QURBO IYO QOOMAMO JACAYL
Qeybta
Koowaad.
Xanuunka
Jaceylka Qurbaha
Filsan waa gabar somaliyeed. Waxeey ku
dhalatay somalia, Intaa kadib Filsan reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya.
Filsan Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Filsan markeey jirtay 18sano
waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga
saaray kaarka ehelkeedi ay kula jirtay. Walalaheedii waxa ay aadeen Yurub. Mudo
yar kadib Filsan waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu ay ku yartahay.
Marka ay mudo yar marekanka joogtay baa Filsan waxaa ka helay wiil magaciisa la
yiraahdo Fahad. Filsan waxa ay aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin
iyo dabeecadba Alle u dhameyay. Filsan Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabeecada
wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo
kale Fahad wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan.
Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Fahad muda
badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa, ilaa heer uu go'ansaday in uu wadamo
kale u doonto gabar. Balse nasiib wanaag Fahad marka uu arkay Filsan wuxuu la dhacay
degnashaheeda iyo quruxdeeda. Fahad si wanagsan buu waxa uga codsaday Filsan in
uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Filsan
xilgaa waxa ay la degneyd qoys ay isku barteen kenya. Hase yeshee Fahad baa waxa
uu u qaatay filsan in ay qoyskaa ka dhalatay. Filsan marna uma aysan shegin
Fahad ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay fisan waxa ay ka Soo jeeday qabiil
la heebsooco. Intaa kadib Fahad gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer wuxuu
gaaray in uu seexan waayo asigoon codkeedi maqlin. Fahad mar walba uu tukado
waxa uu ku duceyn jiray Filsan, Allena waxa uu ka barin jiray in u calaf ugu
daro. Sidoo kale wuxuu u gadi jiray hadiyado, hadiyadaha u ugaday waxaa ka mid
ahaa Gaari Nooca Loo Yaqaano Toyota
Camry iyo silsilad dahab oo uga dalbay Dubai. Fahad mar walba waxa donayay inuu
arko farxadeeda iyo qosolkeeda. Wuxuu Filsan ka ilaalin jiray in ay marna
murugooto maxaa yeelay jeceylka uu u qabay baa aad u weynaa.( Alle jaceyl
Xanuun badanaa).Hadey xanuunsato ma uusan sexan jirin ilaa u ka hubsado
xaladeeda. Sidoo kale Filsan iyana dhankeeda waxaa saameeyay jacaylkii Fahad uu u Qaaday , Filsan Jaceylkeedu wax uu ahaa mid si xad dhaf ah u saameeyay nolasheeda isla
markasna waligeed aan so marin jacayl noocaan ah ,hase ahaatee Fahad ayaa waxa uu filsan darensiyay naxriis kalgaceel, sidoo kale waxa
uu tusay kalsooni weyn. Filsan baahida reerkedi waxaa tiray oo waqti walba iyo wax walba ay u baahato Fahad
beey ka heli jirtay. Intaa kadib Ninkii Fahad
ahaa ayaa jacaylkii isla hayn waayay Durbadiina waxa uu goaansaday in uu Filsan u jeediyo codsi guur ah amaba uu
ka codsado in uu guursanayo Fahad ayaa islamarkiiba ku dhaqaaqay Goaankii una
Sheegay filsan in uu guursanayo. Filsan baa arintii waxeey ku noqtay lama
filaan, kadib baa waxa ay dhahday waqti aan uga soo fikiro isii. Maalmo kadib
waxa eey ku fikirtay in eey u sheegto ehelka eey kasoo jeedo inta eeysan
ogalaan guurkiisa ka hor, balse jaceylkeedi baa ka tan badiyay. Intaa kadib
Filsan waxa eey go'aansatay in eeysan u sheegin qabiilkeedi iyadoo ka carareyso
in uu dhaawac soo gaaro jaceylkoodii. Fahad mar walba waxa uu kula kaftami
jiray qabiilka uu u qaatay in eey tahay Filsan. Qalbiilkaas waxa ahaa qoyskii
eey la deganeyd, ee ayadu ma eeysan aheyn Qabiilkaasi.
شاركها !
No comments:
Post a Comment