Cilmi Boodhari ama sida uu yahay
magaciisa oo buuxa Calmi Ismaaciil
Liibaan, dad badankiisu waxay
ku yaqaaniin qisada jacaylkii dhexmaray
isaga iyo Hodan Cabdulle
Walanwal. Run ahaatii, inkasta oo
ay jirto in Cilmi caashaqa iyo jacaylka
dhabta ah uu ku caan baxay,
hadda dhinaca suugaanta afka
soomaaliga wax weyn buu ku soo
kordhiyay, waxaana uu ku leeyahay
suugaan maqaam culus leh oo
ka mid ah oo ma hadhooyin iyo
halhaysyo badan ku reebay dadka
soomaaliyeed, islamarkaasna
gundhig iyo raadraac u noqoday
qof kasta oo dereenka jacaylku
iyo waayihiisu ay la soo dersaan.
Midda kale, waxay suugaantiisu sumad
u tahay iyo halbeeg dhaqanka
soomaalida, waxaana laga dhex milicsan
karaa marxaladdaha kala duwan
ee uu dhaqanku soo maray, laga
bilaabo wakhtiyadaas uu Cilmi noolaa
iyo xilligan aynu hadda joogno,
inta uu leeg yahay isbedlka dhacay.
Dadkii wakhtigaas Cilmi noolaa oo
ku beegan 1920-1940:aadkii, wax
badan ayaa gabayada Cilmi Boodhari
innaga tusayaan, gaar ahaan
fikirkooda iyo qaabka ay u arkayeen
jacayl iyo waxyaabaha la xidhiidha.
Qisadan Cilmi iyo Hodan, dadku
waxay uga sheekeeyaan siyaabo
kala duwan. Dad baa qaba in Cilmi
aanay wax badan oo xidhiidh
ah lahayn Hodan oo uu hal mar uu
arkay oo ay Foornadii Roodhida
ee uu ka shaqeyn jiray ugu
soo gashay, laakiin
anigu, kedib, markii aan milicsaday
suugaantiisa, islamrkaasna
aan u dhuuxay si mug leh,
waxay suugaantani i geyaysiisay,
in ninka waxan oo gabay
ah laabtiisa ka soo xaadhayaa,
aanu been ku hadlay, ee
arrimaha uu sifaynayo iyo humaagan
uu bixinayo ay yihiin
qaar wax ku ool ah oo uu u
soo joogay, lana soo dersay.
Waxaan odhan karaa: Soomaalidu
been way sheegtaa,
laakiin been ma gabaydo!
Bal haddaba, aynu dhex marno
hawlaha iyo hadimooyinka uu
Cilmi tirsaday ee kala soo gudboonaaday
dhinaca jacayl uu u
qaaday Hodan Cabdulle iyo silsiladda
taxannaha ahayd ee taariikh
nololleedka Cilmi oo kulli,
mid kasta oo u soo bandhigaaba,
sababta gabayga uu u tiriyay
iyo xaaladda ku hareeraysnayd
ee uu ka cabanayo, aynu si
muraad oo kale ah humaag aan
mugdi badan lahyn iyo muuqaal
is fasiraya u soo bandhigayay:
Cilmi Boodhari wuxuu ahaa
wiil ka dhashay reer sabool ah
oo reer miyi ah, sidaas awgeed,
ayuu isaga oo da’ yar uga soo
baqoolay dhinaca miyiga oo uu
u soo galay benderka iyo magaalo,
si uu uga shaqeysto. Nasiib
wanaag Waxaa uu deggey
magaalada marsada ah ee Berbera
oo markaas aad u camirnayd,
ahaydna magaallooyinka
Somaliland oo markaas loo
yaqaanay (British Somaliland
protectorate) magaalada ugu camiran.
Cilmi waxaa uu shaqo ka helay
foorno lagu dubo roodhida. Halkaasi
ayay Hodanna ka iibsan jirtay
Roodhida. Iyada oo iyana ka dhalatay
reer marka la eeego soomaalida
wakhtigaas joogtay reer ladan ahaa.
Caashaq baa uu Cilmi Boodhari la
bukooday. Culays baana saaramay
kedib markii uu muddo dareen jacaylka
dhex dabaashay, waxaa ku
batay xanuun ka dhashay rabitaan
xad dhaaf ah ee uu u qabay Hodan.
Cuntadii iyo hurdadiina way
ku yaraadeen Cilmi. Hodan reerkoodii
aad bay uga xeyraameen,
waxayna ku mareen dhaar in aanay
xidhiidh la yeelan karin
ninkaas, ay sheegayso ee Cilmi la
yidhaahdo, kedib markay ka war
heleen qisada jacaylka ee uu ku
andacoonayo Cilmi in uu u qabo
Hodan, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Iyagu waxayna ahayd sababta
ay u cuskadeen, inuu yahay
Cilmi wiil yar oo foorno roodhi
ah ka shaqeeya, oo aan kufkeedaba
ahayn, una qalmi inay isku quudho.
Islamarkaasna ka dhashay
reer sabool ah. Cilmi waxay u
sheegtay Hodan in xaajadu adag
tahay oo aanay suurtogal ahayn
in ay is guursadaa. Muddo kaddib
Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii
ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey
dhibaatadii la soo deristay:
Nimanyahow! dharaar iyo habeen,
waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xariiqaa, siday
dhiilo i timiye
Sidii qaalin dhugatoobayoo,
geeli laga reebay
Dhallinyaro ma raacee keligay
baan, dhaxanta meeraaye
Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii,
dhawac weyn qaba e
magaciisa oo buuxa Calmi Ismaaciil
Liibaan, dad badankiisu waxay
ku yaqaaniin qisada jacaylkii dhexmaray
isaga iyo Hodan Cabdulle
Walanwal. Run ahaatii, inkasta oo
ay jirto in Cilmi caashaqa iyo jacaylka
dhabta ah uu ku caan baxay,
hadda dhinaca suugaanta afka
soomaaliga wax weyn buu ku soo
kordhiyay, waxaana uu ku leeyahay
suugaan maqaam culus leh oo
ka mid ah oo ma hadhooyin iyo
halhaysyo badan ku reebay dadka
soomaaliyeed, islamarkaasna
gundhig iyo raadraac u noqoday
qof kasta oo dereenka jacaylku
iyo waayihiisu ay la soo dersaan.
Midda kale, waxay suugaantiisu sumad
u tahay iyo halbeeg dhaqanka
soomaalida, waxaana laga dhex milicsan
karaa marxaladdaha kala duwan
ee uu dhaqanku soo maray, laga
bilaabo wakhtiyadaas uu Cilmi noolaa
iyo xilligan aynu hadda joogno,
inta uu leeg yahay isbedlka dhacay.
Dadkii wakhtigaas Cilmi noolaa oo
ku beegan 1920-1940:aadkii, wax
badan ayaa gabayada Cilmi Boodhari
innaga tusayaan, gaar ahaan
fikirkooda iyo qaabka ay u arkayeen
jacayl iyo waxyaabaha la xidhiidha.
Qisadan Cilmi iyo Hodan, dadku
waxay uga sheekeeyaan siyaabo
kala duwan. Dad baa qaba in Cilmi
aanay wax badan oo xidhiidh
ah lahayn Hodan oo uu hal mar uu
arkay oo ay Foornadii Roodhida
ee uu ka shaqeyn jiray ugu
soo gashay, laakiin
anigu, kedib, markii aan milicsaday
suugaantiisa, islamrkaasna
aan u dhuuxay si mug leh,
waxay suugaantani i geyaysiisay,
in ninka waxan oo gabay
ah laabtiisa ka soo xaadhayaa,
aanu been ku hadlay, ee
arrimaha uu sifaynayo iyo humaagan
uu bixinayo ay yihiin
qaar wax ku ool ah oo uu u
soo joogay, lana soo dersay.
Waxaan odhan karaa: Soomaalidu
been way sheegtaa,
laakiin been ma gabaydo!
Bal haddaba, aynu dhex marno
hawlaha iyo hadimooyinka uu
Cilmi tirsaday ee kala soo gudboonaaday
dhinaca jacayl uu u
qaaday Hodan Cabdulle iyo silsiladda
taxannaha ahayd ee taariikh
nololleedka Cilmi oo kulli,
mid kasta oo u soo bandhigaaba,
sababta gabayga uu u tiriyay
iyo xaaladda ku hareeraysnayd
ee uu ka cabanayo, aynu si
muraad oo kale ah humaag aan
mugdi badan lahyn iyo muuqaal
is fasiraya u soo bandhigayay:
Cilmi Boodhari wuxuu ahaa
wiil ka dhashay reer sabool ah
oo reer miyi ah, sidaas awgeed,
ayuu isaga oo da’ yar uga soo
baqoolay dhinaca miyiga oo uu
u soo galay benderka iyo magaalo,
si uu uga shaqeysto. Nasiib
wanaag Waxaa uu deggey
magaalada marsada ah ee Berbera
oo markaas aad u camirnayd,
ahaydna magaallooyinka
Somaliland oo markaas loo
yaqaanay (British Somaliland
protectorate) magaalada ugu camiran.
Cilmi waxaa uu shaqo ka helay
foorno lagu dubo roodhida. Halkaasi
ayay Hodanna ka iibsan jirtay
Roodhida. Iyada oo iyana ka dhalatay
reer marka la eeego soomaalida
wakhtigaas joogtay reer ladan ahaa.
Caashaq baa uu Cilmi Boodhari la
bukooday. Culays baana saaramay
kedib markii uu muddo dareen jacaylka
dhex dabaashay, waxaa ku
batay xanuun ka dhashay rabitaan
xad dhaaf ah ee uu u qabay Hodan.
Cuntadii iyo hurdadiina way
ku yaraadeen Cilmi. Hodan reerkoodii
aad bay uga xeyraameen,
waxayna ku mareen dhaar in aanay
xidhiidh la yeelan karin
ninkaas, ay sheegayso ee Cilmi la
yidhaahdo, kedib markay ka war
heleen qisada jacaylka ee uu ku
andacoonayo Cilmi in uu u qabo
Hodan, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Iyagu waxayna ahayd sababta
ay u cuskadeen, inuu yahay
Cilmi wiil yar oo foorno roodhi
ah ka shaqeeya, oo aan kufkeedaba
ahayn, una qalmi inay isku quudho.
Islamarkaasna ka dhashay
reer sabool ah. Cilmi waxay u
sheegtay Hodan in xaajadu adag
tahay oo aanay suurtogal ahayn
in ay is guursadaa. Muddo kaddib
Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii
ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey
dhibaatadii la soo deristay:
Nimanyahow! dharaar iyo habeen,
waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xariiqaa, siday
dhiilo i timiye
Sidii qaalin dhugatoobayoo,
geeli laga reebay
Dhallinyaro ma raacee keligay
baan, dhaxanta meeraaye
Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii,
dhawac weyn qaba e