taarikh nololeedkii saxaabigii waynaa CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI

 aqristayaasheena sharafta waxaan idinku soo gudbin doonaa bogga qisoouinka.blogspot.com maalin kasta oo jimca ah kala socon doontaan taarikh nololeedka saxaaba. maantana waxaan idin soo gudbinaynaa  taarikh nololeedkii saxaabigii waynaa CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI ka faaiidaysi wacan.

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI
Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.
Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.

Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo ku taalla Ciraaq). 
la soco qaybta xigta  maalinta  jimcaha  inshalaah.
Read Résuméabuiyad

Nin Alle kafiil ka dhigtay(Aqriso Qisadani Cibraqaadashada Mudan)















Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW) xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday qaar reer Banii Israa’iil ah in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, markasuu yiri: Alle ayaa markhaati ku filan, markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku ja-waabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, kunkiina wuu siiyay, muddo go’anna wuu u qabtay. Ninkii wuxuu ku safray badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay markab uu soo fuulo oo uu waqtigii loo qabtay ku soo galo, mana helin markab, markaas ayuu qaatay qori, wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay kun Diinaar iyo war-qad isaga ka socota oo ku so-cota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda ayuuna la yimid. Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun Di-inaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raal-li noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday. Waxaan ku da-daalay in aan helo markab aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay mark-ab uu ku aado ninkii balad-kiisii. Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo eegaya inuu mark-ab xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii maalku ku jiray, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaa-tay ciddiisii, markii uu mi-inshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii. Muddo ka dib ayuu soo ga-lay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Di-inaar, wuxuuna yiri: Wal-laahi intaas waxaan ku da-daalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Markaasuu ku yiri: waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: waxaan kuu sheegayaa in aanan helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan). Faa’iidooyinka qisada: 1.In laga sheekeeyo waxy-aabaha la yaabka leh ee ummadihii hore ka dhacay 2.Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa
. ……..Dhamaaaad…….
WD: Sh.Maxamed muumin(bakaaleey).
Read Résuméabuiyad

AXKAAMTA SALAADA CIIDDA


















    Ciidu waa maalinta ay Muslimiintu farxadooda ay ku  muujinayaan dhamaystirka bisha Ramadaan iyo daacaadkii ay la  yimaadeen, waxayna ka mid tahay nimcooyinka Ilaahay ku  galadaystay. Waxayna u dareeraan musalaha iyagoo takbiirsanaya.


  1. 􀂃 Salaada ciidu waa laba rakcadood.
  2. 􀂃 Todoba takbiirood baa qiraa’ada ka horeeya rakcadda koowaad, rakcadda labaadna shan takbiirood.
  3. 􀂃 Waxaa sunne ah in lagu tukado banaanka (musalaha).
  4. 􀂃 Ma leh eedaan iyo iqaamo salaatu jaamicana la odhan mayo.
  5. 􀂃 Waqtigeedu waa markii ay in waran le’eg cadceedu sare qabato, ilaa laga gaadhayo marka cadceedu kukta ka iilato.
  6. 􀂃 Sune kama horeeyo, kamana danbeeyo markii musale lagu tukanayo, hadiise masjid ay tahay waa in uu qofku taxiyatul masjid tukadaa.
  7. 􀂃 Waxaa iyana sugan in rasuulku laba rakcadood ku tukaday gurigiisa markuu musalaha ka soo laabtay.
  8. 􀂃 Waxaa iyana sune ah in dariiqa marka hore la maro la bedelo marka laga soo noqdo musalaha.
  9. 􀂃 Ciidul fidriga waa in qofku wax sii cunaa intaanu tegin musalaha.

  10. 􀂃 Haweenka iyo dumarka xaydka leh iyo hablaha maduxu u daban yahayba waxa sune ah in la soo saaro oo ay musalaha yimaadaan. Laakiin gabadha xaydka leh musalaha geli mayso. 
Read Résuméabuiyad

SAKAATUL FIDRIGA










xukun ahaan waa laysku laasimiyay oo waa waajib, sida ku cad hadalka Ibnu-Cumar uu yidhi ‘ Rasuulku (Salalaahu calayhi wa calaa aalihii wasalam). waxa uu ku faral yeelay sakaatul fidriga : Adoonkii, xortii, labkii, dhadigii,ilmihii yaraa,iyo qofkii waynaa ee muslimka ahaa.inay bixiyaan hal saac oo cunto ah. Bixiyaana inta ka horaysa intaan loo soo bixin salaadda ciidda56.
Maxaa la bixinayaa:

Sida adilada ku cad waa in la bixiyaa Cunto, oo ah saac, qiyaas ahaana la mida (2.40g ). oo ah cuntada markaa qaalibka ah.
yaa laga bixinayaa:

waxaa laga bixinayaa cidii aad adigu quudiso ee aad masruufto sida ku cad xadiiska ibnu Cumar :Rasuulku wuxuu amray sadaqatul fidiriga ilmihii yaraa, qofkii waynaa,xortii iyo adoonkii la quudinayay .
YAY KU BAXAYSAA:

waxaa la siinayaa masaakiinta, sida saxa ah.
Meel kale ma loo diri karaa:

sida sunada waafaqsan waa in lagu bixiyaa meesha la joogo, hadiise masaakiin qaadata la waayo, waa la diri karaa, balse waa in aanay dhaafin xiligii loogu tala galay, oo ah Salaada ciida ka hor, lana bixiyaa cunto, lana siiyaa dadka ay ku baxayso(masaakiinta).
Waqtigeeda:

waxay gudmaysaa inta aan salaada loo soo bixin , mana banaana in dib uga dhacdaa salaadda, sidoo kale waxaa laga hor marin karaa laba maalmood intaan la ciidin..

Hadii ay dib uga dhacdo salaadda ciidda waxay noqonaysaa sadaqo ka mida sadaqaatka la bixiyo.
Read Résuméabuiyad

LAYLATUL QADR














LAYLATUL QADR
Habeenkan sharafta badani waa uu ku jiraa tobanka danbe ee bishan barakaysan,
qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu dadaalo tobanka danbe ee ramadaan
dhamaantood si uu u waafaqo habeenkani, waxaanu bilaabmaa habeenka 21naad ,
allahna(scw) waa uu qariyey habeenkani habeenka uu yahay, nebigana (scw) waxaa
ka sugnaatay axaadiis tilmaamaysa inaanu habeenkani ku khaas ahayn habeen kaliya
ee ay suurtogal tahay inuu noqdo 29,27,25,21, iwm. Waxaanu yidhi imaamu shaafici
(rx) waxaad moodaa agtayda eebe ayaa u ogaalbadane inuu nebigu ahaa mid oo ka
jawaab kolba su’aasha la weydiiyo, waxaa lagu odhan jiray ma ka doondoonaa
habeenka sidaasi iyo sidaasi ah wuxuu odhan jiray: ka doon doonaa habeenka sidaasi
iyo sidaasi ah. Waxaana aad loogu rajayn badanyahay tirada kinsiga ah, waxaana
sunada Nebiga (scw) ku soo aroortay in nebiga la tusiyey habeenka ay tahay ka dibna
laba nin oo muslimiinta ka mid ahi ay doodeen sidaasina uu nabigu ku iloobay,
nebiguna uu yidhi waxa laga yaaba inay sidani idiin khayr badantahay, ka doondoona
habeenka 25,27,29. Bukhaari
Xadiiska hooyadeena Caa’ishah (rc) waxay tidhi “ waxa uu ahaa Nebigu(scw) marka
uu soo galo tobanka danbe ee ramadaan mid nooleeya habeenka (cibaado iwm),
ehelkiisana toosiya, dadaalana, guntigiisana xidha( sarbeeb ahaan yacnii ka fogaado
ehelkiisa ku dadaalid uu ku dadaalayo cibaadada darteed maahin inay xaaraan tahay).
Muslim .
Ibnu cumarna (rc) waxaa sidoo kale wuxuu weriyey inuu Nebigu yidhi “ ka
doondoona laylatul qadriga tobanka danbe ……….. ilaa akhiril xadiis” Muslim.
Habeenkan qaaliga ah fadligiisa waxaa ka mid ah inay cibaadadiisu ay ka khayrka
badantahay kun habeen, Eebana (scw) uu soo dejiyey quraankiisa, malaa’iigtuna ay
soo degto iyo malaku jibriilba, waana habeen nabadgelyo ilaa habeenka waagiisu ka
beryayo.
Waxyaabaha lagu garatona waxaa ka mid ah
1- Inuu yahay habeen xasiloon, maaha kulayl iyo qabow toona.
2- Dabayli ma jirto
3- Cadceedu waxay soo baxdaa ayadoo bilaa shucaac ah,cas, daciifna ah].
Nebiguna (scw) waxa uu yidhi “ka kaca habeenka laylatul qadrka asagoo rumaysan,
Eebana (sw) ajri kaga dalbaya, waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore” Bukhaari iyo
Muslim. Allahna waxaan weydiisanaynaa inuu inaga yeelo kuwa uu waafajiyo
laylatul qadriga marar badan camalkeena inuu ka yeelo ku aan u sameyno Eebe (sw)

dartii.
Read Résuméabuiyad

Cajaa’ibka Quraanka

Cajaa’ibka Quraanka   
                                        












wadaad ka mid ah mufa-kiriinta Islaamka ayaa daahfuray tirooyinka isle'eg ee Aayadaha Quraanka Kariimka ahi ka hadleen, taasoo cadday-naysa sida Quraanku u sugayo sinnaanta dadka iyo sugnaanta in Quraanku yahay hadalkii Eebbe korree oo nasahnaaye, waxaana uu Sheekhaasi soo taxay kal-mado iska soo horjeeda oo ti-rooyinkoodu isku sarjaran yihiin, waxaana ka mid ah:-
1-Erayga Dumar Quraanka wuxuu ku soo arooray 24 jeer, halka erayga Ragna uu soo arooray 24 jeer. 2-Erayga Adduun Quraanka wuxuu ku soo arooray 115 jeer, halka erayga Aakhirona uu soo arooray 115 jeer.
3-Erayga Malaa'ig Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer, halka erayga Shay-daana uu soo arooray 88 jeer.
4-Erayga Dad Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Nabina uu soo arooray 50 jeer.
 5-Erayga Wanaajin Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Xu-mayna uu soo arooray 50 jeer.
6-Erayga Ibliis Quraanka wuxuu ku soo arooray 11 jeer,halka erayga ka ma-gangalkiisuna uu soo arooray 11 jeer.
7-Erayga Muslimiin Quraanka wuxuu ku soo arooray 41 jeer, halka erayga Jihaadna uu soo arooray 41 jeer.
8-Erayga Sako Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer,
halka erayga  Bara-kana uu soo arooray 88 jeer.
9-Erayga Muxamed Quraanka wuxuu ku soo arooray 4 jeer, halka erayga Sharee-cona uu soo arooray 4 jeer.
10-Erayga Nolol Quraanka wuxuu ku soo arooray 145 jeer, halka erayga Dhi-mashana uu soo arooray 145 jeer.
11-Erayga Wanaagyaal Quraanka wuxuu ku soo arooray 167 jeer, halka erayga Xumaanyaalana uu soo aroo-ray 167 jeer. 12-Erayga Fudayd Quraanka wuxuu ku soo arooray 36 jeer, halka erayga Adaygna uu soo arooray 12 jeer. 13-Erayga Hanuun Quraanka wuxuuku soo arooray 79 jeer, halka erayga Naxariisna uu soo arooray 79 jeer. 14-Erayga Nabadgalyo Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Waxyaalo fiican uu soo arooray 50 jeer.
15-Erayga Dhib Quraanka wuxuu ku soo arooray 102 jeer,halka erayga Dhabaradaygna uu soo arooray 102 jeer.
 16-Erayga Musiibo Quraanka wuxuu ku soo arooray 75 jeer, halka erayga Mahadnaqna uu soo arooray 75 jeer.
17-Erayga Nafci(Dheef) Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Dhibna uu soo arooray 50 jeer.

18-Erayga Sadaqo Quraanka wuxuu ku soo arooray 73 jeer, halka erayga Qanaacana uu soo arooray 73 jeer. 19-Erayga Kuwa Lunsan Quraanka wuxuu ku soo arooray 17 jeer, halka erayga Kuwa Halaagsamayna uu soo arooray 17 jeer. 20-Erayga Dahab Quraanka wuxuu ku soo arooray 8 jeer, halka erayga Nolol Raaxeedna uu soo arooray 8 jeer. 21-Erayga Sixir Quraanka wuxuu ku soo arooray 60 jeer, halka erayga Fitnana uu soo arooray 60 jeer. 22-Erayga Caqli Quraanka wuxuu kuku soo arooray 8 jeer, halka erayga Cabsina uu soo arooray 8 jeer. 24-Erayga Dulmi Quraanka wuxuu ku soo arooray 114 jeer, halka erayga Sabirna uu soo arooray 114 jeer. Haddaba akhristow haddaan in-taa ku dhaafno tirooyinkii isku sar jarnaa bal mucjisadanna u fiirso:- 1-Erayga Salaaddu 5 jeer ayuu Quraanku xusay, Salaadaha waa-jibka ahina waa 5 Salaadood. 2-Erayga Bilo 12 jeer ayuu Quraanku xusay, Sanadkuna waa 12 Bilood. 3-Erayga Maalin 365 jeer ayuu Quraanku xusay, sanadkiina waa 365 maalmood. 4-Erayga Bad Quraanku wuxuu xusay 32 jeer, halka erayga Ber-rina uu Quraanku xusay 13 jeer. . Haddaba haddii la xisaabiyo saamiga ay Badda iyo berrigu isku yihiin marka guud ahaan la soo qaato dhulka, waxay isku noqonayaan bo-qolkiiba sidatan: -Saamiga Badda marka loo eego Berriga dhulka = [(13+32)/32] x.
Read Résuméabuiyad
Qisadi nabiyullah yusuf cs


Intayna anan bilaabin qisada Nabi Yuusuf (CS) waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (CS) laakiin nebi yuusuf (CS) qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda “Anagu waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan”(waxa looga jeeda Nabi maxamed (SCW) 

Culimada islaamku waxay isku khilaafeen maxaa loogu bixiyay qisadan, qisada ugu wanaagsan? Waxa la yidhi waxay kali la noqotay qisada qudha oo nebi laga sheekeyo quraanka dhexdiisa, sidoo kale waxa la yidhi Nabi yuusuf waxa uu kaga gudbay walaaladii samir iyo dulqaad waana iska dhaafay waxa kaloo oo la yidhi waxa ku jira suuradan xusitaankii Nabiyadii wanaagsanaa iyo dulqaadkoodi, nin madax ah iyo cidii uu xukumayay waxa kale oo ku xusan suurdan 

rag iyo shirqool dumar, waxa ku dhex jira sheekitaanka towxiidka iyo fiqiga cabiritaanka riyooyinka iyo fasilidooda 

Hadaba qisadan Nabi Yuusuf (CS) waxay na tusaysaa dhibta iyo hawsha loo soo marayo dacwada illaahay iyo in la yeesho ku samirkeeda, arinka illaahayna waxa hor joogsan karaana ma jiro. 

Hadaba qisada Nabi Yuusuf waa qiso ina tusaysa murugo iyo dhib. Waxaananu halkan kusoo gudbin doonaa qisadii Nabi Yuusuf qaybtii ugu horaysay aanu bilaamno, “Illaahay waxa uu yidhi koreeye xus nabi maxamedow goortuu yuusuf ku yidhi aabihii, aabay waxan arkay 11 meere cad ceeda iyo dayaxa waxa aan arkay iyagoo ii sujuudsan” 

Ilmahan yari waxa uu aabihii uga waramayaa riyooyin la tusay Nabi Yacquubna (CS) waxa uu gartay Nabi Yacquubna (CS) in ay riyadaasi ku jirto arin wayn oo aan ilma yari ku riyoon Karin, ilmahaa yara sidoo kale kumana riyoon karo isagoo ku ciyaaraya mid ka mid ah meerayasha aduunka siday doonta ha ahaatee. 

Nabi yacquub (CS) waxa uu kolkiiba is dareensiyay inanun inankiisa yari uga sheekeen walaaladiisa kale si aanu shaydaanku uga dhex faa’iidaysan walaalkooga yar . 

Waxa uu yidhi Nabi Yacquub (CS) “Inankaygiyow ha uga sheekeen riyadaada walaaladaa way ku shirqooli doonan shirqool, shaydaankuna dadka waa u cadow” 

Waxa uu dareemay Nabi Yacquub (CS) oo ahaa ina isaxaaq ina ibraahim in ay arintaani ku xidhiidhsan tahay diin iyo wanaag in ay halkaasina ku dhex jirto wanaag tusaal u tahay isku xidhkii barakaysnaa ee Anbiyada ka tafiirneed nabi ibrahim (CS) “Sidaa ayuu rabigaa ku doortay waxana wuu ku baray fasilaada riyooyinka” taa macnaheedu waxa weeyi rabigaa ayaa ku doortay oo xumaana kaa dheerayay macnaha tafsiirku waxa weeye garashada maalka, (aqoonta xaga dhaqaala ah) iyo garashada natiijooyinka, ogaanshaha siraha.

Nabi Yuusuf (CS) aabihii waxa uu dhagaystay wuxuu inankiisu ku riyooday waxana uu ka digay in aanan uga sheekeen walaaladii yuusufna wuu ka aqbalay taladaa, laakiin waxa xoogaystay cadhadii iyo karahii ay u qabeen walaaladii, waxana uu la kulmay Nabi Yuusuf (CS) walaaladii iyagoo ka sheekaysanaya arinkaa. 

Ilaahay waxa uu yidhi koreeye “Dhab ahaantii waxa ahayd yuusuf iyo walaaladii ayad dadka wax su’aala, goortay yidhaadeen yuusuf iyo walaalkeen aabaheen ayaa inaga jecel inaguna koox ayaynu nahay, aabeheena waxa uu ku sugan yahay baadi cad, dila yuusuf ama dhul inagaga tuura si uu nooga baneeyo wajiga aabaheen dabadeena aynu noqono umad wanaagsan, (9) mid ka mid ah ayaa yidhi yuusuf ha dilina aanu ku ridno ceel guntii si ay u qaataan dad socdaal ah hadii aad wax uun samaynaysaan”. 

Siday sheegayaan kutubtii hore waxay tilmaamaan in yuusuf uga waramay qisadaas walaaladii, laakiin quraanka kariimka ah meelna Ilaahay kagamuu sheegi inay sidaasi dhacday, hadii ay dhici lahaydne illaahay wuu noogu sheegi laha quraanka kariimka ah, hasa yeeshe waxa doonayeen inay dilaan u cadhadii ay u qabeen in ay dilaan darted. 

laakiin inagu waxaynu ku kaaftoomi doona quraanka karimka ah, Nabi yuusuf walaaladood waxay yidhaadeen anagoo koox dhan ah oo leh tamar iyo xoog ayuu abeheen inaga door biday wiilkii yaraa, aabaheena waa oday gafsan isla markaas mid ka mid ah ayaa hadana soo jeediyay Yuusuf in la dilo si ay aabahood kali ugu noqdaan, xaasinimadaa iyo cadhadaasi waa tu shaydaanku qalbigooga ku waynayay ilaa ay door bideen in ay yuusuf dilaan ama ay dhulka ka fogeeyaan, waxayna yidhaadeen wado sadexaad ma hayno. 

Hadaba waxaas oo dhan maxay u samaynayaan? Si aanu u arag aabihii una ilaawo dabadeedna inaga uu na jeclaado dabadeedna ay ka tooban keenan dambigii ay galeen.Mid ka mid ah ayuu qabtay dareenkii walaaltinimada wuxuuna door biday in ceel lagu rido si ay dad socoti ihi ay u qaataan, fikradaas dilka ahna way ku kala qaybsameen, dhamaan waxay isla ogalaadeen in ay ceel ku ridaan. 





Nin Alle kafiil ka dhigtay

Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW) xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday qaar reer Banii Israa’iil ah in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, markasuu yiri: Alle ayaa markhaati ku filan, markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku ja-waabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, kunkiina wuu siiyay, muddo go’anna wuu u qabtay. Ninkii wuxuu ku safray badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay markab uu soo fuulo oo uu waqtigii loo qabtay ku soo galo, mana helin markab, markaas ayuu qaatay qori, wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay kun Diinaar iyo war-qad isaga ka socota oo ku so-cota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda ayuuna la yimid. Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun Di-inaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raal-li noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday. Waxaan ku da-daalay in aan helo markab aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay mark-ab uu ku aado ninkii balad-kiisii. Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo eegaya inuu mark-ab xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii maalku ku jiray, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaa-tay ciddiisii, markii uu mi-inshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii. Muddo ka dib ayuu soo ga-lay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Di-inaar, wuxuuna yiri: Wal-laahi intaas waxaan ku da-daalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin markab ka
horreeya kan aan ku imid. Markaasuu ku yiri: waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: waxaan kuu sheegayaa in aanan helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan). Faa’iidooyinka qisada: 1.In laga sheekeeyo waxy-aabaha la yaabka leh ee ummadihii hore ka dhacay 2.Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa. ……..Dhamaaaad…….
Read Résuméabuiyad

FADAA ISHA AKHRINTA QURAANKA EE BISHA RAMADAAN














Nabigu (S.C.W.) Wuxuu Yiri: “Soonka iyo Qur’aankuba Addoonka Ayey U Shafeecayaan Maalinta Qiyaame. Soonku Wuxuu Oran Doonaa: Rabbiyow! Waxaan Ka Reebay Cuntadii (iyo Cabbidii) iyo Waxyaalihii Ay Naftu Jeclayd Ee (Rabbiyow) Shafeecadeyda U Aqbal. Qur’aankiina Wuxuu Oran Doonaa: Rabbiyow! Waxaan Ka Reebay Hurdo Uu Habeenkii Jiifto Ee (Rabbiyow) Shafeecadeyda U Aqbal. Wuxuu Yiri: Markaasaa Shafeecadooda La Aqbalaa.” Waxaa Wariyey (Axmed.”
Read Résuméabuiyad

Qiso Cajiib Ah Oo Diini Ah,Ma Guursan Laheyd Gabar Indha La,Dhaga La, Aan Socon Karin,Hadaba Ogow Gabadha Noocas Ah Waxay Dhashay Calimka Ugu Weeyna Islaamka ?


Qiso Cajiib Ah Oo Diini Ah,Ma Guursan Laheyd Gabar Indha La,Dhaga La, Aan Socon Karin,Hadaba Ogow Gabadha Noocas Ah Waxay Dhashay Calimka Ugu Weeyna Islaamka ? Ma guursan lahayd gabar indha la, dhaga la, oo aan hadli karin, Soconna karin Naag Noocas Ah Waxay Dhashay Caalimkii Ugu Wayna Ummada Islaamka. Hadaba Waxa jiray nin safar u unbabaxay maalin intu jidka kusii jiray uu sii socday ayu wuxu garab maray beer, wuxuuna arkay tufaax jidka yaalo oo kasoo dhacay laan kasoo dhala baxday deyrkii beerta ama darbiga, Ninka waxa haysay Gaajo aad u daran sida darteed wuu qaatay tufaaxii jidka yiilay, wuxuuna bilaabay inuu cuno tufaaxii,lakin markii uu socday xogaa wax yar kadib waxa helay walwal ah inu cunay wuxuusan isaga lahayn, inu cunay cunto aanan xalaal ahayn kadibne wuxu kusoo laabtay beertii uu garab maray isagoo raadiyay ninkii iska laha beerta si uu ugu sheego inu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan ka dhala baxday beerta. www.wacadaraha.com Hasa yeshee ninka wuxu rabay inu iska bixiyo lacagta u dhiganta tufaaxa uu cunay ama laga cafiyo intaba markii uu arkay milkiilihii beerta ayu u sheegay arinti. Milkiilihii aya la yaabay daacidnimada ninkan. Deedna wuxu u sheegay inu cafis u fidin doono haduu aqbalo hal shardi,shardigaas oo ah inu guursado gabartiisa oo dhagoole ah, indhoole ah, aan hadli karin, sidoo kalena aan socon karin. Ninkii arintan Fajac ayay ku noqotay, wuxuna bilaabay inu arintaas ka fikiro kadibne wuxu isku qanciyay inu aqbalo islamarkaane uu guursiga gabartaas dhibatooyinka badan haysato hadii kale uu naarta gali maadaamo uu cunay tufaax uu jidka ka helay oo kasoo dhacay laan dhala baxday Deedna wuu aqbalay guurkii isagoo cadaabka Ilaahay (SW) ka carar ah. Hadaba guurkii aya dhacay habeenkii aya la galbiyay ninkii isagoo murug iyo xumaan ay ka muuqato, ileen naag uu la boodboodo kama horaysee markii uu galay qolkii wuxu indhaha saaray haweenay quruxda ku taalo uusan waligiis arag Inta waxa dheer, wax way aragta, wax way maqasha, way hadli kartaa Naafana ma ahan oo way socon si walbo way u dhaqaaqeeysaa Waxayna lahayd haybad aad u wayn iyo cilmi aan xad lahayn oo rabi ugu deeqay kadib waxay ninkeedii ku tiri “Waan ogahay inaad yaabantahay ileen Aabahay Ayaa kuu sheegay inaan indhoole ahay, taas wuxu ka waday waxaan indhahayga ka dabooshay wax walbo oo uu Eebe raali ka ahayn aragooda Wuxu kuu sheegay inan dhagoole ahay, taana wuxu ka waday waxaan dhagaha ka dabooshay hadal walbo oo malaa-yacni ah Wuxu kuu sheegay inaanan hadli karin, taana wuxu ka waday inaan ka aamusay hadal walbo oon ka ahayn Xasuusta Alle Wuxu kuu sheegay inaan ahay ruux naafo ah oon socon karin, taana wuxu kawaday inaan ka fariistay qabashada ama u istaagida wax walbo oo xaaraan ah. Hadaba Inanyahow Aabahay wuxu sidan u yeelay rabitaan ah inaan helo nin Alla ka cabsado oo I mutaysan karo.” Ogow ninkaas Alla ka cabsiga badan oo eed dusha iska saaray xabad tufaax ah oo uu jidka ka helay darteed, hadana aqbalay shurudihii aadka u adka isagoo cadaabta Eebe ka carar ah iyo haweenaydii diinta iyo quruxda badneyd ee iyadana Alla ka cabsiga badneyd waxay umuda Islaamka u hibeeyeen Caalim ka midka ah culimada Islaamka Abid kuwo ugu waaweyn, Ugu danbeeyntii Aabihii Imaamyada, iyo Imaamkii koobaad ee Afarta Mad-hab: Imam Abu Xanifa. Ninka iyo haweenayda kor ku xusan wa waalidkii Imam Abu Xanifa.
Read Résuméabuiyad