Sheeko ku saabsan Gabar aan waligeed korin (WARBIXIN IYO SAWIRO)
Haweeney u dhalatay wadanka Hindiya oo da’deedu tahay 20 jira haddana loo moodo inay 5 jir tahay ayaa sheegtay in koritaan ugu dambeysay markii ay 5 sano jir aheyd.
Haweeneydaan oo mageeca la yiraahdo Laxmi Yadev dhererkeedu hadda waa Sadex feet iyo Inji waxaana ay xirataa dharka ay xirtaan caruurta 6 jirka ah.
Waalidiinteed ayaa u sheegay wargeyska The Sunday People in kortitaan ay ugu dambeysay 15 sano ka hor taas ayaana keentay inay inta badan aysan guriga ka dhex bixin.
Mar ay la hadashay wargeyska wax ka qoray waxaa ay sheegtay inay niyada ay ka jiran tahay oo aysan jeclayn in looga sheekeeyo yaraanteedii iyo wixii ay soo martay.
Walwalka ugu badan ee ay qabto waxaa ay ku sheegtay inuu yahay arrimaha mustaqbalkeeda la xariira oo aysan xataa arkin cid arrimo guur kala hadla.
Laxmi oo ku nool magaalada Gurgoan ooo banaanka magaalada New Delhi ku taala waxaa aysheegtay in inta badan nolosheedu ay tahay mid caadi ah hase ahaatee ay mararka qaar la kulanto dhacdooyin murugo galiya.
“Noloshayda inta badan waa caadi hase ahaatee markaan arko gabdhihii aanu isla yarayn oo waa weyn oo haddana faraxsan ayaan xooga murugo I qabataa” ayauy tiri Laxmi waxaana ay intaa ku dartay inaysan ka helin inay dad barato si aan arrimaheeda wax looga ogaan.
Hooyada dhashay haweeneydaan aan korin ama weynaan oo la yiraahdo Parvati,ayaa sheegtay in iyadu ay suuqa u aado oo ay usoo iibiso dharka ay xirato si aysan dadku ugu sheekaysan.
Qoyskeeda aad bay ugu cabsadaan oo waxay kabaqaan in la qafaasho sababtoo ah dadka noocaan oo kale ah Hindiya waa lagu afduubtaa taasna waxay keentay inay illaalo gaar ah u sameeyaan oo ay ku bixiyaan lacag dhan 8,000 oo Rubbe oo ah lacagta Hindiya una dhiganta £88 bishiiba.
Dhaqaatiirta Hindiya oo gabadhaan loo geeyay waxaa ay sheegeen inuu jiro dhibaato ka heysata dhanka xubnaha koriimada qaabilsan hase ahaatee la daaweyn karo.
Labo caruurah oo la dhalatay muuqaalkooda iyo da’dooda waa ay is leeyihiin sida uu wargeysku ku waramayo.
Waxaa qoray wargeyska The Sunday People
No comments:
Post a Comment