QURBO IYO QOOMAMO JACAYL
Qeybta Labaad.
Maalmaha Aduun Midba waa Ceyn
Filsan aad beey uga fikirtay go’aanka eey ka gaari laheyd guurka uu fahad usoo ban dhigay. Waxeey tukatay salaatul istiqaaro, Rabigeed waxa eey weydisatay guurka haduu kheir u yahay in uu u sahlo, hadusan u aheyna in uu rabbi ka leexiyo. Fahad ma uusan ka daalin in u weydiyo goaanka ay qadatay. Filsan ma eeysan laheyn qof saxib ah oo ay la tashato, Alle kaliya bay u dhibatay arinteeda. Waxa ayna ku calaacashay sida tan.
Ø alloo adigaa taladayda kuu dhiibtay
Ø tajiroow adiga turxaanbixiya amuuraha
Ø ee allow ii sahal arintayda.
Filsan waxaa xasuustayda ku soo dhacayay markasta dar daaranka aabaheed oo ahaa, “Aabe guurso qof kugu raaco diintaada iyo akhlaaqdada, marna ha guursan qof danenaayo qabiil amaba qurux”. Dar daranka aabaheed aad beey uga fikirtay mana jecleyn in ehelkeeda sameyeso go’aan eey qadatay darteed. Intaa kadib Filsan malin khamiis ah, waxeey soo toostay subax hore, waxeey dukatay salad subax, waxeeysa aqrisatay qur’aan iyo adkaar, kadibna waxey go’aansatay in eey aqbasho guurka Fahad. Durbadiiba waxa ay u dhaqaaqday sidii ay fahad ugu sheegi lahayd goaankii u ka sugayay. Filsan ayaa xiriir dhanka talefoonka aha la samaysay fahad maadama ay ahayda goor aroor ah islamarkaana ay suura gal ahayn kulan fool ka fool ah waxeyna u sheegtay in eey aqbashay arinta u usoo bandhigay. Fahad aad buu u farxay maxaa yeelay wuxuu ka wal walayay in uu waayo gabdhaan wanaagsan. Intaa kadib waxa eey ka wada hadleen gurkoodii iyo sida uu ula xiriiri lahaa ehelkeeda. Filsan waxeey u sheegtay in uu Fahad la hadlo aabaheed oo xiligaa ku sugnaa Garisa. Fahad wuxuu la xariiray abaheed. Fahad baa abihii uu ula hadlay si wanaagsan, wuxuuna u sheegay xaladiisa iyo heerka wax barashadiisa. Aabihii wuu ku qancay hadalkii Fahad wuxuuna ku dhahay, hadey gabadhaydi ku ogolaatay anigana waan ku siin, lakin wilkeeygiyoow gabadheeda waa kaligeed marna ha dayicin oo qadari sida aan kuu soo dhaweyay. Fahad baa dhahay aabe waa igu balan oo ma dayaci doono. Filsan iyo Fahad waxey go’aan sadeen guurkoodi in uu dhaco 3 bil kadib. Intaa kadib Filsan waxey u dhaxeysay guriga iyo masaajidka. Filsan ma eeysan la hadli jirin qofna maxaa yeelay waxa eey aheyd gabar xishood badan. Filsan ma eeysan dalban aroos weyn maxaa yelay ehelkeedi baa meesha ku yaraa. Intii mudadaa lagu jiray, Fahad waxa uu isu diyaariyay guur. Waxa uu dalbaday alaab fican, waxa u kireestay guri weyn. Fahad reerkisa buu arintii la socodsiyay, weyna ugu duceyeen. Intaa kadib Fahad waxa uu yarad u diray Filsan aabaheed. Abihii aad buu ugu qancay yaradkii laga siyay gabadhiisa. Abihii gabadha walayadeeda waxa uu dhibay sheikh' sidaasina ayuu sheikhii ku mehriyay. Meherkoodi waxaa kasoo qeyb galay dad badan goobtiina ayaa loogu wada duceyay. Filsan iyo Fahad waxa eey galeen nolol raxmad badan oo midkood midka kale ku qancay. Fahad jeceylkiisa in uu ziyaado ma ahee ma uusan nusqaamin. Filsan waxeey ku dadaleeysay in eey aadeecdo ninkeeda. Had iyo ajeer waxa eey ka shaqeneysay farxada qoyska. Waxa eey noqdeen lawa qof tusaale loo soo qaato sida eey isu jecelyihiin. Muda kadib filsan iyo fahad Alle wuxuu siyay 3 wiil iyo 1 gabar. Caruur qurxoon oo caafimaad qaba. Caruurtoodi aad beey u jaclayeen. filsan caruurtedii beey uga hartay wax barasho iyo shaqo. Fahad na waxa uu noqday aabe wanaagsan oo kaafiya bahidooda. Filsan waxeey ku dadaashay tarbiyada caruurteda. Sidoo kale fahad waxa uu aad uga qeyb qaatay tarbiyada caruurtisa (Waxa eey noqdeen qoys lagu deydo). Fahad mar walba uu waqti helo qoyskiisa bu farxada ula wadaagi jiray. Inteey wada nolayeen waligood waxba isku ma qaban oo waxaa ka dhaxeyay xushmad iyo wanaag.Intaa kadib waxaa xafadoodi soo degay gabdho Somaliyeed oo qaraaba la ah fahad. Gabdhihii waxey sheeko wadageen Filsan. Waxeey ka wareEsteen ehelkedii iyo qabiilkeeda (Ileen somali qabyaalad kama dhamatee). Intaa kadib filsan ba arintii waxeey la noqtay lama filaan maxa yeelay ma eysan ka filaneyn su alaha ey weydinayaan. Waxa eey ku jawaabto ayeey garan weyday. Gabdhihi waxa eey galeen baritan oo waxa eey radiyeen sida eey u ogaan lahayeen qabilkeeda iyo ehelkeeda. toloow yaa u dirsday arintaa, maxeeysa ka radinayaan qabiilkeedi.
شاركها !
No comments:
Post a Comment