Alle SWT waxa uu Quraankiisa
Kariimka ku leeyahay “Ruuxii uu Sheydaan u noqdo
saaxiib ayaa leh saaxiibka ugu xun”. halkaasi
waxaad ka garan kartaa in nolosha ay qeyb weyn ku leedahay saaxiibada, haddii
ay saaxibada noqdaan kuwo wanaagsan waxay helayaan raali ahaansho Alle iyo
wanaag badan. Haddiise ay noqdaan kuwo xun oo isugu yeera ama ku saaxiiba
xumaan waxay hoy u noqonayaan sharka iyo halaag dhamaantiis. Rasuulkeena (SCW)
waxa uu nagu dhiirigeliye inaan yeelano saaxiib wanaagsan kana dheeraano midka
xun, ogow walaalka iyo walaasha Muslinka ahow in uu Rasuulkeenu (SCW) yiri
“Waxaa jira toddobo ruux oo Alle harkiisa gelin doono maalinta Qiyaame, marka
aanu jirin meel kale oo la harsado, waxaana toddobadaasi ka mid ah labo ruux oo
Alle dartii u saaxiibay kuna kala tegey illaa maalinta Qiyaame”. Haddaba haddii
ay sidaa tahay waxaa waajib ina saaran ah in dadka aan la saaxiibeyno ay
noqdaan dad wanaagsan oo leh calaamado wanaagsan, haddii kale akhristoo ogow ruux xun oo aad la saaxiibto
uu kaliya kuu horseedayo “hoog iyo halaag”. Sidaa darteed ayaan walaalayaal u
arkaa muhim inaan wax iska xusuusino astaamaha saaxiibka wanaagsan iyo kan xun.
1. Saaxiibka Wanaagsan iyo
Calaamadihiisa -Walaalayaal
saaxiibka wanaagsan waa midka dhaqankiisu wanaagsan yahay oo had iyo jeer kuugu
yeera wanaaga kaana reeba xumaanta -Saaxibka wanaagsan waxa uu kugula taliyaa
wixii dan ay kuugu jirto waxaana uu ka hortagaa wixii aan dan kuu ahayn.
-Saaxiibka wanaagsan waa kan
kula farxa haddii aad faraxsan tahay, waxaana uu kaala murugoodaa wixii aad ka
murugooto. -Saaxiibka wanaagsan had iyo jeer waa uu ku farxad geliyaa oo waxa
uu kaaga sheekeeya wax fiican oo farxad leh. -Saaxiibka wanaagsan waxaad had
iyo jeer ku aragtaa meelaha kheyrka sida masaajidada, madrasadaha cilmiga,
goobaha waxbarashada iwm. -Saaxiibka wanaagsan waxa uu xifdiyaa sirtaada, mana
faafiyowax adiga kugu saabsan. -Saaxibka wanaagsan waxa uu qariyaa ceebahaaga
oo muujiyaa wanaagaaga. -Saaxiibka wanaagsan waa kan ku qabta (celiya) marka aad carooto oo
ku dejiya. -Saaxiibka wanaagsan waa mid naxariis badan, jilicsan oo hadal
macaan. -Saaxiibka wanaagsan waa ruux dulqaad leh aan dad kalena kaaga sheekeyn
xumaantooda.
2. Saaxiibka Xun iyo Calaamadihiisa
-Saaxiibka xun waxaa uu leeyahay astaamo xumaan
ah waana mid aan ku farxad gelineyn markasta. -Saaxiibka xun waa mid aan
salaada tukan, soomin iimaana aan lahayn. -Saaxiibka xun waa midka had iyo jeer
ku sugan goobaha xun sida Shineemooyinka, suuqyada Qaadka, buushashka Marfishka
iyo kuwa Qamriga -kuugu yeeraa xumaan sida inaad aadaan goobaha xun-Saaxiibka xun waxa uu kuugu yeeraa
xumaan sida inaad aadaan goobaha xun ama lagu sameeyo xumaanta. -Saaxiibka xun
waxa kugu dhiiri geliyaa sameynta ficillo aan Alle raali ka ahayn. -Saaxiibka
xun waxa uu kaaga sheekeeya xumaan iyo waxyaabo ku saabsan xumaan. -Saaxiibka
xun waa kan
aan marnaba lahayn xishood iyo naxariis. -Saaxiibka xun waxa uu ka hadlaa
addunyo iyo macaankeeda. -Saaxiibka xun waa kan jecel dhaqamada shisheeye iyo gaalada
kuguna dhiirigeliya inaad sameyso. -Saaxiibka xun waa kan aflagaadada badan, dadka kale ku dhaca.
-Saaxiibka xun waa mid aan aqoon naxariis iyo dulqaad, isla markaana aan
sharfin dadka kale. -Saaxiibka xun waa mid ka aan lagu arkin masaajidada iyo
meelaha kheyrka.
No comments:
Post a Comment