Qisadi nabiyullah yusuf cs


Intayna anan bilaabin qisada Nabi Yuusuf (CS) waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (CS) laakiin nebi yuusuf (CS) qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda “Anagu waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan”(waxa looga jeeda Nabi maxamed (SCW) 

Culimada islaamku waxay isku khilaafeen maxaa loogu bixiyay qisadan, qisada ugu wanaagsan? Waxa la yidhi waxay kali la noqotay qisada qudha oo nebi laga sheekeyo quraanka dhexdiisa, sidoo kale waxa la yidhi Nabi yuusuf waxa uu kaga gudbay walaaladii samir iyo dulqaad waana iska dhaafay waxa kaloo oo la yidhi waxa ku jira suuradan xusitaankii Nabiyadii wanaagsanaa iyo dulqaadkoodi, nin madax ah iyo cidii uu xukumayay waxa kale oo ku xusan suurdan 

rag iyo shirqool dumar, waxa ku dhex jira sheekitaanka towxiidka iyo fiqiga cabiritaanka riyooyinka iyo fasilidooda 

Hadaba qisadan Nabi Yuusuf (CS) waxay na tusaysaa dhibta iyo hawsha loo soo marayo dacwada illaahay iyo in la yeesho ku samirkeeda, arinka illaahayna waxa hor joogsan karaana ma jiro. 

Hadaba qisada Nabi Yuusuf waa qiso ina tusaysa murugo iyo dhib. Waxaananu halkan kusoo gudbin doonaa qisadii Nabi Yuusuf qaybtii ugu horaysay aanu bilaamno, “Illaahay waxa uu yidhi koreeye xus nabi maxamedow goortuu yuusuf ku yidhi aabihii, aabay waxan arkay 11 meere cad ceeda iyo dayaxa waxa aan arkay iyagoo ii sujuudsan” 

Ilmahan yari waxa uu aabihii uga waramayaa riyooyin la tusay Nabi Yacquubna (CS) waxa uu gartay Nabi Yacquubna (CS) in ay riyadaasi ku jirto arin wayn oo aan ilma yari ku riyoon Karin, ilmahaa yara sidoo kale kumana riyoon karo isagoo ku ciyaaraya mid ka mid ah meerayasha aduunka siday doonta ha ahaatee. 

Nabi yacquub (CS) waxa uu kolkiiba is dareensiyay inanun inankiisa yari uga sheekeen walaaladiisa kale si aanu shaydaanku uga dhex faa’iidaysan walaalkooga yar . 

Waxa uu yidhi Nabi Yacquub (CS) “Inankaygiyow ha uga sheekeen riyadaada walaaladaa way ku shirqooli doonan shirqool, shaydaankuna dadka waa u cadow” 

Waxa uu dareemay Nabi Yacquub (CS) oo ahaa ina isaxaaq ina ibraahim in ay arintaani ku xidhiidhsan tahay diin iyo wanaag in ay halkaasina ku dhex jirto wanaag tusaal u tahay isku xidhkii barakaysnaa ee Anbiyada ka tafiirneed nabi ibrahim (CS) “Sidaa ayuu rabigaa ku doortay waxana wuu ku baray fasilaada riyooyinka” taa macnaheedu waxa weeyi rabigaa ayaa ku doortay oo xumaana kaa dheerayay macnaha tafsiirku waxa weeye garashada maalka, (aqoonta xaga dhaqaala ah) iyo garashada natiijooyinka, ogaanshaha siraha.

Nabi Yuusuf (CS) aabihii waxa uu dhagaystay wuxuu inankiisu ku riyooday waxana uu ka digay in aanan uga sheekeen walaaladii yuusufna wuu ka aqbalay taladaa, laakiin waxa xoogaystay cadhadii iyo karahii ay u qabeen walaaladii, waxana uu la kulmay Nabi Yuusuf (CS) walaaladii iyagoo ka sheekaysanaya arinkaa. 

Ilaahay waxa uu yidhi koreeye “Dhab ahaantii waxa ahayd yuusuf iyo walaaladii ayad dadka wax su’aala, goortay yidhaadeen yuusuf iyo walaalkeen aabaheen ayaa inaga jecel inaguna koox ayaynu nahay, aabeheena waxa uu ku sugan yahay baadi cad, dila yuusuf ama dhul inagaga tuura si uu nooga baneeyo wajiga aabaheen dabadeena aynu noqono umad wanaagsan, (9) mid ka mid ah ayaa yidhi yuusuf ha dilina aanu ku ridno ceel guntii si ay u qaataan dad socdaal ah hadii aad wax uun samaynaysaan”. 

Siday sheegayaan kutubtii hore waxay tilmaamaan in yuusuf uga waramay qisadaas walaaladii, laakiin quraanka kariimka ah meelna Ilaahay kagamuu sheegi inay sidaasi dhacday, hadii ay dhici lahaydne illaahay wuu noogu sheegi laha quraanka kariimka ah, hasa yeeshe waxa doonayeen inay dilaan u cadhadii ay u qabeen in ay dilaan darted. 

laakiin inagu waxaynu ku kaaftoomi doona quraanka karimka ah, Nabi yuusuf walaaladood waxay yidhaadeen anagoo koox dhan ah oo leh tamar iyo xoog ayuu abeheen inaga door biday wiilkii yaraa, aabaheena waa oday gafsan isla markaas mid ka mid ah ayaa hadana soo jeediyay Yuusuf in la dilo si ay aabahood kali ugu noqdaan, xaasinimadaa iyo cadhadaasi waa tu shaydaanku qalbigooga ku waynayay ilaa ay door bideen in ay yuusuf dilaan ama ay dhulka ka fogeeyaan, waxayna yidhaadeen wado sadexaad ma hayno. 

Hadaba waxaas oo dhan maxay u samaynayaan? Si aanu u arag aabihii una ilaawo dabadeedna inaga uu na jeclaado dabadeedna ay ka tooban keenan dambigii ay galeen.Mid ka mid ah ayuu qabtay dareenkii walaaltinimada wuxuuna door biday in ceel lagu rido si ay dad socoti ihi ay u qaataan, fikradaas dilka ahna way ku kala qaybsameen, dhamaan waxay isla ogalaadeen in ay ceel ku ridaan. 





Nin Alle kafiil ka dhigtay

Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW) xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday qaar reer Banii Israa’iil ah in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, markasuu yiri: Alle ayaa markhaati ku filan, markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku ja-waabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, kunkiina wuu siiyay, muddo go’anna wuu u qabtay. Ninkii wuxuu ku safray badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay markab uu soo fuulo oo uu waqtigii loo qabtay ku soo galo, mana helin markab, markaas ayuu qaatay qori, wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay kun Diinaar iyo war-qad isaga ka socota oo ku so-cota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda ayuuna la yimid. Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun Di-inaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raal-li noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday. Waxaan ku da-daalay in aan helo markab aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay mark-ab uu ku aado ninkii balad-kiisii. Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo eegaya inuu mark-ab xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii maalku ku jiray, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaa-tay ciddiisii, markii uu mi-inshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii. Muddo ka dib ayuu soo ga-lay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Di-inaar, wuxuuna yiri: Wal-laahi intaas waxaan ku da-daalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin markab ka
horreeya kan aan ku imid. Markaasuu ku yiri: waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: waxaan kuu sheegayaa in aanan helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan). Faa’iidooyinka qisada: 1.In laga sheekeeyo waxy-aabaha la yaabka leh ee ummadihii hore ka dhacay 2.Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa. ……..Dhamaaaad…….

شاركها !

No comments:

Post a Comment