Maamulka Airport ku yaala New York ayaa Gacanta ku dhigay Kabo ay wadatay Gabar halkaas joogtay waxaana uu Maamulka la wareegay Kabahaas oo Gabadhii laga siibay.
Sababta Kabahan loola wareegay waxay tahay sida Warka lagu sheegay iyagoo Kabuhu ay leeyihiin Jaan ama Cag hoose oo sidii Bastooladda u sameeyasy.
Wakaaladda Amniga Gaadiidka ee Mareykanka ayaa faafiyay Sawirka Kabo-Gabdheedkan Madoowga ah oo Jaanta aadka u dheer wata una eg sidii Bastoolad.
Gabadha ayaa Maamulka Garoonka ku wareejisay Kabaheeda iyadoo aan wax Dhibaato ah sameeyn si ay markaas ka dib ugu fududaato inay Diyaaradda raacdo.
Waxay si kooban u sheegtay in loo diiday inay xirato Kabaha, maxaa yeelay waxay hoos ku wataan Jaan u eg Bastoolad.
Arrintan waxay La yaab iyo Hadal haynba ku abuurtay Dadkii joogay Gegida Diyaaradaha ee ay Gabadhu ka dhoofeeysay.