Wadan Iyo Muwaadin


















Qof walba marka uu dhasho waxa loo bixiyaa magac, magacaas waxa u doora ehelkiisa, hanoqoto hoyadii, abihii ama walaalihiiiba. Laakin waxa jira magac kale oo aan xambaarsanahay magacaas oo ah magaca wadan kaaga adi-gana kaadhiga muwaadin udhashay wadankaas. Taasna waxa uu muwadinku ka helaa xuquuqdiisa muwadinimo ba-dalkeedana waxaaan gudnaa waajibka wadanimo. Markaa hadaba la sheego “ Wadan” isla markaaba waxa maankaaga ku soo dhaca “Muwaadin”. Laakin su`aasha iswaydiinta mudan ayaa waxa ay tahay : -Waa maxay Wadan? -Waase kuma Muwaadinku? Wallow aynaan jirin jawaab la isku waafakhsan yahay, hadana waxa jira macno guud oo heshiis lagu yahay. Wadan waa heshiiis bulsho kuheshiiso dhul cayiman taas oo ay guteen waajibaadkiisa kana helaaan xuquuqdooda iyada oo danta guud laga ho-rumarinaayo danta gaar ahaaneed. Wadan waa meesha aan ku dhalanay una dhalanay , ku barbaarnay wax ku baranay, aaan doonayno inaan ku dhisno mustaqbal, kuna rumayno riyadeena kuna dhimano, una dhimano difaaciisa. Wadan waa sida “Nasab” oo kale aan ka soo jeedno kuna abtirsano, ku faano, jac-aylkiisuna yahay waajib, waayo wadaninimadu waa mabda muqadas ah kuna dhi-san mabda’a odhanaya (hadiiwalba) balse aan ku dhisnayn mabda`a ah. (hadii) tusaale ahaan wadanku waa shirkad oo kale muwadinku shiraako ku leeyahay. Hadii la faaiido lawada faa`iidayo, hadii la khasaarana lawada khasaarayo taas ayaana siisa wadanka muqadasnimada iyo saraysiinta maqaamka uu taa-gan yahay wadanku. Waa ayo Muwaadin ? Qof walbaa noloshiisu waxay ka soo bilaamataa caloosha hoyadii taas oo uu ka helo cunto, biyo, hawo iyo ….iwm. Kadib waa uu soo dhashaa wuxuuna ka mid noqdaa qooyskiisa, taas oo uu ka helo wax walba ( barbaarin iyo waxbarasho). Intaaa kadib waxa uu awood u yeeshaa in uu ka qayb qaato dhismaha qoyskiisa, kadibna bulshadiisa. waxaynu halkaas ka ogaanaynaa in muwadini-madu ka kooban tahay laba shay, labadaas shay oo kala ah “Xuquuq iyo wajibaad”, Qof walbaa waxa uu ka dhashaa qoys, qooysku waa Muwaadin waa sifo uu leeya-hay qof kastoo ka tirsan bul-shada taas oo muujisa in uu leeyahay xuquuq laguna lee-yahay waajibaad taas oo ay ku faralyeeshay wadanka uu ku abtirsanayo.

Xuquuqda Muwaadinka Wallow ay badan tahay xuquuqda muwaadinku hada-na waxaynu tilmaami kar-naaa xuquuqda sida in uu helo : 1.Xaqa xuriyada iyo nabada 2.xaqa cafimadka iyo waxba-rashada. 3.Xaqa in uu helo shaqo. 4. Xaqa ah in uu si xor ah u cabiro fikirkiisa. 5.Xaqa ah in uu doorto cida xukumaysa……. Iwm. Waajibkaadka Muwaadin-ka 1.In uu ixtiraamo tastuurka iyo sharciga. 2.In uu bixiyo cashuurta ku wajibtay . 3.In uu difaaco wadanka. 4.In uu ixtiramo xuquuqda dadka kale. 5.In uu ka qayb qaato dhismaha dalka, dadka, iyo dowladiisa.

شاركها !

No comments:

Post a Comment