Bunka iyo
Shaaha oo ka hortaga Xanuunada
Wadnaha ku dhaca.
Cabida maalin waliba dhawr Koob oo Shaah ama Bun ahi, waxay
ka hor tagtaa cuduro badan oo ku dhaca Wadnaha, Baaritaano laga sameeyay
wadanka Nederland oo socday mudo gaaraysa 13 sanadood ah ayaa lagu ogaaday ka
hortaga ay leeyihiin cabitaanadani. Labadan cabitaan ee dadku aadka u jecel
yahay ayaa tusmooyin farabadani tilmaamaya waxtarka caafimaad ee ay leeyihiin,
qofka maalin walba caba lix koob oo Shaah ah, ayaa la xaqiijiyay in 30 % uu
hoos u dhacayo wadna xanuun haleela, sida uu hubiyay baaritaankan oo lagu
sameeyay 40 000 qof, sidoo kale dadka caadaysta cabida laba ilaa saddex koob oo
Bun ah ayaa la ogaaday in uu hoos dhacayo khatarta kaga iman karaysa wadnaha.
Hay,ada Ellen Mason British Heart Foundation ayaa xaqiijisay in Bunku leeyahay
hoos u dhigida khataraha xanuunada wadnaha ku yimaada, Baaritaano uu sameeyay
Journal of the American Heart Association ayaa isna xaqiijiyay in dadka caba
laba ilaa afar koob oo Bun ah uu hoos u dhaco 20% khatarta ku iman karaysa
wadnaha. Dhamaan baaritaanadan ayaa waxa ay ka midaysan yihiin in cabida Shaaha
iyo Bunku ay hoos u dhigayso in uu kugu dhaco wadna xanuun, si kastaba waxa
khubarada Caafimaadka ku xeel dheeri isaga mid yihiin, in caafimaadka dadka ay
door ku leeyahiin cunada iyo cabitaanka uu caadaysto.
No comments:
Post a Comment