Maqaalkaan waxa eynu ka faaleyn doono inbadan cudurka looyaqaan waraabowga oo ah cudurada lays qaadsiiyo .
Waxa uu yahay, waxa sababa, iyo heerarkiisa kala duwan.
Cudurka waraabowga waxaa uu ka mid yahay cudurada lagu kala qaado
galmada , Cudurkan ayaa ka mid ah cudarada ay sida ba’an ugu le’daan dadyowga
wa-damada Africa ee saboolka ah, tusaale ahaan hadaan usoo qaadano tirakoobkii
ugu dan-beeyay ee ay sameysay hay’ada caafimaadka aduunka (WHO) ee ku sameysay
cudurka waraabowga iyo sida uu uga jiro wadamada Africa ayaa ah mid muujinaaya
faraha ba’an ee uu cudurkani ku hayo dadka reer Africa.
Wadamada Africa oo uu cudur-kani aadka ugu badan yahay ayaa waxaa
ka mid ah, Itoobiya, Kenya, Yugaandha, kamaruun, Musanbiig, burkiinafaasko iyo
wadamo badan oo kale, sanadkii 2001 oo keliya dad gaaraya 6103 qof ayuu
cudurkani ku dhacay dalka mareykanka waa sida ay Xarunta baarista, ka hortaga
iyo xakameynta cudurada ee dow-lada mareykanku ku warbixisay.
Dadka soomaalida ayaa ka hey-sta fikrad qaldan waxaa uu yahay
cudurkani oo aaminsan in qofkii ay xoogaa dabeecadiisu ama la dhaqankiisa dadka
wax si ka no-qdaan in uu qabo isfiilito, dadka qaarkiisa ayaaba u arka faan oo
kugu oranaya war ninyahow is-fiilito ayaan qabaa oo markii qof ila hadloba
gacanta ayaa iga soo horeysa, hadaba arintu sidaa ma ahan cudurkana waa mid
khatar ah oo ay tahay in ALLAAH laga magan galaa.Mar hadii aynu aragnay
warbixinahaas ku saab-san cudurka waraabowga, fikrada qaldan ee dadkeenu ka
aaminsan yahay, miyaysan nala gud-booneyn in aan wax ka niraahno waxa uu yahay
cudurkani, Bag-teeriyada keenta, maraaxisha uu maro bukaha qaba cudurkani,
qaababka loo baaro iyo siyaa-baha loo daaweyo cudurka waraabowga (syphilis).
Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa sababa nooc ka mid
bag-teeriyada ka mid ah oo loom yaqaan Treponema pallidum. Cudurkan
waxaa lagu kalan qaadaa 1- Galmada 2- Hooyada cudurka qabtaana waxay u gud-bin
kartaa ilamaheeda 3- sidoo kale waxaa jermiska cudurkan keena la isugu gudbin
karaa qofka oo si kama ama kas ah u taabta nabraha ama boogaha ka soo baxa
bukaha qaba cudurkan, si kastaba ha ahaatee 90% cudurkan waxaa lagu qaadaa
gal-mada.
Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa u maraa sadex marx-aladood oo
kala duwan lehna si-fooyin iyo calaamooyin kala gaar ah , hadii aan la daaweyn
dhiba-naha cudurkan qaba waxaa dhacda in uu u nafwaayo cudur-kan dartiis, bal
aan mid mid u eegno marxaladaha uu maro bu-kaha cudurkan qabaa iyo calaamadaha
u gaarka ah marx-alad walba.
Maraxaladan
oo ah marka ugu horeysa ee uu dhibanuhu cudurkan
MARXALADA KOWAAD EE WARAABOWGA (Primary Syphilis).
qaado ka dib marka uu la galmoo-day buke cudurka qaba, in ka badan
95% dadka uu cudurkani ku dhaco ayaa waxaa ay muujiyaan Nabar adag oo aan
xanuun laheyn oo ka soo baxa xubinta taranka ee raga ama dumarka, nabarka
noo-can ah ayaa waxaa loo yaqaan 'nabarkii adkaa" (HARD CHANCRE), sidoo
kale waxaa suura gal ah in uu nabarkani ka soo baxo oogada sare ee xiniinyaha
(scurutum), labada dibnood ee xubinta taranka dumarka (labia), malawadka
(rectum), faraha iyo afka.
Nabarkan waxa la arkaa mudo u dhexaysa 10 ilaa
90 maalmood laga soo bilaabo maalinta ugu horeysa ee uu bukuhu qaado
bag-teeriyada sababta cudurkan.
No comments:
Post a Comment