayadii
oo markii hore u hinqatay inay bal haanta soo qarrooriso ayaa markay inankii
aragtay ka hakatay hawshaa iyada ah. waxayna dib ugu dhigatay mar kale marka la
kala seexdo.
Odaygii ayaa yin, ‘Yaab. naa ma orgigii
weynaa mise waabad igu ciyaaraysaa?”. “Waad arki doontaa haddaan kugu ciyaarayo
iyo haddii kaleba“,xaaskii oo si u neef tuureysa ayaa tiri; ‘Meeday tii baase
ariga la raacshay?” Odaygii baa isagoo si u xanaaqsan yiri.
Su’aashaas markay timid ayaa xaaskii dhan ka
naxay oo is tiri haddaad inay carartay sheegtid armaa qayladu dalluunta. dhan
kalena is tiri Maryan ku sii buuxi si adiga dooddu kaaga wareegto. Waxayna
tiri, iyadoo hadalkeedii laga garanayo inay been sheegeyso. “ma aqaan, hadda
meeshay taagnayde bal u yeera idinkay idin maqlaysaaye”.
lnanka oo aad u yaqaan dabciga iyo dhaqanka
reerka ayaa wuxuu u kala saari waayey in Maryan ama inta si xun lo dilay ay
meelaha taal oy kiciba la’dahay dhaawac dartii, amay carartayoy meelahaas
dugaag marti u tahay, ha yeeshee isagu ma uu hadline wuxu uu ka dhursugày bal
waxa odaygu ka yiraahdo ama ka yeelo.
Odaygii oo isna naxsan ayaa inta kacay
yiri.”Naa miyaad cayrisay oo dishey gabadha. miyaadan ogeyn in meesha bahal dad
qaad ahi ciiddii ka batay” intiibana ma sii jog-joogsane intuu jiitimihii iska
sii rogrogey ayuu qaylo bilaabay uu ugu yeerayo
Maryan hadday bal meelahan ku naban tahay oy
maqlayso. “Naa Maryan! Maryaneey! Maryan’ Aabbe waa anigiiye kaalay, anaa kaa
ballan qaadaya inaan caawa kaddib lagu diline.”
Xaaskii markay maqashay bahalo dad qaad ah
ayaa meesha buuxa bay yara naxday oo inta wax is tustay qoomamaysay waxay
samayn jirtay amay fiidkanba samaysay: iyadu kama
naxayn Maryan dhimashadeeda iyo haddii bahal cunee waxay aad uga naxsanayd
hawsha ku soo fakan doonta, ariga raaciddiisa, haddii Maryan meesha ka baxdo.
Qoomamey dibnaha qaniintay, iyadoo is eh. “Wallee haddii la waayo libaax cuno
anna hawl aanan u barani i cuntay”
Ilmihii yaryaraa oo iyagu aan war hayn ayaa
iyagoo hilba caata ahee casho loo Siiyey hiighiigaya waxay soo ag fáriisteen
walaalkoodii weyniaaye ardaaga fadhiyey iyagoo ku qosqoslaya hadbana
qodda-qoddaynaya. Ilmaha iyagu waa dadka ugu ladan reerka, waxayna ku caynteen
waxaa loo lisaa dhawr halaadoo dhaqaya ah sidaas na u caano badnayn, ha yeeshee
la’aantood ayan sinaba u noolaadeen.
Halahaa ninka raaca ee lisaa muddo sano ku
dhow caano ay leeyihiin ma dhadhamin. Ilmuhu markay. agagaarkiisa ku
ciyaarayaan waxaad mooddaa inuu ka gubanayo oo uu isleeyahay yaaba dhulka ka
dusiyoo liqaba. Iyaga dad ahaantooda ma necbee wuxuu neceb yahay hooyadood iyo
xiriirka dhaqanee ka dhexeeya isaga iyo iyada.
Odaygii wuxuu qaylqayliyaba wuu quustay ugu
dambaystii isaga naftiisaa libaax ka baqayey markuu meelaha wax daydayayey
wuxuu sitey qori uusan sida badanba dhigin si uu isugu daafaco haddii bahal soo
weeraro.
Wuu soo laabtay oo jiitimihii inta soo
adadkeeyey ma fariisane wuxuu Maryan ka baaray xeryaha xoolaha iyo heeraarada
reerka oo dhan. Waxba waa. Hadba dhan eeg. Madaxa ruxrux wax uu yeelana garan
waa. Mar buu is yiri xaaska ma garaacdaa maadaama ay iyadu u sabab tahay waxa
dhacay, hadatana wuxuu ku deystay inuu inta xaarxaariyo uunan far saarin, maxaa
yeelay laga yaabee may dhibaatadu meeshay hadda joogto meel ka xun tagto. Intuu
iska soo fariistay buu yiri, “Adaa tolaye ka tali’ waxay ila tahay reerka
gabadhiisii adiga uun baa yaqaan meeshaad ka keeni lahayd, adaa lagaaga
fadhiyaa laguuna haystaa.”
Xaaskii ayaa harag waraabe alla u tuuray.
Meelay wax ka tiraahday weyday. Wax kastabase waxaa uga sii daran maskaxdeeduna
qaadanba ladahay berri ahaa ariga raaci doona. inay oydey ku sigatay. “Adoo
nabad la bala-waara below kaalay lama yiraa hadday kuu timaadana lama booyo
boowow”, ayey iskula hadashay.
In cabbaar ah ayaa laysla hadli waayey wax
la yiraahdana la garan waayey. La arag arnintu inay meel aad u xun taagan
tahay, wax ka qabashana ay ka taggan tahay. Mar dambe iyadoo wax kastoo la
yeeli lahaaba inta laga wada maagey layska sii kala jeedo, hadalna weelba ka furmi
la’yahay; ayaa odaygii inta adkaysan waayey wuxuu yiri, “Walle boodi lahaydaa
iyo dhici lahaydaaba adduun baa u qoolan”.
Xaaskii hadalkii ama taladii inta ka kala
firdheen bay dhannaba joogi la’dahay. Way garwaaqsiisanayd inay dambi gashay,
inkastooy qof kibir iyo talo xumo u geysay tahay.
Mar dambe oo dhawr saacadood laoran
karo way ka soo wareegeen intii indhaha uun layska eegayey maskaxdana laga wada
fekersiinayey ayaa xaaskii iyadood mooddo inay daal ma jirro la kici la’day
inta istaagtay gurigii gashay. Waxay odaygii iyo wiilkii soo hordhigtay xeero
qori aho hilbo caato ahee solani dhex saaran yihiin. Wax hadal ahi kama soo yeerin afkeeda ee intey sidii kubbad la soo
laaday dhulka xeeradi ku soo taraarixisay bay isaga hartay.
Inanka oo baahi qaan-gaar ahi haysay ayaa haddiiba xeeradii gacanta u daruuriyey. Cad ayuu sodhufsaday oo uma daahine afka la aadey. Inanka waxaa hayey baahidana uga culays badnaa oon wuxuuna joogey heer uu wax maqliwaayo ama dhago weddoobeyba afka jiiIka kaga yiil ee harraad iyo gaajo ku ilkáystay dartood ah waxaad mooddey qurac duruja ah jilifti.
Uu rud is yiri hilibkii maahee wuxuu ogaadey inaan afkaba wax calyo ahi ku dambayn. Wuu isku sii dirqiyey oo inta rudey calali maagay, ha yeeshee tahartii caatada ahayd ayaa ka qoyaan roonaatay afkuu rabey inuu iyada ku cuno. Dhawr kol markuu hadba dhan ugu cayrshay, dhawr gowsna u qarqariyay ayuu dareemay qoyaan iyo xanuun isku qasane afka ku baahaya. Wuxuu heli waayey meesha qoyaankani ka yimid oo waxaa ka sayid caleeyey gaajadii haysay iyo calooshu siday ugu baahnayd wax lagu rido bal inay dabkay shidayso qaar yarayso.
Isagoo weli rudmadii hore la rafanaya ayuu mar dambe u adkaysan waayey xanuunkii. Intuu soo qabtay tahartii ayuu la aadey dab meel fog ka shidnaa. Wuu eegay mise tahartuba waa wäda dhiig. Intuu iska tuuray buu afkiisii dib ugu noqday. Meeluhuu xanuunka ka dareemayey, ayuu soo taataabtay oo dabkii faruhu ku soo taabtay ku eegay, mise dhiiggu afkiisu ka burqanayaa.
Mar dambe oo dhawr saacadood la

Garay sababta dhiiga keentay afka qallalan
iyo taharta dagaalkii dhexmaray. Waxa ugu sii darraa isagoo dhaawac ugu sii
darmay afkii awalba engegnaa. Luqluqasho ama daawana daaba.
Isagoo go’ calaloo uu huwanaa dacalkii iyo
gacan afka iskula haya ayuu ardaagii dib ugu soo laabtay. Wax hadal ah ma uu oran , maxaa yeelay inaan
laga gurayn ayuu ogyahay goobtuna siba u carqaladaysan tahay.
Intiiba, haddii afkii qallaylkiisii ayuu ku noqday. Isagoon hadlayn, ha yeeshee xanuun qarsanaya ayuu si uu neecowda uqaato wuxuu isku kala tuuray ardaaga meeshuu ka seexan jiray isagoo cirka iyo xiddigga badnaantiisa eegaya.
Odaygii isagoon hadlayn ayuu inta dhawr tagarood ka walam walamsiiyey, qorigiisii oo xabbado dhuunta u yaalliinna inta la soo fariistay isagoo salka dhulka ku haya iska hammiyéy.
Xaaskii intay ilmiihii oo meelaha kala daadsan gurigii gudihiisii u daad gureysay bay iska dhex seexatay. Meeshaa hadalka ama daqaqanku aad buu u yaraa. Doodi kama ay furrayn oo duruuftaa ahayd mid aan oggolayn wax nolol sidaas ahi ku sii jirto.

Dhammaan waxaa loo wada muuqday dad isu wada
cadow ah, is wada neceb. faylaha is wada jaraya.
****
Maryan markay cagaha wax ka dayday ilaa
saacado dhawr ahba may joogsane waxay isugu bixisay orod aan kala go’ lahayn
iyadoo u sansaan eg qof inta baydaday xarga goostay xabsina ka cararay isagoo
weliba dhan walba ka cabsanaya oo is leh geedaha ayaa ama ku dilaya ama kaa war
sheekoonaya. Waxay ahayd qof aad iyo aad u fiigsan, u naxsan. In muddo ah
markay sii baydadeysay ayay mar dambe xistay inay carri cidla ah jeexayso ayna
marti u tahay libaaxdii dadqaadda ahayd horaybana meesha u buuxday; way
istaagtay oo wax dhageysatay. Meel kasta sharqan iyo buuq ama hugun ayaa uga
baxay baqdintay baqaysay iyo harraadkii dhagaha jeexay dartood.
Waqtigu waa gudcur aan waxba la arkayn. Hadba dhan bay u jeesatay. Waxay kaloo garan weyday meelay ka timid iyo meelay u socoto. Way dayowday. Iyadoo iska jahawareersan oo baqdin darted socon la’ ayay mar dambe maqashay libaax cidii. Intay qabowday oo qamandhaco ama jiriirico lagu jabiyey bay in cabbaar ah wax dhaqdhaqaaq ah iska weydey. Mar dambe o Libaaxii cidii yareeyay ayay miyirsatay. Dhankuu ka ciyey mooyee dhankii kale ayay isku qaaday. Muddo saacad ah bayan kala gotne orod ugu jeexaysay. Sayrmada laamaha, qodaxda mudeysa xagasha qoryahay qallalan, jalfinta kurtumaha iyo dhagxaanta, turaanturrada iyo kufida ku dhacaysa waxay ahaayeen kuwa tira belay, ha yeeshee ayan iyadu dhibaato u arkeyn.
Waxay baydadkaas iridda furan een meelna haysan la sabbaysaba gooray jiciiratay boqolaal km goysey ayay mar uun istaagtay si ay jabaq u dhegeysato dad iyo dugaagba. Waxba maqli weydey. Meesheedii ayay ka miistay. Waxay oroddaba mar dambay joogto inay dhacdo ayay goosatay inay indha-indhayso geedo dhaadheer oy dugaagga ka fuusho, maxaa yeelay sheekay ku maqashay in marka bahalaha laga cabsado geedo dhaadheer laga fuulo.
Kol dambe ayay ku soo baxday geed dheer oy is tiri, “Allalehe ha dhaafine fuul!’ Dusha ayay uga baxday geedkii. Dhibaatase waxay timid markay lulmooto yaa kuhaynaya geedka. Iyadoo sii lulmoonaysa inay seexatana u dhow baa waxaa soo yeeray ci libaaxe aad moodo inuu ordayayo. Hurdadii ayaa ka duushay, inay dan u ahaydna lagaba yaabee.

Libaaxii wuxuu soo cadaadaba waa soo
dhawaaday. Mar waa aamusayaa, mar dambe ayuu haddana ciyayaa isagood mooddo
inuu ka sokeeyo meeshuu awal ka ciyey waxay sidaa ahaataba mar dambe ayuu laba
soo wareegay qoortii geedka Maryan fuushan tahay ku yiil si kedis iyada ku
noqotay ayuu mar uusan ka fogeyn agteeda af labadii yeeray. Naxdintay naxday
markay soo finiini gaartay, ha yeeshee intay laamahay haysatay xajisatay bay
isha uun ka eegtay.
Waqtigu markaa waa goor dambe Dayax ayaa soo
baxaya oo cir daruura ka maran soo dhex jeexaya. Dhanka Dayaxu ka soo baxayo
ayaa libaaxu ka xigaa iyada. Geedkay fuushan tahay wuxuu ku yaal meel goor ahoo
kob dacalkeed ah. Mar uun bay aragtay libaaxii oo inta kobtii madaxa kala soo
baxay dhulka sanka la soo raacaya sina aad mooddo inuu u degdegayo. Waxaa isku
dhacay Dayaxa nuurkiisii iyo baabushiisii badnayde caddayd taasoo u suurta
gelisay Maryan inay markii ugu horreysay ka il sugato libaax aragtidii.
Way sii naxday waxayna ku sigatay in wadnuhu istaago naxdin darteed.
Libaaxii oo daqaf-daqaf leh ayaa geedkay fuushanayd la soo wareegay. Isagu sanka dhulkakama qaadayn oo raadkeeda ayuu ku
joogay. Sidii uu u soo saqlaynayey ayuu geedka jirriddiisii sanka soo saaray.
Intuu hakaday oo dabada ruxay buu baadi goobay dhanka raadku u baxay, sidii wax
xanaaqay buu jeenyaha dhulka ku xoqay.
Libaaxaas oo malaha isagu ahaa mid hore u yiqiin jarta isaga loo degey iyo in dadku geedaha ka fuulo, ayaa inta sidii wax fariisanaya beerka dhulka dhigtay jeenyahana horay u bixiyey. Wuxuu isku dayey inuu ogaado qofkuu raacdeysanayey meeshuu geedka ka saaran yahay.
Isagoo sidii wax jiifa ah ayuu kor iyo geedkii soo daymooday: uu soo eegayay maahee haddiiba isha ayuu ku dhuftay Maryan oo sidii calal dharnmaad ahee hirrigi la hartay meel aad isaga uga fog laan ugumaran.
Maryan iyadoo geeso leh, timeheeduna qodaxo yihiin ayay si buuxda dhaqdhaqaaqiisa indhaha ugu haysaa. Labada gacmoodba waxay si buuxda ugu haysataa laan ay xabadkana ku haysee gorteeda ah, iyadoo rakaysatay salkana ku haysa laan laba madax leh meeshay ka kala kacdo. Waxay jeclaan lahayd inay haad noqoto sidii shinbiraha meeshaas yaabka lehe ay ku xayiran tahay si ay si sahlan uga hadaafto.
Isagii markuu arkay inay adag tahay. si loogu tago ruuxaa isaga ah uuna ogaaday, maadaama uu yahay bahal dadka aqoon u leh, in qofku uunan sidaa u weyneyn ayuu Isku dayey inuu bajiyo wa intaasoo intuu kala bato, bardadoo uu soo dhacaaye.
Wuxuu ahaa bahalkaas mid inta intii libaax weyn yahay weyn dhogorta, guuçka. baabusha iyo haylimah ku yaalla tira beeleen. Aad buu u dhisnaa una lixaad weynaa. Surkiisa hilibka saaran iyo xoogga ku jira daraadi awood uu lahayn inuu isagoo taagan kor u eego, sidaa daraaddeed kor markuu eegayo waa inuu u seexdaa.
Isagoo meesha baraqa Maryanna eegaya ayuu inta afkii laba ka kala dhigay intuu awood lahaa ci, gurxan iyo gunuunuc oodda ka soo qaaday. uma sii sugine intuu kor u boodey buu sidii wax geedkaba samada ku callaqaya ciddiyo aad warmo mooddid inta surtay gilgil maagay.
Cirkii iyo dhulkii ayaa qaylo iyo sharqan is qabsaday. Geedkii baa dhaqdhaqaaqay, Maryan baa intay itaal lahayd waxay isugu geysay laantay haysatay. Nasiib wanaag may soo dhicine rneesheedii bay ku mintidday inay la soo jiifto. Iyada cabsi iyo qiyaame u haray ma jirin. Waxay ugu muuqatay in dhulku wada gariirayo, dabaylo iyo duufaan dhacayaan, ciidu dhaqaaqsan tahay, adduunkana gogoshiisii loo labayo aan wax harayaa jirin. Haba yaraatee meel loo irkado, ama ciirsi la bidaa uma ay muuqan. Nafta oo deysa uun bay sugeysay.
Muuqaalkeedu wuxuu ahaa qof inta awalba itaal la’aa haddana tan dhex galay. Madax yare laba indhoodoo galka ka baxsan oo roggooda ama daymooyinkooduna meel keliya haysato. Af laba daan noqday. luqun aad mooddo in kol hore naftu daysayee qallalan bay la soo qotontay.
Libaaxii markuu cabbaar meeshii gilgiley siduu rabeyna .áy u noqon weydey oo Maryan soo dhici weydey buu inta jinjimicsaday, ilka aad mooddo qoryo miibac ahoo meel ku raaranna muujiyey carrab aad mooddo sanbab cabbaar kawraxsana intuu hadba dhan u eryey shaarubahana marsaday buu tartiib sidii wax tagaya u sii tallaabsaday.
Maryan way garansiisnayd inuunan ka dheeraan doonine iyada uu is leeyahay aad dagtid, waa intaasoo ay is tiraahdaa tagyaye meesha ka carar.
Markaas waqtigu waa galin dambe waagiina ma foga. Libaaxuna wuxuuba dhibsanayaa waaga ku baryaya isagoo ka xun casho la’aanta ku dhacday caawa.
Ma uu fogaane intuu meel ku dhow dhabbacday buu si qarsoodi ah il qooreedda ka eegayaa Maryan. Inantiiba ooggii baa istaagay iyadoo sidii kuurka la isugu jiro, isagiiyoo halkii wax jeeqaaqaya ayaa dhegtiisu jabaq maqashay. Intuu sidii wax xanaaqay boodey buu u kuur galay waxa jabaqda yeertay tahay. Wuxuu ka xumaa in laga sii daayo qofkan u xiranee isaga siday la tahay uu maray noqotaba afka u ridan doono. Wuxuu dhegeystaba wuxuu ogaday in hadal soo galayo. Wuxuu ku tallamay inuu dadka soo socda intuu u kuur galo wax ka qaato iyo inuu tiisatan majinta uga xiran ku nasiibsado.
Bulaankii iyo ragga hadlaya badnâantiisa ayaa ka cabsi galisay inuu iyaga weerarro, taasoo uu isyiri armay kugu dhacdaa wax badso wax waa bay leedahay.
Waxaa jiray in meeshu dhabbe haloosi ahee dhaanka iyo safarradu kala go’in ahayd. Waxa soo bulaamayaana yahay safar cidaha ka yimide magaalada u socda. Waxaana wata rag hub ka buuxee ugu soo tala galay inay isaga daafacaan dad iyo dugaagba.
Libaaxii arag in arrintu qasan tahay waxa soo socdaana ayan kaba leexanayne iyaga uun ku soo fool leeyihiin. Wuxuu goostay inuu Maryan mar kale weerár cabsi galin ah ku qaado, waa intaasoy hadda hurudaayoo ay soo dhacdaaye. Safarkii marka waxba uma jiro oo kobtuubaa madaxa soo gelinayaa, Maryanna mar horayba maqashay bulaanka dadka walowba ay aad ugu adag tahay siday afka hadal uga soo saari lahaydoo waxay u muuqatay ruux naftu ku sii daba yar tahay. Waxaa isugu darmay baqdin caguhu la barareen, caqasho iyo daal, sababahaa daraaddood, dabadeedna halka ay. fursadda lama helaanka ah, ku gefto.
Waxay is tiri qaylo sii bilow intaan laguba soo gaarin amaan lagu dhaafinba, ha yeeshee way kari wayday. Aragtay inay qalalan tahay. Dhawr kol oo is daba joog ah bay isku dayday afkeeduse awood uma yeelan inuu qaylo ama hadalba sameeyo oo intuu kala tagey buu u ekaa mid aan hawshaasba layan isagu. lyadoo laantii ku maran bay damacday dheh “Haah waaw, qaaq, aaa,” Kumase ay guuleysan. Niyadda way ka lahayd qayladaas, ha yeeshee mid laanta ay haysataa maqalayso ma ahayn.
Libaaxii oo kankoonsan ayaa geedkii soo galay. Isagoo qayliyo xaruun isku qasaya buu haddana bootin intii itaalkiis ah soo boodey. Wuxuu qabsaday meel dhexe oo geedka jirriddiisa ah kumase daahine haddiiba wuu ka dhacay. Aad buu u cuslaa una qaraaxad weynaa.
Maryan inkastoy si walba u naxday suuxina gaartay haddana soomay dhicine meesheedii bay isku kaduudday.
Markii libaaxu qaylada bilaabayba waxaa diday awrtii safarka ahayde markaa aan waxba u jirin. Xargo adag ama hoggaamo la saantay iyadoo iskuna xirnayd ragga wataana awalba aad uga feejignaa dartii ayaysan xarga-goosane haddiiba inta mid mid loo gar qabtay qoryihiina la rogtay dhawr xabbadood meeshii libaaxu ka gurxamay la dul mariyey.
Intaan la ridin xabbadaha ayaa ninkii ugu da weynaa meeshaa waaya aragnimadana is bidayey hadal qaylo ah wuxuu ku yiri; “yur, yur, yur, war xabbadaha hoos ha ugu dhigina bahalkee kor mariya, ha inaka tagee. in uusan ina ku dhaawacmin baa roone,” Markay korkiisa ka onkodday ayuu orod is jaray. Raggii awrta safarka ah watay inta nin iyo awr loo wada gar qabtay, hareerahana la iska taagay ba la yiri, “aan u sugno oo yaan awrta inta waagu si fiican u baryayo la xiriinin waa intaasoo ay xarga goosataaye,” meeshiiba la hogtay. Waana goon bannaan meeshu walowba kaymo jiq ahi ku dhowaayeen. Raggu wuxuu aad ula socday daymada awrta oo iyadu uga indha fiiqan ugana dhega wedden ragga Libaaxa dhaqdhaqaaqiisa.
Sidii xoon shinniyeedoo godkii laga jabsaday bay qoortoodii is galooleen waaga caddaadkiisana sugeen taasoo ay aad uga feejignayeen in libaaxaasi wax ka halakeeyo.
Maryan bay ahayd qoftii markii xabbaduhu dhawr jeer dul mareen iyagoo geedkay fuushanayd laama badan ka daadshey inta dhegihii u furmeen awooddey inay qaylo, oohin, baroor iyo muusanno aan kala go’ lahayn oodda ka soo qaadday, “Waa wareey!, waa wareey!, waryaaya!, waryaaya!. war bahalka iga dhiciya!. alla wuu cunaya!, waaw,- waaw,- waa, waaw …..”
Raggii safarka wataye awalba yaabbanaa ayaa sii yaabay una qaadan waayey qaylada meesha ka baxaysa, Nin raggii ka mid ah ayaa inta adkaysan waayey wuxuu isku sii daayey dhankii qayladu ka yeeraysay, isagoo qorigiisii oo xabbadda ka buuxaan wata mid midna hawada u quusinaya. Orod iyo qayluu isku daray isagoo leh “Yur, yur, yur,” nin kalaa isna ka daba tegay si uu gacan u siiyokan sii ordayey.
Maryan qayladii ma ay joojine meesheedii bay ka miistay. Nimankii oo sidii isu daba ordaya meesha qayladu ka baxaysana higsanaya ayaa ku yimid geedkii Maryan ka dhex qaylinaysey. Labadoodii oo is daba garmamaynaya baa isa soo hoostaagay.
Geedkii Maryan markay aragtay in dad aadami ahi hoos joogaan bay meeshay joogtay iska soo qaadday. Labadii nin ayaa arkay inay soo lulato soona dhacayso, iyagoo u wada jira bay qabta maageen. Saddexdoodiiba dhulkay wada galeen culayskii iyo xawligay Maryan ku socotay daraaddeed.
Way sii naxday waxayna ku sigatay in wadnuhu istaago naxdin darteed.
Libaaxii oo daqaf-daqaf leh ayaa geedkay fuushanayd la soo wareegay. Isagu sanka dhulka

Raggii safarka wataye awalba yaabbanaa ayaa sii yaabay una qaadan waayey qaylada meesha ka baxaysa, Nin raggii ka mid ah ayaa inta adkaysan waayey wuxuu isku sii daayey dhankii qayladu ka yeeraysay, isagoo qorigiisii oo xabbadda ka buuxaan wata mid midna hawada u quusinaya. Orod iyo qayluu isku daray isagoo leh “Yur, yur, yur,” nin kalaa isna ka daba tegay si uu gacan u siiyo
Maryan qayladii ma ay joojine meesheedii bay ka miistay. Nimankii oo sidii isu daba ordaya meesha qayladu ka baxaysana higsanaya ayaa ku yimid geedkii Maryan ka dhex qaylinaysey. Labadoodii oo is daba garmamaynaya baa isa soo hoostaagay.
Geedkii Maryan markay aragtay in dad aadami ahi hoos joogaan bay meeshay joogtay iska soo qaadday. Labadii nin ayaa arkay inay soo lulato soona dhacayso, iyagoo u wada jira bay qabta maageen. Saddexdoodiiba dhulkay wada galeen culayskii iyo xawligay Maryan ku socotay daraaddeed.
Maryan baa suuxdin dhag tiri. Labádii ninee
qabtay intay yare kaakaceen oo jafjafteen Maryan oo suuxsanna dhan isaga
dhigeen bay is kor taageen. iyagoon isla hadlayn bay marna iyagu is eegaan
marna Maryan eegaan. Dhiciddday dheceen darteed nabarro sahlan baa gaaray
walowba ay mid u badnaayeen.
In cabbaar ah ayaa wixii sharqan, hadal qaylo ama yabaq jirayba dameen. Kuwii awrta hayay ayaa shakiyay oo is yiri “War nimankii ma raxan bay afka u galeen oo horaa loo burbursaday” Mararkay waxba hubi waayeen baa garcaddaagii ragga ku jirey qaylo dhaamiyey. “Waryaaya war idin mee oow, warCali .
Labadii loo dhawaaqayey ee Maryan kortaagnaa awalna hadalkaba iska la’aa ayaa sidii raadiye awal dansanaaye hadda la daaray hadal bilaabay markay maqleen qayla-dhaamada iyagu u dhacaysa.
Mid, baa inta qorigii hagaagsaday Maryanna ku foorarsaday yiri, “Waar maqal, adna bahalka ina ka eeg diyaarna u dhow anna inantaan qaadaya’. Waxbana maba sii sugine inantii buu laabta u ritey. Siday u sii sideen iyadoo weli suuxsan bay dhex geeyeen raggii kale. Markay dhigeen baa mid kuwii awrta hayey ka mid ahi yiri, “Oo maxaad u sooqaaddeen qofka meydka ah. maad u soo dhaaftaan bahalkii dilooday?’
Kii sidey baa inta yare qosol gaaban qoslay yiri: “war qoftu meyd ma aha, bahalna maba taabane way suuxsan tahay oo keliya, Qoftani geed bay fuushanayd kana dul qaylineysay. Waad iska garanaysaan bay ila tahay libaaxuna iyaduu hoos joogayoo ilaashanayey. Arrini waa sidane hadda maxaynu yeeli?
Markaas oo kale talada waxaa sida badan yare lagu eegaa ninba intuu ninka kale ka waaya-aragsan yahay walowba haddana aad loo tixgeliyo ragannimada iyo tala-asiibka laga yaabo in lagu kala horreeyo. Odaygii is bidayey ayaa arkay in taladu sugeyso, ragga kaloo dhallinyaro wada ahaana uga wadá maageen waxa ka dhihidda isagii untuu xagga iyo xagga eegay buu yiri, “war bal bahalka inaga ilaasha inakama dheeree. Waxaynu yeeleynaa
waxay ila tahay qofta da’daa ahee meeshan cidlada ah joogtaa way naqsan tahaye
haddii wax biyo ah aynu wadannay u soo fura madaxana u qooya bal inay
miyirsato.’ inan ayaa boodey oo qarbad biyo ku jireen soo dhuftay. Naas
buu inta furay madaxa kaga shubay. Maryan mar alla markii biyuhu taabteen bay
kor u booddey qaylana af labadii yeertay, Aaa, waaw, waaw, alla, alla”
Waa la qaqabtay oo inta la soo fariisiyey la tusay inay dad la joogtee libaax uuna cunayn. Intay indhaha galka ka soo saartay bay hadba dhan eegtaa. Dharkay qabtayoo awalba calallo dhammaada ahaa baa haddana waxaa sii dhammaystiray qarda-jeexii, hirigihii caawa markay ordeysay la horaysay iyo geedkay hadda iska soo tuurtay oo sii luufiuufshey.
Sidaa daraaddeed lamaoran
karo dhar bay qabtaaba. Iyadoo sida u suxud la’ oy hahayaan aad iyo aadna ay u
fiigsan tahay ba libaaxiiyoo quustay, maadaama waagii ku caddaaday aadna u
xanaaqsan kayn aan sidaa uga fogeyn ka yeeray, Maryan markay maqashay Libaaxa
cidiisa bay inta kor u boodday iyadoo qaylinaysa nin horteeda taagnaa
saloolatay iskuna duubtay. Ninkii baa qabtay oo si qabow u yiri, “Walaal, waxba
ha cabsan libaaxii cararyoo waadigaa arkayee, harraad ma ku hayaa, biyase ma
rabtaa? Markuu intaa leeyahay waxay leefleefeysa biyihii horay madaxa
looga shubay dardareerkoodii oo meelo afka u dhow marmaraya.
Iyadoo weli sidii ninkii u fuushan, sidii u yahay laantii caawa caymisay, bay, “haah, oo biyo waa rabaa” dheh istiri. Hadalkti baase ka soo bixi waayey. Intay hadli lahayd bay madaxay ruxdo “haah’ biri. Biyihii baa afka 1oo saaray. Qurquray labada dhaban qabsatay. Markaas way fadhidaa.
In cabbaar ah markay ka gow.gowsiineysay ayaa odaygii ka qabtay oo yiri. ka joojiya marka mar kalaa la siin doonaaye, yay ku biyoraboone.” Laga soo qabanayey maahee hunqaacay soo deysay aan biyihii madoobaaye ay cabbeysay la tarrixin.
Madaxa ayaa la qabtay. Nin ragga ka mid ah ayaa inta go’iisii sare biyo ku qooyey madaxa u saaray. Neef tuursidii ruux maratoon soo orday bay kala goyn weydey. Nin kale ayaa isana inta go’iisii sare iska soo xayuubiyey huwiyey si uu cawradeeda ugu asturo.
Intil meesha lajoogay baa qorraxdiiba soo baxday. Mar labaad baa biyihii la siiyey ka dib markii si fiican loogu luqluqay. Haddana markay cabbaar cabtay ayaa laga qabtay. Gabiday hoos u rogatay sidii iyadoo hunqaaco isku celineysa. Iyadoo go’ii la huwiyey isku dadeysa bay hoos isu eegtay markaasay garatay inay hore u qaawanayd.
Miyirkay miyirsatay darti bay xishood halkaa ka bilowday odaygii baa arkay inay ladnaatay markaasuu isagoon wax hadal ahoran
inta awr soo fariisiyey fuuliyey meelahay qabsan lahaydna tusay. Si qarsoodi
ahee Maryan ayan garan ayuu raggii kale u yiri: ina mariya waxba hadda ha
waydiinninee.”
Safarkii baa halkaa ka ganqabtay iyadoo awalba la watey Awr aad u dheereysa. Si siibasho ah ayaa lao socday. Qorraxdii ayaa soo kululaatay. Odaygii ayaa eegay Maryan oo si hurdo u hayso inay ratiga ka dhacdana u dhow. Awrkii ayuu joojiyey. lntuu jilibka u laabay buu ka dajiyey. Inay qof adadagee socon karta tahay markuu arkay buu in biyo ah intuu siiyeyku yiri, Hadda waad socon karaysaa bay ila tahay.”
Intay qosol xishood iyo naagnimo ku jirto hoos ula gabbatay wajigana dadabtay bay tiri: “Haa waa socon karaa maahee waa ordi karaa”.
Odaygii intuu gacanta qabtay buu dallad uu sitay hooskeedii wax ka wadaajiyey. Maryan markaa iyadaaba ka dheereyneysay baad mooddey dadka intiisa kale. Wax la sii dhadiiqeeyaba, qorraxdü baa harkii isku taagtay. Loogamase jimcine socodkii xalay baaqday baa in la kaabo la rabaa awrtana loo nixirnaayo wax saaran oo aan durfi ahayni ma jirin hadday rara gubyoon lahayd.
Markii qorraxdli dhankay ka soo baxday mooyee dhankii kale u foorarsatay milicdeeduna mid geeri ah tahay ayaa lays wada eegay. Inta geedo waaweyne meel cawr yar lehna ka dhow la eegtay baa reeryadii saarnayd inta laga tuuray la seetaseeteeyey. Geed harac ah, ayaa inta laysku kala tuuray waxaa la karsaday shaah. Shaaha ka hor waxaa laga sii laacay hilbo caata ahee la sitay (Solay).
Maryan qaybteeday ka qaadatay. Iyadaa shaaha karisay. Gallad bay iyada u ahayd. Niyaddeeda farxad ayaa buuxisay, waxayna is lahayd Magaalada ayaa tagi doontaa, iyadoo dheg ay ka maqashay mooyee aan weligeeba arag meel magaalo tahay iyo si looga nool yahay midna.
Raggii indhuu is wada geliyay, Maryanse farxad, raynrayn iyo niyaddeeddo wax is tustuseysay daraadeed ayaa hurdaba ka imaan weyday.
Maryan oo sidii u fadhida ilna aan is gelin ayaa odaygii indhaha kala qaaday. Haddiiba si bootini ku jirto intuu isu taagay buu Awrtii daymooday. Maryan baa iyana intay istaagtay tiri, “Ma soo dabaa Awrta’, Odaygii baa inta qoslay yiri, “Allow ha ku celin. Iska fadhi heedhe harkaaga anaa soo kaxaynayee.. Horay intuu u sii dhaqaaqay, awrtiina haddiiba isku soo xiriirsaday raggii kaloo weli hurdana kor keenay buu qaylo hees rarmo oodda ka qaaday.
Raggii kalaa wada boodey awrtüna horay heeryada kaga boobay. Muddo saddexdaqiiqo ka yar ayaa inta lagu bogay haddiiba horay loo bushin tuurtay, toobiyihii baa carraabo ahaan cagta loo saaray.
Odayga oo isagu diiddan in Maryan la waraysto maahee ragga kaloo dhallinyarada ahi aad bay u jecel yihiin in iyada la xog warsado lana weydiiyo waxay tahay, meeshay ka timid, sidii bahalku ugu yimid amay geedka uga fuushay. Odaygu aad buu u hor taagnaa waraysigaas oo wuxuu is leeyahay iyaduu wax yeelayaa maadaama baqdintii weli ku jirto, qof yarna ay tahay. Hadday iyagu warsan lahaayeenna isagay ku ixtiraamayeen maadaama uu yiri “yaan intii mudda ah waxba la weydiin qoftaas.”
Awrta oo caddaysimo aan wax ka duwaneyn, iyadoo ahayd mid dheerayn iyo xoogba loo soo saantay, rag wada gaamuraye xoog lihina gar hayeen darteed ayay Maryan aad ugu adkaatay inay la qabsato. markii si looga go’aba orod bay hoosta ka xaddaa, Kucle ayay reerka kula socotay.
Carraabadu waxay ahayd mid cagaha lagaga gubtay. Qorraxdu aad bay u dheerayd. Golcas weliba kaliil joogtee abaar tumaysa ee hongorraha iyo hanfiga ka soo baxayaa yihiin kuwa lagu aqdee dad horay u wada eeday, bay ahayd.
Maryan oo daalka iyo diiftii horay u soo halakeeyay wax weyn u dhimayaan socodkeeda yareena intii itaal ah is tiilaysa ayaa dantii, wax la sii dusma-dusmeeyaba, u been sheegtay, runina run gayeysiisay. Marka laga reebo go’ii saaka lagu dadey, Maryan dharkay qabtaa waa maro midab lehoo si ugu marmaran qaarkeeda sare ahaanna way garraarsanayd dhexda marka la soo dhaafo waa faraqyo ama haylo si is dhaafdhaafsan u jeexjeexane aan waxba cawrada u qarinayn. Kaba ma qabto, oo cageheeda waxaad mooddaa geed jilfaystay, meelo badanna dhiig ayaa kaga yaal ka soc dareeray jirkeeda ka sarreeya markii geeda xagteen.
Intay isku duuduubaysayee ay is lahayd go’ii la siiyey isku astur ayuu inta xayiray socodkii ama dheerayntii ka curyaanshay. Way iska dhaqdhaqaaqeysay oo waxay ku mintideysay inaan laga tagine way garsanayd.
Odaygii ayaa arkay inay liicsan tahay markaas ayuu awr inta arrumay dusha ugatuuray. Inkastuu u dhaamey haddana raaxama lahayne reeryo caws ahayde saarrayd darteed ayaa meel kasta ka xagatay. Awrku gura ma layne siday faras fuushan tahay ayay reeryada dusha kaga fadhiday. Waxaa intaa dheeraa, iyadoo awrkuna ahaa mid aad u tallaabsanayee waxa saarani ruxmanayaan iyadoo iyaduna la ruxanayso.
Maryan meelo badan bay reeryadu ka xoqday oy aad uga xanuunsaneysay, ha yeeshee, iyadoo naagnimo ku jirtay darteed ayey ka xishootay inay tiraahdo meeshani waa igu dhib. Dhiig ayaa bawdyaha meel ka mida ka yimid. inay kuurkuursaneysee dhibban tahay ayaa waxaa arkay Odaygü oo mar kasta isha ku hayey iyada. Wuu fahmay dhibta haysa. lntuu joojiyey awrkii oo gogol uu wataye naagtiisu u soo duubtay, buste iyo barkin, oo ugu hagaajiyey meeshay fadhiday buu yiri, “ku fariiso”.
Maryan baa inta meel raaxa miiran ah salka saartay neef weyn fu’ soo siisay iyadoo hadalkiiba ka xishootay iyo inay mahadsanid tiraahdo. Loogama jimcine waa loogu cayntaariyey. Iyadoo sidii dabaysha loo nuugayo aanna lays dhuganeyn ayaa qorraxdii godkii gashay. Raggii ayaa qoryohoodii intay soo wada rogteen waxay fiirfiirsadeen sida xabbado ugu jiraan. Waxay isu diyaarinayeen habeenka dumey iyo dugaagga soo fool leh. Carriga la marayaa wali waa carri libaax dool ah sida badanna aan lagaba waayin isagoo aroor, fulitaan ku maraya ama xoolaha ceelasha ku sii jeéda ama ka soo jeeda jeeqaaqaya amaba dad iyo duunyaba wax baylah ah meelahan ka raad goobaya maadaama ay jiilaaladii marahe lays wada dhaafayo.
Awrtii baa inta dib loogu taabtay xiriir xirki loo wada adkeeyay raggii awal wada socdeyna inta is qaybsheen, baa qaarba dhan horay iyo gadaal laga kala maray iyadoo sidii biyo qar ka dhacaya socodka tuuryaa laysnaysa.
Odayga gar caddaaga ah ayaa awrta gar haya. Qorigiisu degtuu u saaran yahay isagoon wax u dhimmanayn waana kuwa darandooriga u dhaca. Wuxuu kaloo sitaa oon ragga kale wadan tooj lix qaad ahee meal dheer wax lagaga ifin karo.
Maryan waxay saaran tehay ratiga odayga awrtana u horreeya isagoo la biday inuu yahaykan ugu
dheereeya uguna hayinsan.
Inkastoon la wada hadlin, meel lagu wadahadlana aan lajoogin waxaad mooddaa in raggii Maryan badbaadiyey iyo odaygu yare isku riixayaan. Oo odayguna hadda iska dhigayo qofuu isagu wado, iyaguna badbaadinteedii tirsanayaan. Wàxaa intaa raacda odayga oo ah nin degmada laga yimid laga xushmeeyo oo nin karaameed ah.
Maryan may fool xumee intii gabar Soomaaliyeed qurux badan tahay ayay qurux. badnayd. Dhibaatada kaliyee haysey waa diif xunoo ka nuuqatay markaa la joogey, iyadoo horay u soo weydey korriimo dheellitiran oo laftay u dhalatay lixaad u la’.
Odayga dhaafoo labada inan ee badbaadiyey Maryan ayaaba laga yaabaa inay isku laadaan oy dhexdooda ka aloosanto. Odayga naftiisu si weyn buu meesha isugu tirinayey iyo inuu ama cid siisto ama isba wax iskaga dayo. inkastoo uu mar da’ ahaa mar kalena xaasas badan ahaa Maryan way yar tahay rajada laga qabayna waa markay karto oo inan noqoto.
Wax la sii dalalagleeyo oo hadba karin laga sii duso Sanna laga laabtaba, goor dambay habeen bartahay ayaa la soo galay Magaalo ku sheeggii loo soo socday. Waa magaalo aan sidaa u weyneyn.Nal may laha, dariiqyo laami ah iskaba daa, badiba guryeheedu waxay ka dhisan yihiin dhagax. dhoobo ama qoryo aan hab wacnayn. Dariiqyada magaaladu waa dhagxan iyo habaas miiran, jiingadda go’an, jaqafka daasadda ama weelka gorofka ah, qoryaha jajaban dartood qofkii iyadoy habeen tahay dariiqyadaa mar is yiraahda waa ku kufayaa. Waa ma dhacdo In qofaan wax ifsanayni ka nabad galo turaanturro iyo kufid ama dhaawac addimada hoose ka gaara. Dadku sida badan toojaj ayay qaataan oo mar alla markii aasku madoobaado ayaa magaaladu waxay u ekaataa cir aan daruuro lahayne gudcura meel kastana xidko ka bidhaamayaan.
In cabbaar ah ayaa wixii sharqan, hadal qaylo ama yabaq jirayba dameen. Kuwii awrta hayay ayaa shakiyay oo is yiri “War nimankii ma raxan bay afka u galeen oo horaa loo burbursaday” Mararkay waxba hubi waayeen baa garcaddaagii ragga ku jirey qaylo dhaamiyey. “Waryaaya war idin mee oow, war
Labadii loo dhawaaqayey ee Maryan kortaagnaa awalna hadalkaba iska la’aa ayaa sidii raadiye awal dansanaaye hadda la daaray hadal bilaabay markay maqleen qayla-dhaamada iyagu u dhacaysa.
Mid, baa inta qorigii hagaagsaday Maryanna ku foorarsaday yiri, “Waar maqal, adna bahalka ina ka eeg diyaarna u dhow anna inantaan qaadaya’. Waxbana maba sii sugine inantii buu laabta u ritey. Siday u sii sideen iyadoo weli suuxsan bay dhex geeyeen raggii kale. Markay dhigeen baa mid kuwii awrta hayey ka mid ahi yiri, “Oo maxaad u sooqaaddeen qofka meydka ah. maad u soo dhaaftaan bahalkii dilooday?’
Kii sidey baa inta yare qosol gaaban qoslay yiri: “war qoftu meyd ma aha, bahalna maba taabane way suuxsan tahay oo keliya, Qoftani geed bay fuushanayd kana dul qaylineysay. Waad iska garanaysaan bay ila tahay libaaxuna iyaduu hoos joogayoo ilaashanayey. Arrini waa sidane hadda maxaynu yeeli?
Markaas oo kale talada waxaa sida badan yare lagu eegaa ninba intuu ninka kale ka waaya-aragsan yahay walowba haddana aad loo tixgeliyo ragannimada iyo tala-asiibka laga yaabo in lagu kala horreeyo. Odaygii is bidayey ayaa arkay in taladu sugeyso, ragga kaloo dhallinyaro wada ahaana uga wadá maageen waxa ka dhihidda isagii untuu xagga iyo xagga eegay buu yiri, “war bal bahalka inaga ilaasha ina
Waa la qaqabtay oo inta la soo fariisiyey la tusay inay dad la joogtee libaax uuna cunayn. Intay indhaha galka ka soo saartay bay hadba dhan eegtaa. Dharkay qabtayoo awalba calallo dhammaada ahaa baa haddana waxaa sii dhammaystiray qarda-jeexii, hirigihii caawa markay ordeysay la horaysay iyo geedkay hadda iska soo tuurtay oo sii luufiuufshey.
Sidaa daraaddeed lama
Iyadoo weli sidii ninkii u fuushan, sidii u yahay laantii caawa caymisay, bay, “haah, oo biyo waa rabaa” dheh istiri. Hadalkti baase ka soo bixi waayey. Intay hadli lahayd bay madaxay ruxdo “haah’ biri. Biyihii baa afka 1oo saaray. Qurquray labada dhaban qabsatay. Markaas way fadhidaa.
In cabbaar ah markay ka gow.gowsiineysay ayaa odaygii ka qabtay oo yiri. ka joojiya marka mar kalaa la siin doonaaye, yay ku biyoraboone.” Laga soo qabanayey maahee hunqaacay soo deysay aan biyihii madoobaaye ay cabbeysay la tarrixin.
Madaxa ayaa la qabtay. Nin ragga ka mid ah ayaa inta go’iisii sare biyo ku qooyey madaxa u saaray. Neef tuursidii ruux maratoon soo orday bay kala goyn weydey. Nin kale ayaa isana inta go’iisii sare iska soo xayuubiyey huwiyey si uu cawradeeda ugu asturo.
Intil meesha lajoogay baa qorraxdiiba soo baxday. Mar labaad baa biyihii la siiyey ka dib markii si fiican loogu luqluqay. Haddana markay cabbaar cabtay ayaa laga qabtay. Gabiday hoos u rogatay sidii iyadoo hunqaaco isku celineysa. Iyadoo go’ii la huwiyey isku dadeysa bay hoos isu eegtay markaasay garatay inay hore u qaawanayd.
Miyirkay miyirsatay darti bay xishood halkaa ka bilowday odaygii baa arkay inay ladnaatay markaasuu isagoon wax hadal ah
Safarkii baa halkaa ka ganqabtay iyadoo awalba la watey Awr aad u dheereysa. Si siibasho ah ayaa lao socday. Qorraxdii ayaa soo kululaatay. Odaygii ayaa eegay Maryan oo si hurdo u hayso inay ratiga ka dhacdana u dhow. Awrkii ayuu joojiyey. lntuu jilibka u laabay buu ka dajiyey. Inay qof adadagee socon karta tahay markuu arkay buu in biyo ah intuu siiyeyku yiri, Hadda waad socon karaysaa bay ila tahay.”
Intay qosol xishood iyo naagnimo ku jirto hoos ula gabbatay wajigana dadabtay bay tiri: “Haa waa socon karaa maahee waa ordi karaa”.
Odaygii intuu gacanta qabtay buu dallad uu sitay hooskeedii wax ka wadaajiyey. Maryan markaa iyadaaba ka dheereyneysay baad mooddey dadka intiisa kale. Wax la sii dhadiiqeeyaba, qorraxdü baa harkii isku taagtay. Loogamase jimcine socodkii xalay baaqday baa in la kaabo la rabaa awrtana loo nixirnaayo wax saaran oo aan durfi ahayni ma jirin hadday rara gubyoon lahayd.
Markii qorraxdli dhankay ka soo baxday mooyee dhankii kale u foorarsatay milicdeeduna mid geeri ah tahay ayaa lays wada eegay. Inta geedo waaweyne meel cawr yar lehna ka dhow la eegtay baa reeryadii saarnayd inta laga tuuray la seetaseeteeyey. Geed harac ah, ayaa inta laysku kala tuuray waxaa la karsaday shaah. Shaaha ka hor waxaa laga sii laacay hilbo caata ahee la sitay (Solay).
Maryan qaybteeday ka qaadatay. Iyadaa shaaha karisay. Gallad bay iyada u ahayd. Niyaddeeda farxad ayaa buuxisay, waxayna is lahayd Magaalada ayaa tagi doontaa, iyadoo dheg ay ka maqashay mooyee aan weligeeba arag meel magaalo tahay iyo si looga nool yahay midna.
Raggii indhuu is wada geliyay, Maryanse farxad, raynrayn iyo niyaddeeddo wax is tustuseysay daraadeed ayaa hurdaba ka imaan weyday.
Maryan oo sidii u fadhida ilna aan is gelin ayaa odaygii indhaha kala qaaday. Haddiiba si bootini ku jirto intuu isu taagay buu Awrtii daymooday. Maryan baa iyana intay istaagtay tiri, “Ma soo dabaa Awrta’, Odaygii baa inta qoslay yiri, “Allow ha ku celin. Iska fadhi heedhe harkaaga anaa soo kaxaynayee.. Horay intuu u sii dhaqaaqay, awrtiina haddiiba isku soo xiriirsaday raggii kaloo weli hurdana kor keenay buu qaylo hees rarmo oodda ka qaaday.
Raggii kalaa wada boodey awrtüna horay heeryada kaga boobay. Muddo saddexdaqiiqo ka yar ayaa inta lagu bogay haddiiba horay loo bushin tuurtay, toobiyihii baa carraabo ahaan cagta loo saaray.
Odayga oo isagu diiddan in Maryan la waraysto maahee ragga kaloo dhallinyarada ahi aad bay u jecel yihiin in iyada la xog warsado lana weydiiyo waxay tahay, meeshay ka timid, sidii bahalku ugu yimid amay geedka uga fuushay. Odaygu aad buu u hor taagnaa waraysigaas oo wuxuu is leeyahay iyaduu wax yeelayaa maadaama baqdintii weli ku jirto, qof yarna ay tahay. Hadday iyagu warsan lahaayeenna isagay ku ixtiraamayeen maadaama uu yiri “yaan intii mudda ah waxba la weydiin qoftaas.”
Awrta oo caddaysimo aan wax ka duwaneyn, iyadoo ahayd mid dheerayn iyo xoogba loo soo saantay, rag wada gaamuraye xoog lihina gar hayeen darteed ayay Maryan aad ugu adkaatay inay la qabsato. markii si looga go’aba orod bay hoosta ka xaddaa, Kucle ayay reerka kula socotay.
Carraabadu waxay ahayd mid cagaha lagaga gubtay. Qorraxdu aad bay u dheerayd. Golcas weliba kaliil joogtee abaar tumaysa ee hongorraha iyo hanfiga ka soo baxayaa yihiin kuwa lagu aqdee dad horay u wada eeday, bay ahayd.
Maryan oo daalka iyo diiftii horay u soo halakeeyay wax weyn u dhimayaan socodkeeda yareena intii itaal ah is tiilaysa ayaa dantii, wax la sii dusma-dusmeeyaba, u been sheegtay, runina run gayeysiisay. Marka laga reebo go’ii saaka lagu dadey, Maryan dharkay qabtaa waa maro midab lehoo si ugu marmaran qaarkeeda sare ahaanna way garraarsanayd dhexda marka la soo dhaafo waa faraqyo ama haylo si is dhaafdhaafsan u jeexjeexane aan waxba cawrada u qarinayn. Kaba ma qabto, oo cageheeda waxaad mooddaa geed jilfaystay, meelo badanna dhiig ayaa kaga yaal ka soc dareeray jirkeeda ka sarreeya markii geeda xagteen.
Intay isku duuduubaysayee ay is lahayd go’ii la siiyey isku astur ayuu inta xayiray socodkii ama dheerayntii ka curyaanshay. Way iska dhaqdhaqaaqeysay oo waxay ku mintideysay inaan laga tagine way garsanayd.
Odaygii ayaa arkay inay liicsan tahay markaas ayuu awr inta arrumay dusha ugatuuray. Inkastuu u dhaamey haddana raaxama lahayne reeryo caws ahayde saarrayd darteed ayaa meel kasta ka xagatay. Awrku gura ma layne siday faras fuushan tahay ayay reeryada dusha kaga fadhiday. Waxaa intaa dheeraa, iyadoo awrkuna ahaa mid aad u tallaabsanayee waxa saarani ruxmanayaan iyadoo iyaduna la ruxanayso.
Maryan meelo badan bay reeryadu ka xoqday oy aad uga xanuunsaneysay, ha yeeshee, iyadoo naagnimo ku jirtay darteed ayey ka xishootay inay tiraahdo meeshani waa igu dhib. Dhiig ayaa bawdyaha meel ka mida ka yimid. inay kuurkuursaneysee dhibban tahay ayaa waxaa arkay Odaygü oo mar kasta isha ku hayey iyada. Wuu fahmay dhibta haysa. lntuu joojiyey awrkii oo gogol uu wataye naagtiisu u soo duubtay, buste iyo barkin, oo ugu hagaajiyey meeshay fadhiday buu yiri, “ku fariiso”.
Maryan baa inta meel raaxa miiran ah salka saartay neef weyn fu’ soo siisay iyadoo hadalkiiba ka xishootay iyo inay mahadsanid tiraahdo. Loogama jimcine waa loogu cayntaariyey. Iyadoo sidii dabaysha loo nuugayo aanna lays dhuganeyn ayaa qorraxdii godkii gashay. Raggii ayaa qoryohoodii intay soo wada rogteen waxay fiirfiirsadeen sida xabbado ugu jiraan. Waxay isu diyaarinayeen habeenka dumey iyo dugaagga soo fool leh. Carriga la marayaa wali waa carri libaax dool ah sida badanna aan lagaba waayin isagoo aroor, fulitaan ku maraya ama xoolaha ceelasha ku sii jeéda ama ka soo jeeda jeeqaaqaya amaba dad iyo duunyaba wax baylah ah meelahan ka raad goobaya maadaama ay jiilaaladii marahe lays wada dhaafayo.
Awrtii baa inta dib loogu taabtay xiriir xirki loo wada adkeeyay raggii awal wada socdeyna inta is qaybsheen, baa qaarba dhan horay iyo gadaal laga kala maray iyadoo sidii biyo qar ka dhacaya socodka tuuryaa laysnaysa.
Odayga gar caddaaga ah ayaa awrta gar haya. Qorigiisu degtuu u saaran yahay isagoon wax u dhimmanayn waana kuwa darandooriga u dhaca. Wuxuu kaloo sitaa oon ragga kale wadan tooj lix qaad ahee meal dheer wax lagaga ifin karo.
Maryan waxay saaran tehay ratiga odayga awrtana u horreeya isagoo la biday inuu yahay
Inkastoon la wada hadlin, meel lagu wadahadlana aan lajoogin waxaad mooddaa in raggii Maryan badbaadiyey iyo odaygu yare isku riixayaan. Oo odayguna hadda iska dhigayo qofuu isagu wado, iyaguna badbaadinteedii tirsanayaan. Wàxaa intaa raacda odayga oo ah nin degmada laga yimid laga xushmeeyo oo nin karaameed ah.
Maryan may fool xumee intii gabar Soomaaliyeed qurux badan tahay ayay qurux. badnayd. Dhibaatada kaliyee haysey waa diif xunoo ka nuuqatay markaa la joogey, iyadoo horay u soo weydey korriimo dheellitiran oo laftay u dhalatay lixaad u la’.
Odayga dhaafoo labada inan ee badbaadiyey Maryan ayaaba laga yaabaa inay isku laadaan oy dhexdooda ka aloosanto. Odayga naftiisu si weyn buu meesha isugu tirinayey iyo inuu ama cid siisto ama isba wax iskaga dayo. inkastoo uu mar da’ ahaa mar kalena xaasas badan ahaa Maryan way yar tahay rajada laga qabayna waa markay karto oo inan noqoto.
Wax la sii dalalagleeyo oo hadba karin laga sii duso Sanna laga laabtaba, goor dambay habeen bartahay ayaa la soo galay Magaalo ku sheeggii loo soo socday. Waa magaalo aan sidaa u weyneyn.Nal may laha, dariiqyo laami ah iskaba daa, badiba guryeheedu waxay ka dhisan yihiin dhagax. dhoobo ama qoryo aan hab wacnayn. Dariiqyada magaaladu waa dhagxan iyo habaas miiran, jiingadda go’an, jaqafka daasadda ama weelka gorofka ah, qoryaha jajaban dartood qofkii iyadoy habeen tahay dariiqyadaa mar is yiraahda waa ku kufayaa. Waa ma dhacdo In qofaan wax ifsanayni ka nabad galo turaanturro iyo kufid ama dhaawac addimada hoose ka gaara. Dadku sida badan toojaj ayay qaataan oo mar alla markii aasku madoobaado ayaa magaaladu waxay u ekaataa cir aan daruuro lahayne gudcura meel kastana xidko ka bidhaamayaan.
Waxaa sida badan la ifsadaa faynuus ama
batarmakis inkastuu yar yahay kuna kooban yahay inta u ladan meesha. Dadka
intiisa badani waa faynuus waxay ifsadaan walowba ay jireen dad badanoo iyagu
waxba aan ifsane mugdigooda muquurta, gabbalku markuu dhacana sidii gorayo
gabbal u dhacay isugu soo urura goobtay ku hoydaan. Waxaa yare la roon yahay
markii dayax jiro.
Magaaladu waxay lahayd dukaamo aan badnayn, waxa yaallina sidoo kale intay yaraayeen haddana noocya xumaayeen (waa alaab dibadda ah). Makhaayado sida badan laba jeer wax laga cunaa way jireen manay badnee aad bay u koobnaayeen intay nadaafad yaraayeen bay haddana dhaqan xumaayeen.
Saacaddu markay gaarto 7:30 magaaladu way seexan jirtay dhammaan. aan ahayn ruux qarraaf. xan ama hawlo kaloo gaar u socda.
Iyadoy xaajadu sidaa tahay oo kol hore laga seexday, mid mid meelahaas miraafaya mooyaane, ayaa awrtii safarka ahayde Maryan siddey soo gashay. Nimanka safarka wataa magaalada way kala yaqáaneen oo waa kaliyoy adduunyada kala xiriiraan. Waxbana dhib kalama kulmine, mar alla markii la soo galay ayaa nin waliba inta Awrkiisii xiriir furtay la aadey cidduu yiqiine dantu ugu guntayneyd. Intaan la kala harin ayaa odaygii garwadeenka iska dhigayey yiri, War aynu beri subax iska war hello si aynu isu ogeysiinno waqtiga ambabaxa in aynu dhaqsannaa waa lama huraan bay ila tahaye”.
Inamadii mid ka mid ah ayaa istaagay Awrkuu gar hayeyna joojiyey oo yiri, ‘Waa lama huraan taasi oo adaannuba bal beri kuu iman doonnaa, maxaa yeelay, adaa suuqa naga badiya, reer magaalkuna sidaadba ogsoon tahay waa tuugo aan kuu naxayn. ama aqood ama ha aqoone”.
Intuusan hadalkii dhammaysan ayaa midkii kale inta qosol beenle kajan ah qoslay wuxuu yiri, “war waa in la dagaallamo oo kolley waa layna dhacayaaye aan ugu yaraan yaryarayno dhiciddaas, Odaygii baa yiri, “taasi shaki ma lehoo waxaa u daliila magaaladuba maxay ku dhisan tahay sow waxay reer baadiye ka dhacday ma aha.

Meeshan warshado kama furra, beero ma laha,
bansiin ama macaadiin kale kama qodna. waxa
kaliyee magaala ka dhigay ilaa iyo maantana ay ujirtaa sow dhaceenna ma aha.
Balse ha la iska war hayo oo beri aroortii aynu isugu nimaadno makhaayadda
curyaanka ee afka madow, waana in aydinaan waxba gadin ilaa meelaha inta
galgallo bal wax kala ogaanno; intaa iyo habeen wanaagsan”.
Iyadoo meesha marka lagu kala dhaqaaqay magaalada dhexdeeda ahayd, ayaa Maryan Go indhawaaleba sidii magaalada loo soo galayba ka yaabbanayd daaraha ama dhammaan guryaha dundumooyinka iyo gabiyada ama boholaha iyada ula ekaaye magaalada lagu sheegayo.

Waxay aad ula sii yaabbanayd ifafka
batarmakisyada oy is leeday, “dadku armay is gubaan:mise waaba wax kalee dab ma
aha.”
Maryan weli waxay saaranayd ratiga guudkiisa. Iyadoo yaabka iyo amakaagu ku sii badanay ayaa odaygii ratigii hoggaansaday. Goobtuu u socday ayuu tagey. Waa meel bannaanoo guryo dhawroo carshaan ah hortooda. Haddiiba inta arrumay oo Maryan soo dajiyay ayuu heeryadii ka rogey. Intuu kiciyey oo yare sii taxaabay buu meelaan fogeyn inta fariisiyey dabar iyo qarqaarsi isugu jabiyey. Heeryadii iyo jawaanno maran buu inta dhinac isugudadey wuxuu u soo dhaqaaqay dhankii guriga.
Maryan iyadoo go’ii isaga ahaa hullaaban aadna meesha uga cabsanaysa bay sidii roob xoog lihi hayo dhaxanna u go’aysa inta isa sii duuduubtay meesheedaa iyadoon wax haqdhaqaaqa muujineyn sidii jirid qallalane meesha ku taal taagnaatay. Indhahay wax ka eegeysay oo kaliya. Jirkeedu inkastuu aad u daallanaa una baahnaa dhaqdhaqaaq, fadhi iyo jimicsi badan haddana sidii dhulkay taaganayd cunayo ayay meel kasta ka cabsaneysay. Waxay ka cabsaneysay xitaa in la yiraahdo “maxaad meesha u taagan tahay orod ciddiinnii aad!”
Odaygii baa gun garaacay waana laga furay oo inta lagu soo boodey kor loo qaaday. Qofka odayga qadayee rayraysanaa waa qof haween ah. Farxad dheeraad ah ayaa qofkaas ka muuqatay. Markii cabbaar laysku dhegganaaye hadba dhan laysula dildillaamayey ayna mar dambe odaygiiyo weli gacanta haysta naagtii wuxuu dib u soo daymooday Maryan oon weli ka dhaqaaqin cageheeda meeshay dhigtay markii odaygu Awrku ka soo dejiyey. Uu soo daymoonayey maahee, islaantii isaga ku dhegganayd ayaa dareentay in cidi isaga la sootay dibna uu u daymoonayo. Markaasay intii qof naxo naxday oy istiri, maantaa ceebowday, bay dhankii guriga u sii booddey iyadoo guriga ka soo jeeddoo is qarinaysa bayte, “ma cid baa kula socotey! alla ceeboobey”
Odaygii intuu qoslay buu yiri, “Maxaad ku ceebowday ma ceebaa haddaad odaygaaga dhuunta ka gashid, sowtan laysku keen ogyahaye aynu isu dhaxno?”
“Iga daa caawaan ceeboobaye! Lillaahi cid miyaa kula socotay, run ii sheegoo” bay tiri.
Odaygii intuusan u jawaabinba dib ayuu isu soo rogey oo Maryan intuu u yimid, isagoo garanaya waxa haya, gacanta soo qabtay. “Adeer, na keen.” odaygii baa yiri.
Maryan way raacday, socodka way garan la’ayd sheex baqdineed darti. Intiiba wuxuu geeyay gurigii oo faynuus ifinayo. Gunigu waa guri aad u qurux iyo dhaldhalaal badan markii Maryan loo eego, waxaana iska leh odayga. Afada meesha joogtee hadda ku dheggeneyd isagaa qaba. Isagu waa laba reerre miyi iyo magaalaba degeen. tan dhawaan buu guursadey, welina carruur may dhalin. Miyiga mid kalaa u jirta ad u da’ weyn. Carruurtiisu ma yara waa ilaa toban iyo sagaal. Naaga badan buu furay ilmahan badi dhalay. Haddase wuxuu aad ula hayaa minyarada cusube dhawaan soogalka ah. Danta ugu weyne uu Maryan ugu mintidayey wa isagoo rabey inay u adeegto afadiisan.
“Haye caawa gabar baad ii waddaaye. Allaylehe gabar waan u baahnaa. Ma kuwaad dhashaa mise waa cid kaIe?’ Afadii baa tiri ‘Ama anagu aan dhalo ama cid kale ha dhashee kolley haddaad ciidan heshay sow baraare kuuma ah? Anigu iskiin barimaayee, idminku is barto waydinkaas, taan aad uga dardaarmayaa waa inay xannaano wacan iyo daryeel heshaa, ayan ahayn raggaan isku dillaye ku kala dhimmanay bay aadi doontaa,” Odaygii baa yiri. Afadii baa waxay ka shakiday isku-dilka iyo wuxuu sheegayo, waxbase may sii weydiine cuntay soo diyaarisay. Intay marmareysay bay mar uun Maryan inta isa soo dul taagtay tiri, “Haye adigu magacaa?’ “Anigaa?” baa Maryan dib u waydilsay. “Yaad u malaynaysaa Inaan su’aasha weydiiyey oon adiga ahayn?” Afadii oo yare ilka caddaynaysa ayaa tiri.

Odaygu markaa musqushuu jiraa oo maba joogo. Iyadoo aad u
sheexaysa gebidana hoos u rogeysa bay tiri, “Aniga Maryan baa lay yiraahdaa”.
Meeshii baa casha la soo dhigay. Maryan baa inta qayb la siiyey la yiri cun. Sheex darti ayay cuni weydey in mudda ah. Ugu dambaystiise cuntay. Dhibaatada ugu weyneydse waxay ahayd markii saxaro gabatay oy garan weydey si ayyeesho. Iyadu musqulaha ma taqaan iyaguna ma ay garan oouma tilmaamine dantooday ka wateen. In la seexdo markii la maagay, oy Maryan in xaajo dhabqi doonto, haddayan banka aadin aragtay ayay xanuun isku ridey ooilleen way garanaysaa in dhibaato ka imanaysee is tiri iska moos. Inkastoy aad u cabsanaysay neeftuurkeedii ayaa mar dambe odaygu dareernay; intuu u yimid buu weydiiyey in xanuun hayo. Arag in si kale loo hayo maadaama ay ahayd qof baahan cunto badanna cuntay horayna u soo qaatay. Intuu faynuus qaaday buu tusay musqishii iyo siyaabaha irdaha loona furo loona xiro.
Waxba may galine sidii qof geli doona bay inta madaxa u ruxday meesheedii ku soo noqotayoo wax seexanaya iska dhigtay. Odaygii wuu iska seexday. Maryan mar alla marka is tiri malaha la seexay bay oodda jabsatay, iyadoo meelay ku saxarooto adduun weynaha ka baadi goobeysa. Musqusha la tus. ha yeeshee, uma qaadan inay run tahay, oowaxay is tiri (waaba aqale sidee baa loogu saxaroon karaa.)
Iridda markay ka baxday bay orod is xaabisay iyadoo baaddiye iyo meel cidla’ ah goobeysa. Waxay ogsoon tahay in hadday oroddo oooroddo ay ugu dambaysta magaalada ka bixi doonto waxay oroddaba siday filaysay noqotay, taasoy ban cidla ah u baxday.
Kaligeed maahee magaaladuba aad bay banaanka hareeraha ka xiga u isticmaashaa, guud ahaana musquluhu way ku yar yihiin. Markii roob da’o geedaha ama cawska magaalada dhinacyadeedu aad bay u baxaan una tanaadaan, jinidda iyo caafimaad xumada ka imanaysa laysma weydiiyo.
Maryan waxaysan meesha keensan inkastoo lagaga weyna inay guniga soo garan doonto iyo in kale, goor damboy ladan tahay ayay dib u soo laabatay iyadoysan sumad iyo tilmaan midna u kala lahayn magaaladu. Isku mid, midab, malluug iyo magac bay guryuhu u wada lahaayeen. Habowgii hore mid kala xigay oo Maryan mar kalay gacan u baahatay. Magaalada hareeraheeda dhurwaa iyo libaaxba waa laga helaa. Dhanay magaaladii ka abbaartay garan wayday. Wax kale iska daayo sinaba u garan mayso meelahay soo martay. Dhaxani may jirto kuleylse waa jiraa oo waa kaad cirku kacaansanaa. Daruura biyeysani waa buuxaan qaar ayuunba ka hillaacayaa.
Intuba inta ka dhaqso lehe, Maryan oo siddeeddii yaabban; meel bannaana taagan iyadoo is leh haddaad guryahan ku dhawaatid armaad dembi ka gashaa ayaa cirku soo gootay isagoo yalka, hillaaca iyo onkodka ama madkaraba-shaduu turayaa wax kale yihiin. Dhibicda kadhacaysa xooggeedu wuxuu wax yeelayaa dhagxantiyo cidda naf cidla u taaganna iskaba daayoo. Cirkii wuxuu da’ayey muddo dhowr saacadood ah isagoon kala go’ lahayn dabayl dhaxan beergooyo ah wadataana u dheer tahay.
Maryan iyadoo dhibicdiina dusheeda ku tagtay dhaxantiina ku cashaysay walowba ay weli dhacayso ayay qabow galay iyo iyadoo awalba aad u itaal darrayd darteed waxay bilowday inay kalyaha ka booddo, ilkeheeduna sidii dawaar qof toli yaqannaa shubayo u ciyaan afka iyo sankana duuf iyo dhareer ka shubto. May garan guryahay gabbaadso oo wayba ka baqday. Way togantey oo sidii gurma go’an kol hore qallaley waxay ku qodbanaatay goobtay caawoo dhan taagneyd.
Magaaladu way huruddaa, dadyow inta gurigu ku darrooray ama biya u soo galeenoo iska asturaya mooyaane.
Odaygii iyo afadiisii baa markii dabaysha xoogga lihi dhacaysay waxay dareerneen irridda furanee is garaacaysa. Afadii baa inta soo kacday aragtay irridda. Way fahantay in yartii maqan tahay waxa furayna ayan tuuga ahayne iyadii baxday tahay. Waxay ka gaabsatay inay ninkeeda u sheegto iyadoo is lahayd wuu daallan yahaye waxba ha dhibin darteed.
Maryan iyadoo sidii u leeleesan goobtiina taagan ayaa waagii dusheeda ka beryey wadaaddadii addimayey ayay mooddey dad isu qayshanayee iyada baadi goobaya. Waagii bariyoolIa soo wada dardareer. Dadka meelaha marmarayey way arkayeen Maryan waxayse u hasteen inan yaroo dab iyo wax la mida dooneysa. Mar dambaa naag dhawr kol taagnida Maryan isha ku dhufatay gurigeeduna meesha yahay yare shakiday oy istiri qofka maxaa meesha ku dhidbay. Haddaba way la ahaan weyday inay inta u timaaddo wax weydiiso.
Maryanna meeshii ka dhaqaaqi weydey oo wayba togtogantay mabana dhaqaaqi karayso ilaa ama la qaado ama la diiriyo, naagtii aragtayna u iman weydey. Dadyow kalaa iyana arkay qofkan meesha ku dhidbane aan dhaqaaqayn.
Mar danbe, inkastoon weli lays weydiin ayaa naagtii dadka u hor aragtay intay soo dhaqaaqday Maryan u timid. Intay isa soo agtaagtay bay tiri, “Haye gabadha,bal iska warran, xanuun miyaa ku haya?’
Maryan in yaroy indhaha wax ka eegayso mooyaane dhaqaaq iyo hadalba waa deysay. Naagtii baa waxay aragtay in qofta lahayo si kastaba ha loo hayee. Aragtay inay tahay qof baadiye ka yimid; weliba mid fog oo dharkay qabtiyo saansaankeedaa laga garanayaa. Naagtii intay yare naxariiso is tiri bay damacday gacanta qaboo inta meel fariisisid wax ku qabo. Ay qabatayba waxay dareentay siday u qabowdahay una dhaxamaysan tahay. Intay isku duubtay bay u garab gashay dhankii gurigeedii. Meel bay inta fariisisay shaah kulul faraha ka saartay.
Maryan oo gacmeheedu dhaqaaq gab ku dhow yihiin xanuun dheeraadna ka tirsanaysa ayey fadhigii la fariisiyey shaahii qabso maagtay markaasuu ka fara baxay. Aad buu ukululaa, kubabka iyo caguhuna kaga daatay, markaasey wax dareentay. Naagtii ayaa inta aad u naxday waxay la soo carartay sonkor iyadoo meeshii shaahu kaga daatay ka marmarinaysa. Awal bay nabarro iyo xagtimo tiro badan meeshaas ku lahaydoo dhaawaceedu ma yarayn.
Mar labaad baa shah loo soo shubay oolooma sii deyne inta loo qabtay la cabsiiyay. Waxaa kaloo agteeda la soo dhigay burjikadii reerku quraacda ku karsanayey si loo kulaalsiiyo dhiigguna ugu diirsamo. Waxaa yaab lahaa duufka sanka ka da’ayey badnaantiisa iyo sidii qabowgu ugu tagaye ay u gariireysay. Mudday qaadatay nolol ku soo celinteedu, inkasta oo wax nolol la moodey ku soo noqotay. waxaa dhacday inay humbuluuluqday hurgunna asiibay. Waxaa taa ugu wacnaa iyadoo oogadeedu aad u wasakh badnaydoo ayan muddaba qubeysan laga baayee dhalatayoo in ayan Maryan roob mar uun ku daa mooyaane ayan qubeysanin iyadoo jirkeedu tabar gabay, iyo weliba nabarro iyo dhaawac horoo qarfadii iyo oodday soo jibaaxday gaarsiiyeen qabtay.
‘Alla tani mid nool ma aha way dhimane yaa u dadoo aan la doonaa’” Afadii soo qaadday baa tiri’
Maryan way maqlaysaa hadalka iyada u dhacaya, markaasay iyadoo gocanaysa dhibaatooyinka horay u soomaray bayan haddana ugu muuqan meel ay wax ka tiraahdo iyo cid sidaa uga bihinbihaysa dhibta haysata aragtay inay xabaal mariwaa tahay-Qadarro badanna ka soo noolaatay, sidaa daraaddeed, iyada waxa naagta ka nixinayaa dhib sidaa u weyn lamaba aha. Markaa inta si walba naftii ugu soo noqotay bayan wax sidaas ah tabanayn, aan ahayn qalada magaalada ay ka qaloonayso xanuunka dabku gaarsiiyey iyo ciirsi la’aanta la soo gudboonaatay, inkastoo cid alla ciddii kaloy la kulantaaba u dhaanto aayadeedii bahaláha siisay.
Xanuunkii baa marba marka ka dambaysa ku soo kordhayey, ilaa ay cagihiiba dhulka dhigi weydey oy sidii ruux curyaan ah meel iska qotonsatay. Waxay soo baxday yatiin isha uun ka mirigsiinaysa. Reerkay la tiil may ahayn reer sidaa ula socda faa’iidada daaweynta iyo la dagaallanka jirrada iyo weliba iyagoo Maryan u arkayey qof aan sidaa u sii ridneyne micna daran.
Maryan muddo ayan hadlin baqdin iyo sheex dartii. Dhibaatana waxa timid markay sidii horayba u dhacday musqul u baahatay. Aragtay inayan socon kareyn, danina ayan ka fursanayn inay ciidan gacan qabtee ifka geeya hesho, walowba ay aad u fiigsanayd afadii horayba u soo kaxaysay ayaa ilaa iyo markaa aad isugu taxalujinaysay bal inay u qabato ugu yaraan waxyaalahay tabanayso. Haddaba wax bay weydiisaa inay cunto rabto, biyo, dhaxani inay hayso.
Maryan meeshay reerka ka deggeneyd waa meel aad urasanoo qashin badan, had iyo goorna aan digaag fagta, dabacaddeeye cayrsanaya iyo mukulaalo laga waayin, waa meel u dhexeysa jikada iyo guriga intiisa kalee balbalo ah laba saddex jiingadoodna saaran yihiin; markii reerku marti qaad qabo iyadaa sida badan wax lagu karsadaa oo had iyo goorba waxaan laga waayin dambas, jaqafyo iyo waxyaaio laysaga tuuro.
Maryan baa inta adkaysan weyday, iyadoon wax hadal ahoran sidii rneesha loo dhigay, waxay tiri,
“Eeddo. wax ifka ii garab galaan rabaa xaggee baase loo if tagaa?”
Islaantii awalba xannaaneysay ayaa markay aragtay inay hadlayso inta faraxday oosoo booddey si fiican u maqashay hadalkay leeday. Waxba umay kaadine intay kor u soo hinjisay bay u garabgashay xaggii musqusha. Islaantu waxayan dhab ufahmin ujeeddadii weyneyde Maryan lahayd ee ahayd “xaggee loo If tagaa”, isma ay lahayn qoftani musqusha ma taqaan.
Waxay sii walwaasho iyadoo raadka meelahay dhigto dhacaan ku sii dhaafaysa cud iyo wasakhna ka sii qaadanaysa ayaa ugu dambeyn Maryan waxaa la geeyey meel, musqul loo yaqaane qol yaroo dusha ka furan ah, dhererkiisuna uunan sidaa u ridneyn. Waa ciriir darbiyadiisu soo kooban yihiin, qof dibadda joogaana hadduu maago inuu soohanqaloocsado ay u sahal tahay aragtida waxa gudaha yaal ama jooga. Afadii Maryan sidday iyadoo is leh, way garanaysaa isticmaalka goobtaas bay -markay ku hubsatay gudaha Maryan dibadda isaga baxday.
Maryan oodhinacya badan laga hayo oo musqushii ama qolkii yaraaye aan dedneyn, godkunaka dhex qodnaa, dhex joogta is aragtay. Iyadu dareentay in wax meesha loo keenay ay tahay if-tag. mase ayan garan habka loo isticmaalo. Dhinacyadey eegeegtay. Waxay aad isugu dayday mayan gafine sida loo baahan yahay ay yeesho. Cabbaar bay kafirirsanayd. Waxay indha-indhaysaba mar uun bay dareentay godka qolka ka qodan. Way daymootay oointa aad u sii qooraansatay indhaha kusii fagiijisay ilaa madasa kala soo booddey bay tiri, “Hah weynaa. reerku meesha ma wax bay kuqurunsadaan. mise waaba ceelkay ka cabbaanoo ka biiroobey. Dhan ay wax yeesho iyadoo garan la’, dad kalena meesha in muddo ahba sugayeen, baa afadii meesha geysay inta shakiday waxay damacday inay albaabka ku garaacdo mise maba xirnoo waa siday iyadu hore ugaga tagtay waysoo riixday. Ay taabanaysay maahee wuu u furmay.

Maryan baa inta adkaysan weyday, iyadoon wax hadal ah

is that it?
ReplyDelete