Shalaay Ma Horeyee Waa Danbeyaa
fahad intuu xabsiga ku jiray, aad buu u ba
ba’ay. Aragiisu waxa uu noqday mugdi, Isbedel weyn baa ku dhacay, waxa uu
noqday madluum aan hadlin. Waxa uu ka go’ay cuntadii, aad buu u catoobay, heer
dadkii eey garan wayeen muqaalkiisa. Fahad Maxkamad baa lasoo saaray. Qoyskii
uu ka dhashay baa lacag badan ku bixiyay lowyar aad qaali u ah, si looga
...qafiifiyo danbiga uu galay. Qoyskii baa Filsan waxa ay ka codsadeen in ay
Fahad samaaxdo oo iska cafiso. Sidoo kale maxkamada eeysan tagin. Filsan weey
ka aqbashay codsigii qoyska usoo bandhigeen, maxaa yeelay waxa ay aheyd gabar
taqaan rabigeed iyadoo qadrineysa caruurteda abahood. Hasa yeshee waxa ay ka
codsatay in Fahad uusan usoo dhawaan. Halkaa markeey arintu mareyso, lowyarkii
Fahad loo qabtay oo ahaa nin aad u caqli badan baa waxa uu ka shaqeeyay sida
Fahad looga qafiifin lahaa danbigiisa. Dadaal badan kadib maxkamadii waxa ay
go’aamisay in Fahad lagu xukumo 1 sano oo xarig iyo 3 sano oo la eegayay
dhaqankiisa(probation). Sidoo kale in uu ka dheeraado Filsan iyo carurteeda xad
dhan 100 meter. Hadii lagu arko agagaarkeeda xabsiga loo taxaabi doono su’aal
la’aan. Fahad waxa uu dhamestay 1 sano oo xarig ah, oo aad u rafaad badan. 1dii
Sano uu xernaaa Fahad wax xariir ah ma uusan la yeelan Filsan iyo caruurtiisa.
Fahad markii uu xabsiga kasoo baxay kadib, waxa uu wareegay gobol kale o aanan
aheyn gobolki Filsan ay ku nooleyd. Ayaan mar ka uu nastay waxa uu isku deyay
in uu xariir la sameyo caruurtiisa iyo Filsan. Fahad waxuu wacay Filsan, hase
yeshee Filsan marki ay maqashay codkiisa, Telefonka wa uu ka dhacay iyadoo
dareemeyso xanuun gudaha qalbiga ah, wadnaha gariiray oo dhidid baa ka yimid,
talefoonka wa ay ku damisay.{Nin aduunyo jogoow maxaa aragti ku laaban} waxeey
is tiri oo muxuu iga soo wacayaa, wa ninkii sidaan ogaa ii galay. Markiiba
waxeey la xariirtay qoladii talefoonka si eey u bedelato talefon numberkeeda.
Fahad wa uu dereemay in Filsan ay wali iloobin waxa uu ku sameyay. Fahad Waxa
uu is weydiyay side u raali gelisaa Filsan. Fahad wuu murugooday wuuna wel
welay. Qof markaa arintaan qibrad u leh oo la tashto ma uusan helin. Fahad
noloshii baa cariiri ku noqotay hurdo la’aan iyo nasasho la’aan. Fahad
qalbigiisa mar walba waxaa kusoo dhacayay caruurtiisa iyo filsan aad, buu u
shalaayey isagoo mar walba donayay in uu wanagii iyo walaalnimadii Filsan soo
celiyo. Balse qalbi jabay sidee lo so celiyaa. Fahad waxa uu ogaaday in Filsan
talefonka eey ka bedelata. Markaas kadib waxa uu direy ergo si uu ula hadlo
kaliya. Ergadii baa Filsan u tagtay.
شاركها !
No comments:
Post a Comment