Haweeney Uur u yeelatay Ilmo yar!! (Sidee bay ku dhacday?)






Haweeney 36 jir ah oo Newzeland u dhalatay ayaa Uur u yeelatay Wiil yar oo 11 jir ah, kaas oo Saaxib la ahaa Wiil ay iyadu dhashay.

Sida Warbaahinta Dalkaas ay qoreen, Haweeneeydan ayaa iminka dhashay Ilmihii ay Uurka ku siday.

Lama sheegin Magaca Gabadhan, waxaase ay Wararku sheegeen inay hor joogsan doonto Maxkamad iyadoo ku eedeysan Xiriir Gogol dhaaf ah oo ay la sameeysay Caruur yar.

Ilmaha yarka ah ee ay Xiriirka la samaysay ayaa Da’diisu waxay ahayd marka ay arrintaasu dhacaysay 11 Sano, wuxuuna iminka ku jiraa Dugsiga Hoose, isagoo ay haatan Da’diisu tahay 12 jir .

Warbaahinta qaar ee arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay Haweeneydu Wiilka yarka ah ku qasabtay inuu Gogol dhaaf la sameeyo dhowr jeer ka hor inta aanay Uur ka qaadin isku tagaas dhexdooda ah. 


Wiilka yar ayaa markii dambe Maamulaha Iskuulka uga sheekeeyay waxa ay Islaantu samaynayso, sidaas ayeeyna Sheekadu kusoo gaartay Booliska.

Waxaa la leeyahay Inankan aadka u yar wuxuu sidan ku noqday Aabaha ugu yar Dalka Newzeland.

شاركها !

No comments:

Post a Comment