Qatarta Soo Wajahda Dadka Isticmaala Samsung Galaxy S4 (Aqriso Qisadani Cajiibka ah)







Nin ku cayaarayay Telfoonkiisa oo Samsung Galaxy S4 ahaa ayaa wuxuu mar qura la kulmay Qarax xoogan oo Telfoonka ka dhashay, kaasi oo sababay inuu Gurigii uu Ninku ku jiray Dab ka kaco, isagiina uu sidaas ku waxyeeloobo.
Ninkan oo la yiraa Dod ayaa sida Warbaahinta Mareeykanku ay qortay wuxuu ahaa mid fadhiya oo ku cayaaraya Telfoonkiisa xilligaas oo mar qura uu Qaraxu dhacay.
Waxaase yaab iyo kadis noqotay markuu Ninkan Dod la yiraa Telfoonka ku tuuray Sariir agtiisa ahayd, dabadeedna si deg deg ah ayuu Dabku ugu faafay Sariirta, halkaas oo markii dambena uu Dabku Gurigoo idil iyo xitaa Gaari uu Ninku lahaa ku qabsaday.
Dod iyo Xaaskiisa ayaa ka cararay Dabka, balse waxaa soo gaaray Dhaawac fudud, iyadoo Ciidamada Dab Damiskuna ay 30 Daqiiqo ku qaadatay inay baqtiijiyaan Dabka ololayay.
Waxay Dab damisku sheegeen inaanay jirin wax Tuhun ah oo laga qabo inay Dhacdadani xiriir la leedahay Fal Dambiyeed, balse Baaristu ay xaqiijisay in Sababta ugu wayn ee Dabkan dhalisay ay tahay Telfoonka oo Qarxay.
Dod oo ah Ninka dhibaatadu ay qabsatay ayaa sheegay in Telfoonkiisa Galaxy S4 uu watay Battery Asal ah, isla markaana uu u adeegsanayay Charger Asal ah, kaas oo uu soo iibsaday Maalmo yar ka hor inta aanu Telfoonku qarxin.
Waxaa la sheegayaa in Samsung iyo Apple Telfoonadoodu ay horay dhowr jeer Dhacdooyin Ceynkan ah u sababeen, inkastoo ay arrimahaasi Salka ku hayeen Adeegsiga Battery-ga ama Charger-ka oo aan Asal ahayn.

شاركها !

1 comment: