DHACDO YAAB LEH

DHACDO YAAB LEH: Nin gowracay Xaaskiisa Boliskana ka dalbaday inay u Guuriyaan Xaas kale oo qurxoon

Nin u dhashay Sacuudiga ayaa waxa uu Gowracay Haweeneydiisa, iyadoo aan la ogeyn sababta oo u gowracay Haweeneydaas.
Dhacdadaas oo ka dhacday Dalka Faransiiska ayaa waxay argagax ku riday dadka deegaanka, kadib markii ay arkeen Gacan-ku-dhiiglaha oo wata mindi dhiig leh oo uu ku soo dilay Xaaskiisa iyo gacmihiisa oo dhiig ku asqeysan yahay.
Gacan-ku-dhiiglaha marka uu falkaasi geystay waxa uu xiriir la sameeyay Saldhiga, iyadoo uu qirtay inuu soo dilay Xaaskiisa, isagoona dhanka kale la xiriiray Ambalasta Isbitaal xiligaasi ka ag dhawaa Hoygiisa.
Gacan-ku-dhiiglaha oo aan magaciisa la sheegin ayaa ka codsaday Booliska in loo raadiyo Haweeney uu guursado si ay Carruurta ugu xanaaneyso isla markaana ay u wada qaatan nolol ka duwan in ay iminka ku noolayeen isaga iyo Xaaskii uu gowracay.
Sidoo kale, waxa uu Boliska Saldhiga ka codsaday in si dhaqsi ah loo quudiyo carruurtiisa oo uu ku sheegay inaysan Cunin wax raashiin ah,isagoona ku andacooday inuu ku saxnaa gowraca Xaaskiisa.
Boliska ayaa sheegay in Saddaxda Carruur oo kala ah Laba gabar iyo wiil ay argagax nafsaani ah ka qaadeen, markii uu aabahooda si arxan daro leh hortooda ugu gowracay Hooyadooda oo ay Bolisku ku sheegen inay aheyd Hooyo da’deeda u dhexeysa 25 ilaa 30-Jir.
Haweeneyda la gowracay oo la Oran jiray Rimaan Abdalla Suldan oo iyaduna ka soo jeeda Dalka Syria, ayaa waxa aysan xiligaasi heysan Walaal iyo waarid iyadoona Ninkii Gowracay ay iska heleen isla dalka Faransiiska Hayeeshee uu surka ka jaray.

شاركها !

No comments:

Post a Comment