Xikmad (Saaxibka Iyo Faa’idadiisa)












 Alle SWT waxa uu Quraankiisa Kariimka ku leeyahay “Ruuxii uu Sheydaan u noqdo saaxiib ayaa leh saaxiibka ugu xun”. halkaasi waxaad ka garan kartaa in nolosha ay qeyb weyn ku leedahay saaxiibada, haddii ay saaxibada noqdaan kuwo wanaagsan waxay helayaan raali ahaansho Alle iyo wanaag badan. Haddiise ay noqdaan kuwo xun oo isugu yeera ama ku saaxiiba xumaan waxay hoy u noqonayaan sharka iyo halaag dhamaantiis. Rasuulkeena (SCW) waxa uu nagu dhiirigeliye inaan yeelano saaxiib wanaagsan kana dheeraano midka xun, ogow walaalka iyo walaasha Muslinka ahow in uu Rasuulkeenu (SCW) yiri “Waxaa jira toddobo ruux oo Alle harkiisa gelin doono maalinta Qiyaame, marka aanu jirin meel kale oo la harsado, waxaana toddobadaasi ka mid ah labo ruux oo Alle dartii u saaxiibay kuna kala tegey illaa maalinta Qiyaame”. Haddaba haddii ay sidaa tahay waxaa waajib ina saaran ah in dadka aan la saaxiibeyno ay noqdaan dad wanaagsan oo leh calaamado wanaagsan, haddii kale akhristoo ogow ruux xun oo aad la saaxiibto uu kaliya kuu horseedayo “hoog iyo halaag”. Sidaa darteed ayaan walaalayaal u arkaa muhim inaan wax iska xusuusino astaamaha saaxiibka wanaagsan iyo kan xun.
1. Saaxiibka Wanaagsan iyo Calaamadihiisa -Walaalayaal saaxiibka wanaagsan waa midka dhaqankiisu wanaagsan yahay oo had iyo jeer kuugu yeera wanaaga kaana reeba xumaanta -Saaxibka wanaagsan waxa uu kugula taliyaa wixii dan ay kuugu jirto waxaana uu ka hortagaa wixii aan dan kuu ahayn. -Saaxiibka wanaagsan waa kan kula farxa haddii aad faraxsan tahay, waxaana uu kaala murugoodaa wixii aad ka murugooto. -Saaxiibka wanaagsan had iyo jeer waa uu ku farxad geliyaa oo waxa uu kaaga sheekeeya wax fiican oo farxad leh. -Saaxiibka wanaagsan waxaad had iyo jeer ku aragtaa meelaha kheyrka sida masaajidada, madrasadaha cilmiga, goobaha waxbarashada iwm. -Saaxiibka wanaagsan waxa uu xifdiyaa sirtaada, mana faafiyowax adiga kugu saabsan. -Saaxibka wanaagsan waxa uu qariyaa ceebahaaga oo muujiyaa wanaagaaga. -Saaxiibka wanaagsan waa kan ku qabta (celiya) marka aad carooto oo ku dejiya. -Saaxiibka wanaagsan waa mid naxariis badan, jilicsan oo hadal macaan. -Saaxiibka wanaagsan waa ruux dulqaad leh aan dad kalena kaaga sheekeyn xumaantooda.

2. Saaxiibka Xun iyo Calaamadihiisa

-Saaxiibka xun waxaa uu leeyahay astaamo xumaan ah waana mid aan ku farxad gelineyn markasta. -Saaxiibka xun waa mid aan salaada tukan, soomin iimaana aan lahayn. -Saaxiibka xun waa midka had iyo jeer ku sugan goobaha xun sida Shineemooyinka, suuqyada Qaadka, buushashka Marfishka iyo kuwa Qamriga -kuugu yeeraa xumaan sida inaad aadaan goobaha xun-Saaxiibka xun waxa uu kuugu yeeraa xumaan sida inaad aadaan goobaha xun ama lagu sameeyo xumaanta. -Saaxiibka xun waxa kugu dhiiri geliyaa sameynta ficillo aan Alle raali ka ahayn. -Saaxiibka xun waxa uu kaaga sheekeeya xumaan iyo waxyaabo ku saabsan xumaan. -Saaxiibka xun waa kan aan marnaba lahayn xishood iyo naxariis. -Saaxiibka xun waxa uu ka hadlaa addunyo iyo macaankeeda. -Saaxiibka xun waa kan jecel dhaqamada shisheeye iyo gaalada kuguna dhiirigeliya inaad sameyso. -Saaxiibka xun waa kan aflagaadada badan, dadka kale ku dhaca. -Saaxiibka xun waa mid aan aqoon naxariis iyo dulqaad, isla markaana aan sharfin dadka kale. -Saaxiibka xun waa mid ka aan lagu arkin masaajidada iyo meelaha kheyrka.
Read Résuméabuiyad

Wadan Iyo Muwaadin


















Qof walba marka uu dhasho waxa loo bixiyaa magac, magacaas waxa u doora ehelkiisa, hanoqoto hoyadii, abihii ama walaalihiiiba. Laakin waxa jira magac kale oo aan xambaarsanahay magacaas oo ah magaca wadan kaaga adi-gana kaadhiga muwaadin udhashay wadankaas. Taasna waxa uu muwadinku ka helaa xuquuqdiisa muwadinimo ba-dalkeedana waxaaan gudnaa waajibka wadanimo. Markaa hadaba la sheego “ Wadan” isla markaaba waxa maankaaga ku soo dhaca “Muwaadin”. Laakin su`aasha iswaydiinta mudan ayaa waxa ay tahay : -Waa maxay Wadan? -Waase kuma Muwaadinku? Wallow aynaan jirin jawaab la isku waafakhsan yahay, hadana waxa jira macno guud oo heshiis lagu yahay. Wadan waa heshiiis bulsho kuheshiiso dhul cayiman taas oo ay guteen waajibaadkiisa kana helaaan xuquuqdooda iyada oo danta guud laga ho-rumarinaayo danta gaar ahaaneed. Wadan waa meesha aan ku dhalanay una dhalanay , ku barbaarnay wax ku baranay, aaan doonayno inaan ku dhisno mustaqbal, kuna rumayno riyadeena kuna dhimano, una dhimano difaaciisa. Wadan waa sida “Nasab” oo kale aan ka soo jeedno kuna abtirsano, ku faano, jac-aylkiisuna yahay waajib, waayo wadaninimadu waa mabda muqadas ah kuna dhi-san mabda’a odhanaya (hadiiwalba) balse aan ku dhisnayn mabda`a ah. (hadii) tusaale ahaan wadanku waa shirkad oo kale muwadinku shiraako ku leeyahay. Hadii la faaiido lawada faa`iidayo, hadii la khasaarana lawada khasaarayo taas ayaana siisa wadanka muqadasnimada iyo saraysiinta maqaamka uu taa-gan yahay wadanku. Waa ayo Muwaadin ? Qof walbaa noloshiisu waxay ka soo bilaamataa caloosha hoyadii taas oo uu ka helo cunto, biyo, hawo iyo ….iwm. Kadib waa uu soo dhashaa wuxuuna ka mid noqdaa qooyskiisa, taas oo uu ka helo wax walba ( barbaarin iyo waxbarasho). Intaaa kadib waxa uu awood u yeeshaa in uu ka qayb qaato dhismaha qoyskiisa, kadibna bulshadiisa. waxaynu halkaas ka ogaanaynaa in muwadini-madu ka kooban tahay laba shay, labadaas shay oo kala ah “Xuquuq iyo wajibaad”, Qof walbaa waxa uu ka dhashaa qoys, qooysku waa Muwaadin waa sifo uu leeya-hay qof kastoo ka tirsan bul-shada taas oo muujisa in uu leeyahay xuquuq laguna lee-yahay waajibaad taas oo ay ku faralyeeshay wadanka uu ku abtirsanayo.

Xuquuqda Muwaadinka Wallow ay badan tahay xuquuqda muwaadinku hada-na waxaynu tilmaami kar-naaa xuquuqda sida in uu helo : 1.Xaqa xuriyada iyo nabada 2.xaqa cafimadka iyo waxba-rashada. 3.Xaqa in uu helo shaqo. 4. Xaqa ah in uu si xor ah u cabiro fikirkiisa. 5.Xaqa ah in uu doorto cida xukumaysa……. Iwm. Waajibkaadka Muwaadin-ka 1.In uu ixtiraamo tastuurka iyo sharciga. 2.In uu bixiyo cashuurta ku wajibtay . 3.In uu difaaco wadanka. 4.In uu ixtiramo xuquuqda dadka kale. 5.In uu ka qayb qaato dhismaha dalka, dadka, iyo dowladiisa.
Read Résuméabuiyad

Bunka iyo Shaaha oo ka hortaga Xanuunada Wadnaha ku dhaca.

Bunka iyo Shaaha oo ka hortaga Xanuunada
Wadnaha ku dhaca.








Cabida maalin waliba dhawr Koob oo Shaah ama Bun ahi, waxay ka hor tagtaa cuduro badan oo ku dhaca Wadnaha, Baaritaano laga sameeyay wadanka Nederland oo socday mudo gaaraysa 13 sanadood ah ayaa lagu ogaaday ka hortaga ay leeyihiin cabitaanadani. Labadan cabitaan ee dadku aadka u jecel yahay ayaa tusmooyin farabadani tilmaamaya waxtarka caafimaad ee ay leeyihiin, qofka maalin walba caba lix koob oo Shaah ah, ayaa la xaqiijiyay in 30 % uu hoos u dhacayo wadna xanuun haleela, sida uu hubiyay baaritaankan oo lagu sameeyay 40 000 qof, sidoo kale dadka caadaysta cabida laba ilaa saddex koob oo Bun ah ayaa la ogaaday in uu hoos dhacayo khatarta kaga iman karaysa wadnaha. Hay,ada Ellen Mason British Heart Foundation ayaa xaqiijisay in Bunku leeyahay hoos u dhigida khataraha xanuunada wadnaha ku yimaada, Baaritaano uu sameeyay Journal of the American Heart Association ayaa isna xaqiijiyay in dadka caba laba ilaa afar koob oo Bun ah uu hoos u dhaco 20% khatarta ku iman karaysa wadnaha. Dhamaan baaritaanadan ayaa waxa ay ka midaysan yihiin in cabida Shaaha iyo Bunku ay hoos u dhigayso in uu kugu dhaco wadna xanuun, si kastaba waxa khubarada Caafimaadka ku xeel dheeri isaga mid yihiin, in caafimaadka dadka ay door ku leeyahiin cunada iyo cabitaanka uu caadaysto.
Read Résuméabuiyad