Qeybta
Sadexaad.
Bur-burkii
Qoyskii Quruxda Badnaa
Gabdhihii xafada soo degay mudo badan
waxeey ku maqnayeen baritankii Filsan iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan
dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Filsan ka dhalatay qabiilada
Somalidu ay heybsocaan. Sidoo kale waxa ay isugu warameen in Filsan ay
qiyameeysay Fahad. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo ay isu guursadeen iyo
jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxa ay ka masereen sida lamanahaan ay
isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah
Fahad aad beey uga xumaatay arintii, waxa ayse dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku
qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Filsan ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci
lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay
qoyskii uu Fahad ka dhashay oo markaa ku nolaa UK
iyo Canada.
Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxa ay is
waydiiyeen side ay ku suurtoobi kartaa arintaan, isla markaana u
fahmay mid been abuur ah. Balse gabadhii reerka
dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan baarayay mudo
dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco,
ehelkeedina sifican loo yaqaan. Qoyskii ayagoo fajacsan ayaa markale isweeydiyay, Gabadhani miyeey
sixirtay Fahad, waxeeysa dhaheen Fahad lagama yaabo in uu guursado qabilkaa
asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Fahad, ayagoo waydiiyay , Gabdha aad guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Fahad waxa
uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Fahad waxuu
wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu
baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Fahad
marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jacayl
baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Fahad wuxuu ahaa
nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen,
war gabadhaa guursatay waxa ay ka dhalatay qabiil laheybsooco. Miyaad walatay
Fahadoow. Fahad baa dhahay, waxaad shegeysaan suurta gal ma ahan. Waxa ay ku
adkeeyeen in uu wareeysto filsan oo ah gacalisadisa qaaliga ah
mana uu rumaysan arintaasi. Fahad gurigiisa marka uu aaday kadib, waxa uu u yeeray Filsan waxuusa dhahay, Filsan waxaan
maqlay in aadan aheyn qabiilkii aan kugu bartay oo aad tahay qabiil
laheybsooco. Filsan weey naxday, hadalkii ayaa ku dhegay, markiiba waxa ay
ogaatay in gabdhihi deriska la ahaa eey Fahad u warameen. Kadib baa waxa ay
dhahday, “Hadii aad qabiil igu guursatay, anigu qabiil ay Somalidu heeybsocaan
baan ka dhashay, Balse hadii aad Jaceyl igu guursatay waxaan ahay Filsan tii
aad shaley jeceyld”. Feysal baa fajacay wuxuu xasuustay hadalkii ay qoyskisii ay
ku lahayeen in uu run yahay. Intaa kadib Fahad talaa ku cadaatay, fakar buu
bilaabay. Filsan na weey calool xumaatay oo weey ilmeeysay ilaa indhaheedu
casaan noqdeen, oo hadal baa kasoo bixi waayay. Weey isku yar- yaraatey, waxaa
qalbigeedi kusoo noq noqday dardarankii aabaheed.
شاركها !
No comments:
Post a Comment