Xanaaqa dadka uu hayo oo loo helay Daawo ay ku farxad heli karaan (DAAWO SAWIRADA)


Daraasad la sameeyey waxa la sheegay in dadka xanaaqa badan ay dawo utahay oo ay ku dagayaan farxadna ka helayaan cabitaanada kuwooda khudaarta la shiido ah.
Daawo Sawirada Sawirada Cabitaanada lasoo bandhigay ee farxada keeni kara.






Read Résuméabuiyad

Cudurka waraabowga (syphilis)




  








Maqaalkaan waxa eynu ka faaleyn doono inbadan cudurka looyaqaan waraabowga oo ah cudurada lays qaadsiiyo .
Waxa uu yahay, waxa sababa, iyo heerarkiisa kala duwan.
Cudurka waraabowga waxaa uu ka mid yahay cudurada lagu kala qaado galmada , Cudurkan ayaa ka mid ah cudarada ay sida ba’an ugu le’daan dadyowga wa-damada Africa ee saboolka ah, tusaale ahaan hadaan usoo qaadano tirakoobkii ugu dan-beeyay ee ay sameysay hay’ada caafimaadka aduunka (WHO) ee ku sameysay cudurka waraabowga iyo sida uu uga jiro wadamada Africa ayaa ah mid muujinaaya faraha ba’an ee uu cudurkani ku hayo dadka reer Africa.
Wadamada Africa oo uu cudur-kani aadka ugu badan yahay ayaa waxaa ka mid ah, Itoobiya, Kenya, Yugaandha, kamaruun, Musanbiig, burkiinafaasko iyo wadamo badan oo kale, sanadkii 2001 oo keliya dad gaaraya 6103 qof ayuu cudurkani ku dhacay dalka mareykanka waa sida ay Xarunta baarista, ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee dow-lada mareykanku ku warbixisay.
Dadka soomaalida ayaa ka hey-sta fikrad qaldan waxaa uu yahay cudurkani oo aaminsan in qofkii ay xoogaa dabeecadiisu ama la dhaqankiisa dadka wax si ka no-qdaan in uu qabo isfiilito, dadka qaarkiisa ayaaba u arka faan oo kugu oranaya war ninyahow is-fiilito ayaan qabaa oo markii qof ila hadloba gacanta ayaa iga soo horeysa, hadaba arintu sidaa ma ahan cudurkana waa mid khatar ah oo ay tahay in ALLAAH laga magan galaa.Mar hadii aynu aragnay warbixinahaas ku saab-san cudurka waraabowga, fikrada qaldan ee dadkeenu ka aaminsan yahay, miyaysan nala gud-booneyn in aan wax ka niraahno waxa uu yahay cudurkani, Bag-teeriyada keenta, maraaxisha uu maro bukaha qaba cudurkani, qaababka loo baaro iyo siyaa-baha loo daaweyo cudurka waraabowga (syphilis).
Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa sababa nooc ka mid bag-teeriyada ka mid ah oo loom yaqaan Treponema pallidum. Cudurkan waxaa lagu kalan qaadaa 1- Galmada 2- Hooyada cudurka qabtaana waxay u gud-bin kartaa ilamaheeda 3- sidoo kale waxaa jermiska cudurkan keena la isugu gudbin karaa qofka oo si kama ama kas ah u taabta nabraha ama boogaha ka soo baxa bukaha qaba cudurkan, si kastaba ha ahaatee 90% cudurkan waxaa lagu qaadaa gal-mada.
Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa u maraa sadex marx-aladood oo kala duwan lehna si-fooyin iyo calaamooyin kala gaar ah , hadii aan la daaweyn dhiba-naha cudurkan qaba waxaa dhacda in uu u nafwaayo cudur-kan dartiis, bal aan mid mid u eegno marxaladaha uu maro bu-kaha cudurkan qabaa iyo calaamadaha u gaarka ah marx-alad walba.
Maraxaladan oo ah marka ugu horeysa ee uu dhibanuhu cudurkan
MARXALADA KOWAAD EE WARAABOWGA (Primary Syphilis).
qaado ka dib marka uu la galmoo-day buke cudurka qaba, in ka badan 95% dadka uu cudurkani ku dhaco ayaa waxaa ay muujiyaan Nabar adag oo aan xanuun laheyn oo ka soo baxa xubinta taranka ee raga ama dumarka, nabarka noo-can ah ayaa waxaa loo yaqaan 'nabarkii adkaa" (HARD CHANCRE), sidoo kale waxaa suura gal ah in uu nabarkani ka soo baxo oogada sare ee xiniinyaha (scurutum), labada dibnood ee xubinta taranka dumarka (labia), malawadka (rectum), faraha iyo afka.
Nabarkan waxa la arkaa mudo u dhexaysa 10 ilaa 90 maalmood laga soo bilaabo maalinta ugu horeysa ee uu bukuhu qaado bag-teeriyada sababta cudurkan.
Read Résuméabuiyad

Bunka iyo Shaaha oo ka hortaga Xanuunada Wadnaha ku dhaca.

Bunka iyo Shaaha oo ka hortaga Xanuunada
Wadnaha ku dhaca.








Cabida maalin waliba dhawr Koob oo Shaah ama Bun ahi, waxay ka hor tagtaa cuduro badan oo ku dhaca Wadnaha, Baaritaano laga sameeyay wadanka Nederland oo socday mudo gaaraysa 13 sanadood ah ayaa lagu ogaaday ka hortaga ay leeyihiin cabitaanadani. Labadan cabitaan ee dadku aadka u jecel yahay ayaa tusmooyin farabadani tilmaamaya waxtarka caafimaad ee ay leeyihiin, qofka maalin walba caba lix koob oo Shaah ah, ayaa la xaqiijiyay in 30 % uu hoos u dhacayo wadna xanuun haleela, sida uu hubiyay baaritaankan oo lagu sameeyay 40 000 qof, sidoo kale dadka caadaysta cabida laba ilaa saddex koob oo Bun ah ayaa la ogaaday in uu hoos dhacayo khatarta kaga iman karaysa wadnaha. Hay,ada Ellen Mason British Heart Foundation ayaa xaqiijisay in Bunku leeyahay hoos u dhigida khataraha xanuunada wadnaha ku yimaada, Baaritaano uu sameeyay Journal of the American Heart Association ayaa isna xaqiijiyay in dadka caba laba ilaa afar koob oo Bun ah uu hoos u dhaco 20% khatarta ku iman karaysa wadnaha. Dhamaan baaritaanadan ayaa waxa ay ka midaysan yihiin in cabida Shaaha iyo Bunku ay hoos u dhigayso in uu kugu dhaco wadna xanuun, si kastaba waxa khubarada Caafimaadka ku xeel dheeri isaga mid yihiin, in caafimaadka dadka ay door ku leeyahiin cunada iyo cabitaanka uu caadaysto.
Read Résuméabuiyad

Muqdisho: Xoolaha oo hal meel lagu gowrici doono

Muqdisho: Xoolaha oo hal meel lagu gowrici doono


















Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in wixii ka dambeeya 31-ka bishan July xoolaha hilibkooda laga cano magaalada Muqdisho lagu gowrici doono Kawaanka Bari oo  ah halkii lagu gowrici jiray xilligii dowladii dhexe.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa lagu sheegay in dhammaan xoolaha lagu qali doono Kawaanka Bari ee degmada Cabdicasiis, kaddibna la geyn doono suuqyada degmooyinka gobolka oo dhan.
Ganacsatada hilibka ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarka oo ay joojiyaan goobaha ay hadda ku gowracaan xoolaha.
Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciddii u hoggaansami wayda amarka laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa lagu amray in ay wax ka qabtaan bishan wixii ka dambeeya ciddi lagu arko iyadoo xoolo ku gowracaysa Kawaanka Bari meel aan ahayn.
Read Résuméabuiyad