TAARIKH NOLOLEEDKII SAXAABIGII WAYNAA CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI qaybtii labaad

Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka". Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga"
Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.
La kulankii C/llaahi ee Qaysar:
Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.
Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo".
Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.
Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.
Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.

Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo. 

         ******DHAMAAD******
Read Résuméabuiyad

Loolan dhanka taleefonada gacanta ah oo ka dhaxeeya shirkadaha Samsung iyo Apple












shirkadaha Samsung iyo Apple ayaa ah labada shirkadood ee soo saara  teloofanada gacanta  sida wayn looga isticmaala
caalamka waqtigani ayaa maalmahani waxa muuqanayay in uu u dhaxeeyo loolan aad u balaaran kadib markii laba isbuuc ka hor ay shirkada APPLe soo saartay  telefoonada gacanta oo noocisa yahay (gold edition iPhone 5S) kaa soo ah dahab kalorkisa.
 in ka yar  laba isbuuc   aya shirkada SAMSUNG dhankeeda  waxa ay soo saartay   laba telefoon oo noocyadooda kala yihiin (gold pink and gold brown)  
(gold Samsung Galaxy S4) oo isaga  dhahab ah kolorkiisa ama (GoldEdition colours).
Hadaba labadani shirkadood ayaa  waxa ka muuqanaysa in uu loolankooda dhanka technologyida ay aad u sii xoogaysanayso 
kadib markii ay wax ka yar bil ay soo saartay mid waliba telefoono noocya cusub oo ku soo kasbanayaan macaamiishooda islamarkaana aad casri u ah iyadoo xiliyadani dambe dadwaynaha isticmaala teleefonada gacanta ay aad u iibsanayaan talefonada nooca (touch screen) ah ama nooca shaashada laga isticmaala.

Read Résuméabuiyad

maxa ka jira in cuntooyinka fudud ay dhib u keento ragga (waa maxaay dhibaatooyinkaas ?)









Xarunta Ka hortagga iyo la dagaalanka Curudada ee Dalka Mareykanka ayaa Cilmi-baaristii ugu dambeeysay ee ay samaysay waxay ku sheegtay  in ku tarax-tagga Cunooyinka fudud, iyadoo laga tagayo Qudaarta iyo Miraha kaleba ay Ragga ku keento Niyad Jab iyo quus badan.

Qudaarta iyo Miraha kale ayaa iyaguna yareeya halista in Raggu ay Quusta iyo Niyad-jabka dareemaan sida Cilmi barista lagu xusay, iyadoo Ragga ay arrintan saameyneysana ay u badanyihiin kuwo Da’da Dhex dhexaadka ku jira.

Xog lagasoo uruuriyay Haween Da’doodu u dhexeyso 45 illaa 64 Sano ayaa lagu ogaaday inay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee Niyad jabku uu qabsado, waloow Raggana ay Habka Cunadooda ka dhaxlaan Xanuunadan oo kale.

Cilmi-baaristan oo lagu faafiyay Majaladda Daweeynta Cudurada Nafsiga iyo kuwa Jirka ka hadasha ayaa waxaa lagu cadeeyay in ku dadalista Cunista Qudaarta iyo Miraha kale ay si wayn Gacan uga geeysanayso yareeynta Saameynta daran ee ka dhalata ku tarax tagga Cunooyinka fudud.
Read Résuméabuiyad

Juxa iyo Xaskiisa Maxaa kala qabsaday (Aqriso Sheeko qosol Badan)


QOF WALBA U MUUQO ,ANIGASE ISKA KAY QARI




Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo , Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin doonto ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.
Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo ku goobatay. Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri ” juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale” Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay “ Dadka oo dhan u muuqo , laakin aniga iska kay astur”.
Read Résuméabuiyad

Gabar dooneysay inay is disho sida la sheegay oo la bad-baadiyey (DAAWO SAWIRADA)



Sida  lagu daabacay qaar ka mid ah Warbaahinta Shiinaha ciidamada Booliska dalka Shiinaha ayaa ka hortagay gabar dooneysay inay nafteeda khaarajiso (dal-dasho).
Sargaal uhadlay ciidamada Booliska ee howlgalkaasi fuliyey waxa uu sheegay inay ciidamadooda ku guuleysteen inay bad baadiyaan gabadhaasi xilli ay iska tuuri rabtay dabaq dheer oo ay ka deggeneyd magaalada Beijing.
Ilaa hadda lama cadeyn sababta ka dambeysa inay gabadhaasi isku daydo nafteeda inay disho walaw laga hor tagay falkaasi inay ku dhaqaaqdo.
Halkaan ka daawo Qaabka loo bad baadiyey gabadhaasi iyo Ciidamada oo gurmad sameeyey






Read Résuméabuiyad

QOFKII IS QIIMEEYA AYUUNBAA QALADKIISA SIXI KARA

QOFKII IS QIIMEEYA AYUUNBAA QALADKIISA SIXI KARA


I s qiimayntu waxay ku siinaysaa in qors-hayaashaadu kaa noqon wax aan lahayn qiyaas ay ku socdaan iyo inaad kala garatid inaad xagii saxda ahayd usocotid iyo in ay wax khaldan yihiin
Bal akhristow akhri qisadan layaab kaleh
Bari ayaa nin qoryo-jare ahi (qorye gure)uu shaqo udoontay nin ka ganacsada qoryaha dhirta.Shaqadii waa lasiiyay ninkii ,mushaar fiicana waa loo qoray ,isla mar ahaan taana waxa lahagaajiyay xaaladihiisa guud shaqo .
Waxa loo dhiibay ninkii faash kii uu ku soo jari lahaa dhirta ,waxaana waxaana loo sheegay mee-sha uu kasoo jarayo.
Ninkii dhir jaraha ahaa wuxuu kutashaday inuu sida ugu fiican ugu shaqee-yo ninkan uu shaqaalaha u yahay maan daama mushaar fiican loo qoray qalab fiica-na loo dhiibay waxuuna bilaabay shaqadii.
Maalintii ugu horaysay wuxuu soo gooyay sideed iyo toban (18) geed.Ninkii ganacsaddaha ahaa ayaa amaanay ,kuna yidhi waad fiicantahay ee halkaa ka-wad .Maalintii labaad ayuu kasii dadaal badiyay wuxuuse dhaafin waayay inuu soo jaro shan iyo toba(15) geed .Maalintii sadexaad ayuu is yidhi shaly manta dhaan oo wax-ba hala hadhin itaal oo intuu
is canaan tay ayuu is yidhi manta waa inaad ka badisaa labadii maal mood ee hore ,hase ahaa tee wuxuu dhaafin waayay toban (10)geed.Nin kii dhirjaraha haa wuxuu kayaabay sida wax udhacayaan , wuxuu-na u qaatay inuu soo itaal gabayo.
Waayo maalinba maalinta kadanbaysa wuxuu soo jarayay dhir kayar tii hore .
Maalintii danbe ayuu uta-gay ninkii uu shaqaalaha u ahaa wuxuuna ka cudurdaartay sida wax udhaceen isaga oo yidhi”Aadna waan uda-daalaa garano mayo sida ay wax yihiin”.
Ninkii ganacsatada ahaa yaa ku yidhi goorma ayaa kuugu dan baysay inaad afayso faashkaaga ?.
Afaynaaaaaaaaaaa!!! waaligayba ma afayn oo wakhtiba uma helo aan ku afeeyo. Sidan waxaa ku ja-waabay qoryo jarihii is-lamarkaana uu ogaaday hal-ka ay dhibto ka jirto ee ayna mushkiladu ahayn I taal gabid .Hadaba khris-tow sheekadani ama qisa-dani waxay ina baraysaa in is qiimaynta Qofnimo, Qalab-ka, Akhriska, Shaqada,iyo dhamaan xeeladaha la adeegsado ay muhiim yihiin.
Is qiimayn la aantu waa dhi-baato ,waana waxa ku dhacay ninikan dhirjaraha ah waayo wu xuu kari waayay inuu eego xaalada faashka uu dhirta kujarayay iyo inuu ubaahanyahy inuu afeeyo kaliya , sidaa darteed qofkasta waa inuu eggo oo uu qiimayn kusameeyo waxa uu rabo inuu sameeyo…...
Read Résuméabuiyad

Daanyeer dhaawac culus Geestay Wiil da’yar oo u dhashay Dalka hindiya (SAWIRO).


Daanyeer nuuca duur joogta ah ayaa waxa uu weerar ku qaaday wiil yar oo safar ku jiray gobol ku yaalla dalka Hindiya.
Wiilka ayaa waxa uu la kulmay mar kaliya oo daanyeer kusoo booday iyadoo cunuga aabihiis iyo abtigiis ay cabaar la dagaalamayeen inay daanyeerka wiilka ka fujiyaan.
Wiilka oo lagu magacaabo Raghav sida ay warbaahinta baahisay waxaana la sheegay in meel xayawaanaad ay ku nool yihiin xilli ay marayeen dhibka uu ku dhacay magaalada Ratlam ee gobolka Madhya Pradesh,india.
Sawiro lasoo qaaday waxaa ka muuqday wiilka yar oo dhaawacyo kasoo gaareen qaniinyada daanyeerka uu ugeystay iyadoo dhiig uu ka yimid gacmaha iyo wajigaba.
41235

Read Résuméabuiyad

Muqdisho: Xoolaha oo hal meel lagu gowrici doono

Muqdisho: Xoolaha oo hal meel lagu gowrici doono


















Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in wixii ka dambeeya 31-ka bishan July xoolaha hilibkooda laga cano magaalada Muqdisho lagu gowrici doono Kawaanka Bari oo  ah halkii lagu gowrici jiray xilligii dowladii dhexe.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa lagu sheegay in dhammaan xoolaha lagu qali doono Kawaanka Bari ee degmada Cabdicasiis, kaddibna la geyn doono suuqyada degmooyinka gobolka oo dhan.
Ganacsatada hilibka ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarka oo ay joojiyaan goobaha ay hadda ku gowracaan xoolaha.
Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciddii u hoggaansami wayda amarka laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa lagu amray in ay wax ka qabtaan bishan wixii ka dambeeya ciddi lagu arko iyadoo xoolo ku gowracaysa Kawaanka Bari meel aan ahayn.
Read Résuméabuiyad

Sheeko ku saabsan Gabar aan waligeed korin (WARBIXIN IYO SAWIRO)


Sheeko ku saabsan Gabar aan waligeed korin (WARBIXIN IYO SAWIRO)

Haweeney u dhalatay wadanka Hindiya oo da’deedu tahay 20 jira haddana loo moodo inay 5 jir tahay ayaa sheegtay in koritaan ugu dambeysay markii ay 5 sano jir aheyd.
Haweeneydaan oo mageeca la yiraahdo Laxmi Yadev dhererkeedu hadda waa Sadex feet iyo Inji waxaana ay xirataa dharka ay xirtaan caruurta 6 jirka ah.
Waalidiinteed ayaa u sheegay wargeyska The Sunday People in kortitaan ay ugu dambeysay 15 sano ka hor taas ayaana keentay inay inta badan aysan guriga ka dhex bixin.
3
Mar ay la hadashay wargeyska wax ka qoray waxaa ay sheegtay inay niyada ay ka jiran tahay oo aysan jeclayn in looga sheekeeyo yaraanteedii iyo wixii ay soo martay.
Walwalka ugu badan ee ay qabto waxaa ay ku sheegtay inuu yahay arrimaha mustaqbalkeeda la xariira oo aysan xataa arkin cid arrimo guur kala hadla.
Laxmi oo ku nool magaalada Gurgoan ooo banaanka magaalada New Delhi ku taala waxaa aysheegtay in inta badan nolosheedu ay tahay mid caadi ah hase ahaatee ay mararka qaar la kulanto dhacdooyin murugo galiya.
“Noloshayda inta badan waa caadi hase ahaatee markaan arko gabdhihii aanu isla yarayn oo waa weyn oo haddana faraxsan ayaan xooga murugo I qabataa” ayauy tiri Laxmi waxaana ay intaa ku dartay inaysan ka helin inay dad barato si aan arrimaheeda wax looga ogaan.
Hooyada dhashay haweeneydaan aan korin ama weynaan oo la yiraahdo Parvati,ayaa sheegtay in iyadu ay suuqa u aado oo ay usoo iibiso dharka ay xirato si aysan dadku ugu sheekaysan.
Qoyskeeda aad bay ugu cabsadaan oo waxay kabaqaan in la qafaasho sababtoo ah dadka noocaan oo kale ah Hindiya waa lagu afduubtaa taasna waxay keentay inay illaalo gaar ah u sameeyaan oo ay ku bixiyaan lacag dhan 8,000 oo Rubbe oo ah lacagta Hindiya una dhiganta £88 bishiiba.
Dhaqaatiirta Hindiya oo gabadhaan loo geeyay waxaa ay sheegeen inuu jiro dhibaato ka heysata dhanka xubnaha koriimada qaabilsan hase ahaatee la daaweyn karo.
1
Labo caruurah oo la dhalatay muuqaalkooda iyo da’dooda waa ay is leeyihiin sida uu wargeysku ku waramayo.
Waxaa qoray wargeyska The Sunday People
Read Résuméabuiyad

Qiso Cajiib ah: Gabar hooyadeed ka dalbatay in ay u fasaxdo Zinada, Hooyadaasi maxey sameysay?!

















Gabar kasoo jeeda dadkii hore ee carabta ayaa la sheegay in ay hooyadeed ka dalbatay in ay u fasaxdo Zinada, ama galmoodka xaaraanta ah ee aan guurka ku saleysneyn. Balse hooyadaan oo aheyd mid xikmad badan ayaa sameysay arinaad u yaab badan oo ay shuruud uga dhigtay gabadheeda, hadii aydooneyso in loo fasaxo Zinada. Hooyadii ayaa tiri: Gabadheydiyeey hadii aad dooneysid in aan kuu fasaxo Zinada oo xaaraan ah diin ahaan, sidoo kalena fool xumo ah oo faaxisho laga dhaxlo, cuduro badana ay ka dhashaan, balse hadiiba aad dooneysid in aan kuufasaxo, waxa aad sameysaa shuruudahan aan kugu xujeyn doono. Gabadhii ayaa tiri: Haye ii sheeg shuruudaha. Hooyadii ayaa tiri: Waad baxeysaaberi subax waxaadna istaageysaaguriga boqorka iridiisa, marki aadaragto in uu boqorku soo baxayo,waxaad isku tuurtaa dhulka, kadibna wixi aad kala soo kulantoigu soo celi. Gabadhii ayaa baxday sidii ayeynasameysay, boqorkii ayaa arkay gabadhii oo dhulka ku dhacday, wuuna usoo orday dhulka ayuunaka qaaday, gabadhii ayaa iska dhigtay wax soo naaxay, weyna umahad celisay boqorkii, gurigii ayeyna kusoo laabatay si ay hooyadeed ula socod siiso sida qorshuhu kusoo dhamaaday. Gabadhii ayaa hooyadii uga sheekeysay wixi dhacay, balse hooyadii ayaa mar kale ka dalbatay in ay subaxda labaad sidii oo kale sameyso. Gabadhii ayaa isla sidii sameysay, balse markaan boqorkii laf ahaantiisu ma uusan soo aadin gabadha, ee waxa uu usoo diray wasiirkiisa koowaad, kaasoo gabadha dhulka ka qaaday. Gabadhii ayaa markale hooyadeedu xog warantay, hooyadii ayaana subaxdii sedexaad ka dalbatay gabadheeda in ay isla arinkii sameyso, gabadhiina wey sameysay, balse markaana waxaa loo soo diray ninkii guriga ilaaliyaha ka ahaa, boqorkii iyo wasiirkiina wey iska indha tireen gabadha. Gabadhii ayaa hooyadeed u sheegtay arinka, balse hooyadan oo xikmad damacsaneed ayaa mar afaraad ka dalbatay in ay isla meeshii ku noqoto oo ay isla sidii sameyso, Gabadhii ayaana yeeshay taladii hooyadeed, balse tookadan waxey la kulantay wax la yaab leh, kadib markii ilaaladii gurigu ay gabadhii laad iyo jir dil u geysteen, maadaama ay caado ka dhigatay ficilkaan la yaabka leh,ayagoo waliba ku dhega hadlay kuna jees jeesaya. Gabadhii oo madluunsan ama murugeysan ayaa usoo noqotay hooyadeed, mana aysan u sheegin wixi maanta kusoo dhacay, hooyadii oo garatay in xaalku sidi hore ka duwan yahay ayaa gabadheeda weydiisay, maxaa kugu dhacay maanta, qorshihii aan ku direy aaway. Gabadhii ayaa ku jawabtay, mar danbe uma noqonayo meeshaas ee ii sheeg xujadi ma dhamaatay mise waxbaa ii harsan, hooyadii ayaa ku jawaabtay 3 maalin oo kale ayaa kuu harsan in aad isla sidii sameysid. Gabadhii ayaase arinkaan diiday, ayadoo sheegtay in ay maanta jir dil iyo xad gudub lasoo kulantay, aysana u noqon doonin meeshaas. Hooyadii oo gaartay hadafkii ay ka laheed arinkaan ayaa gabadheed ku tiri: Gabadheydiyeey i maqal, Zinnadu waa sidan oo kale, marka hore wax ku rabo oo kor kuu qaado ma weyneysid, marka labaadna sidoo kale ma weyneysid wax kugu sii qanacsan oo wali damac raaxo kaa leh, balse hadii aad noqoto qof la isu sheego oo Zinada caado ka dhigata, ogoow sidan oo kale ayuu qof kasta dabada laad kaala dhici doonaa, ayagoo waliba kugu jees jeesi doona, maxaa yeelay karaamadaadi iyo sharaftaadi ayaad markii hore lumisay, marna hadii aad lumiso oo lagu barto, marnaba kuuma soo laaban doonto.
Read Résuméabuiyad

QISO LA YAAB LEH OO KU DHACDAY WIIL U DHASHAY DALKA YEMEN(MAXAY TAHAY QISADAS?)




Wiil 20 jir ah una dhashay Yemen ayaa magan galay hab aad loola yaabay si uu uga laabto Dambi Caasinimo ah oo uu Hooyadiis ka galay.

Hooyadiis oo 40 jir ahayd ayaa geeriyootay, wuxuuna Wiilkani usoo cararay Qabrigeeda iyadoo Maalin qur ah aasan, markaas oo uu Meydkii banaanka usoo saaray barbarkana ka seexday isagoo waliba Wajiga Hooyadiis Marada ka feeday.

Dadka Deegaanka ayaa arrintan aad ula yaabay, waxaana ugasii yaab badneeyd markuu Ninku sheegay inuu is dilayo. Sidaasina waxaa qortay Jariidadda Al-Ra’yi ee Kuwait kasoo baxda.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada BAJAL ee Gobalka Al-Xudeyda oo Galbeedka Yemen ah ayaa Warfidiyeenka u sheegay in Ninkan uu SDalka Sucuudiga ugu maqnaa si Sharci daro ah, dabadeedna uu Khamiistii lasoo dhaafay kusoo laabtay Yemen, Xilligaas oo ahayd Maalin ka dib kolkeey Hooyadiis FAATIMA geeriyootay oo lasoo aasay.

Wiilku ma uusan ka war heeyn ineey Hooyadiis geeriyootay, kolkii uu maqlayna Argagax xoog leh ayaa qabsatay waayo wuxuu Dalka ka tagay Hooyadiis oo aad uga careeysay isaga, maadaama uu la socon jiray Saaxiibbo xun xun.

Wiilka ayaa in ka badan Sanad Xabsi ugu jiray Sucuudiga, isagoo ku eedeeysnaa Qamri cabis iyo Xiriirro aan Sharci aheeyn, waxaana ugu dambeeyn loosoo Musaafuriyay Yemen Wax yar ka dib markeey Hooyadiis dhimatay.

Markuu wax kale oo uu sameeyo garan waayay ayuu soo faagay Qabrigii Hooyadiis oo Banaanka usoo saaray Meydkeeda oo Dhar la’aan ah, isagoo Wajigana ka feeday si uu Aragtideeda ugu Il-doogsado, maxaa yeelay Mudadii uu Dibada ku maqnaa oo 4 Sano ahayd wax Xiriir ah lama uusan soo sameeyn.

Dadka Deegaanka ayaa qabqabtay Ninkan, waxaana ay dib u aaseen Meydkii, iyagoo sidoo kalena ku dadaalay inay Niyada u dajiyaan Wiilka oo ku goodinayay inuu is dilayo.
Read Résuméabuiyad