Aabe 88 jr ah iyo Wiil uu dhalay oo 42 jir ah ayaa loo qaaday Magaaladii ay ku noolaan jireen, ka dib markii lagasoo helay Dhul Keeymo ah oo Bartamaha Fitnaam (Vietnam) ku yaala, halkaas oo loo malaynayo inay 40 Sano ku jireen.
Horaantii Todobaatanaadkii ayuu Hu Fan Thana usoo cararay Keymaha markii ay dhinteen Hooyadiis iyo Labo Walaalihiisa ka mid ah oo ku baxay Duqeymo Cirka ah oo ay Ciidamada Ameerikaanku sameeyeen.
Waxaa Ninkaas sii raacay Wiil uu dhalay oo la yiraa Hu Fan Lang, kaas oo Xiligaas jiray 2 Sano.
Dadka ku nool Deegaanka Kwang Ngay ayaa dhawaantan arkay Labadan Nin oo Keynta ku jira, waxayna wargaliyeen Maamulka Deegaanka oo isaguna usoo dhaqaaqay Goob uu Aqal Dhulka ka sareeya 5 Mitir ugaga dhisnaa Labadaan Qof si halkaas loogagasoo saaro.
Warbaahinta Gudaha Dalkaas ayaa sheegtay in Xog lagasoo helay Wiilka ugu yar Caruurta uu dhalay Ninka baxsadka ah, Wiilkaas oo markii ay Duqeynta Mareeykanku dhacaysay jiray 3 Bilood.
Wuxuu Wiilku xaqiijiyay inuu Muddo dheer ka war haayay Halka ay Aabihiis iyo Walaalkiis ku noolyihiin, isla markaana uu Sanadkiiba hal mar booqasho ugu tagi jiray.
Wargeys Internetka lagusoo daabaco oo Dan Three la yiraa ayaa Maamulka Deegaanka kasoo xigtay in Wiilka yar uu Sanadkii 2004 isku dayay inuu Aabihiis iyo Walaalkiis kusoo celiyo Gurigooda, balse waxay diideen inay soo dhex galaan Nolosha Dadka Fiyatnaam, iyagoo doortay inay gooni u degnaadaan.
No comments:
Post a Comment