ILA QOSOL








Sheekada (1)
Waa baa 2 nin oo saxib ahaa ayaa waxay kala maqnaayeen in muddo ah. Kadib waxay iskaga hor yimadeen meel wado ah. Markasay isku naxeen farxad darteed. Midbaa salaamay ninkii kale ee saxiib-kii ahaa, wuxuuna ku yidhi: “Sxb ii waran”. Kii kale ayaa ugu jawaabay: “Nabad sxb” Markale ayuu ku yidhi: “Sxb Aabo iiga waran?” Wuxuu isla markiiba xasuustay inuu Aabihii dhintay. Wuxuu is yidhi saxiibka waad ka nax-isee ubadal su’aasha. Wuxuuyidhi: “Sxb Aabo wali ma xabaashii ayuu ku jiraa?” Kii kale ayaa gartay oo is yidhi saaxiibkaa waxba haka nixi-nee uu qaldamee. Wuxuu ugu jawaabay: “Sxb mayee wuxuu u guuray mid ku xiga” .... kkkkkkk
Sheekada(2)
nin tuugsade ah ayaa habeen habeenada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yidhi "Liiiiibaaaan” waxay ku yiraahdeen "Allah ha ina siiyo" Markaasu yidhi "Xitaa jab roodhi ah oo qalayl ah maad isiisaan" Markaasay yidhaahdeen "Ma haysano" Markaasu yidhi " Xooga hadh-hadhaa ahna maa isiisaan" markaasay yidhaahdeen "Ma awoodi karno" Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yidhi "Hadaba koob biyo ah isiiya" Hase ahaate waxay ku yidhaahdeen "biyo nooma yaalan" Kolkaasu ku yidhi "Waa maxay meesha aad fadhidaan, ina mariya aan wada tuugsanee illeen idinkaa

iga mudan in la tuug-sadee"…. Kkkkkk.

شاركها !

No comments:

Post a Comment