Qiso Cajiib ah: Gabar hooyadeed ka dalbatay in ay u fasaxdo Zinada, Hooyadaasi maxey sameysay?!

















Gabar kasoo jeeda dadkii hore ee carabta ayaa la sheegay in ay hooyadeed ka dalbatay in ay u fasaxdo Zinada, ama galmoodka xaaraanta ah ee aan guurka ku saleysneyn. Balse hooyadaan oo aheyd mid xikmad badan ayaa sameysay arinaad u yaab badan oo ay shuruud uga dhigtay gabadheeda, hadii aydooneyso in loo fasaxo Zinada. Hooyadii ayaa tiri: Gabadheydiyeey hadii aad dooneysid in aan kuu fasaxo Zinada oo xaaraan ah diin ahaan, sidoo kalena fool xumo ah oo faaxisho laga dhaxlo, cuduro badana ay ka dhashaan, balse hadiiba aad dooneysid in aan kuufasaxo, waxa aad sameysaa shuruudahan aan kugu xujeyn doono. Gabadhii ayaa tiri: Haye ii sheeg shuruudaha. Hooyadii ayaa tiri: Waad baxeysaaberi subax waxaadna istaageysaaguriga boqorka iridiisa, marki aadaragto in uu boqorku soo baxayo,waxaad isku tuurtaa dhulka, kadibna wixi aad kala soo kulantoigu soo celi. Gabadhii ayaa baxday sidii ayeynasameysay, boqorkii ayaa arkay gabadhii oo dhulka ku dhacday, wuuna usoo orday dhulka ayuunaka qaaday, gabadhii ayaa iska dhigtay wax soo naaxay, weyna umahad celisay boqorkii, gurigii ayeyna kusoo laabatay si ay hooyadeed ula socod siiso sida qorshuhu kusoo dhamaaday. Gabadhii ayaa hooyadii uga sheekeysay wixi dhacay, balse hooyadii ayaa mar kale ka dalbatay in ay subaxda labaad sidii oo kale sameyso. Gabadhii ayaa isla sidii sameysay, balse markaan boqorkii laf ahaantiisu ma uusan soo aadin gabadha, ee waxa uu usoo diray wasiirkiisa koowaad, kaasoo gabadha dhulka ka qaaday. Gabadhii ayaa markale hooyadeedu xog warantay, hooyadii ayaana subaxdii sedexaad ka dalbatay gabadheeda in ay isla arinkii sameyso, gabadhiina wey sameysay, balse markaana waxaa loo soo diray ninkii guriga ilaaliyaha ka ahaa, boqorkii iyo wasiirkiina wey iska indha tireen gabadha. Gabadhii ayaa hooyadeed u sheegtay arinka, balse hooyadan oo xikmad damacsaneed ayaa mar afaraad ka dalbatay in ay isla meeshii ku noqoto oo ay isla sidii sameyso, Gabadhii ayaana yeeshay taladii hooyadeed, balse tookadan waxey la kulantay wax la yaab leh, kadib markii ilaaladii gurigu ay gabadhii laad iyo jir dil u geysteen, maadaama ay caado ka dhigatay ficilkaan la yaabka leh,ayagoo waliba ku dhega hadlay kuna jees jeesaya. Gabadhii oo madluunsan ama murugeysan ayaa usoo noqotay hooyadeed, mana aysan u sheegin wixi maanta kusoo dhacay, hooyadii oo garatay in xaalku sidi hore ka duwan yahay ayaa gabadheeda weydiisay, maxaa kugu dhacay maanta, qorshihii aan ku direy aaway. Gabadhii ayaa ku jawabtay, mar danbe uma noqonayo meeshaas ee ii sheeg xujadi ma dhamaatay mise waxbaa ii harsan, hooyadii ayaa ku jawaabtay 3 maalin oo kale ayaa kuu harsan in aad isla sidii sameysid. Gabadhii ayaase arinkaan diiday, ayadoo sheegtay in ay maanta jir dil iyo xad gudub lasoo kulantay, aysana u noqon doonin meeshaas. Hooyadii oo gaartay hadafkii ay ka laheed arinkaan ayaa gabadheed ku tiri: Gabadheydiyeey i maqal, Zinnadu waa sidan oo kale, marka hore wax ku rabo oo kor kuu qaado ma weyneysid, marka labaadna sidoo kale ma weyneysid wax kugu sii qanacsan oo wali damac raaxo kaa leh, balse hadii aad noqoto qof la isu sheego oo Zinada caado ka dhigata, ogoow sidan oo kale ayuu qof kasta dabada laad kaala dhici doonaa, ayagoo waliba kugu jees jeesi doona, maxaa yeelay karaamadaadi iyo sharaftaadi ayaad markii hore lumisay, marna hadii aad lumiso oo lagu barto, marnaba kuuma soo laaban doonto.

شاركها !

No comments:

Post a Comment