53 sano kadib ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka howlgalay Mootooyinka Sadax Lugoolayaasha ee lagu magacaabi jiray Taxi Abbo, kuwaasi oo xorriyaddii dalka ka hor ka shaqeynayay magaalada Muqdisho oo qaab taxi ay dadka u isticmaali jireen. Mootooyinkan Sedaxda lug leh ayaa dadka Muqdisho qiimo jaban ay ku raacaan, iyadoo qabab kala duwan ay ugu shaqeyso, waxayn inta badan ay ka shaqeeyaan wadada wadnaha ee xiriiriya Suuqa Bakaaraha iyo degmooyinka kale.
Qiimaha lagu raaco Taxi Abbo ayaa waxay aad ugu hooseysaa qiimaha Takaasida iyo sidoo kale waxaa loo isticmaalaa sida gaadiidka BL-ka oo qiimo ahaan aad ugu hooseyso
Waxayse dadka ay aad u jecel yihiin iney kireystaan sida Taxi, oo qiimo ku raali geliya kugu geyneysa halka aad ka rabto Muqdisho. Inta badan Sedax, Sedax ayaa loo raacaa.
Gaadiidkaan aan ku cusbeyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa si xoogan looga isticmaalaa deegaanada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sida Jigjiga, Diradhabe iyo magaalada Addis Ababa oo iyadana laga isticmaalo.
1960-kii ayaa magaalada Muqdisho laga isticmaali jiray iyadoo isticmaalkeeda uu u danbeeyay markii Dowladdii Kacaanka xukunka dalka la wareegtay, waxaase dib loo arkay 53 sano kadib Muqdisho oo nidaam kasoo bidhaamayo.
No comments:
Post a Comment